43. Az-Zukhruf
1Xaa Miim
2Waxaan ku dhaartay Kitaabka (Qur’aanka) ka yeela waxyaalaha caddaan
3Hubaal Waxaan Annagu ka dhignay kani Qur’aan af Carabi ah, si aad u fahantaan
4Oo hubaal wuxuu ku yaal asalka Kitaabka3 (Looxa Maxfuudka) nala yaal, ee la kor yeelay ay ka buuxdo Xikmad
5Miyaan haddaba idinka deysannaa waanada gebigeediba inaad noqoteen qolo xad gudub badan awgeed
6Oo intee baan Nabi u dirnay kuwii hore dhexdood
7Oo ma jirin Nabi u yimaada oo aysan ku jees-jeesin
8Markaas waxaanu hallignay kuwo iyaga4 ka xoog badnaa,_oo waxaa hore u tagay mataalka kuwii hore
9Oo haddii aad weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay hubaal odhanayaan: Waxaa abuuray (Allaah) Adkaadaha, Wax kasta Ogsoonaha ah
10Kan Isagu idiinka dhigay dhulka gogol, ee idiinku yeelay dhexdiisa waddooyin, si aad ugu hagaagtaan
11Oo Isagu ah Kan ka soo dejiya biyo daruurta si qiyaasan. Markaas waxaan ku nooleynaa magaalo dhimatay, sidaas oo kale baa weliba la idiin soo bixin doonaa
12Oo Isagu ah Kan abuuray lammaanayaasha wax waliba oo idiin yee- lay doonyo (diyaarado, tareenno, gawaari) iyo xoolo (geel, lo',fardo, iwm) aad fuushan
13Si aad ugu fariisataan si sugan dhabarradooda, markaas aad xusuusataan Nicmadda Rabbigiin marka aad dul fariisataan, oo tidhaahdaan: Xurmoo dhan waxaa iska leh Kan noo sakhiray waxakan, oo ma aheyn kuwo kara inaanu sameyno
14Oo xaqiiq xagga Rabbigayo waa inaan u laabanno
15Oo waxay u cayimaan Isaga qayb ka mid ah addoomihiisa5; Hubaal Aadmigu waa abaal darane caddaysatay
16Ma wuxuu u dooray Naftiisa gabdho ka mid ah waxa uu Isagu abuuro, oo idiin dooray idinka wiilal
17Oo marka loogu bishaareeyo midkood warka waxa uu uga yeelay Raxmaanka mataal, wejigiisu wuxuu noqdaa madow isagoo walbahaarsan
18Ma kuwaa lagu abuuray isqurxinta oo xagga doodda aan caddeyn karin hadalka
19Oo waxay ka yeelaan malaa’igta oo iyagu ah addoomaha Raxmaanka, (ilaahyo) dheddig ah6, ma waxay goob joogeen ka ahaayeen abuuristooda? Maraggooda waa la qori doonaa oo waxay ahaan doonaan kuwo la su’aalo
20Oo waxay yidhaahdaan: Haddii uu doono Raxmaanku, marnaba ma aanu caabudneen (iyaga). Uma ay laha wax cilmi ah (arrin)kani, been uun bay sheegayaan
21Mise waxaan siinnay Kitaab ka horreeyey, oo ay iyagu heystaan
22Bal! Waxay yidhaahdaan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo ku sugan dariiqo, oo hubaal innagu iyaga raadadkooda baan ku hanuunsannahay
23Oo sidaas oo kale, Uma aanu soo dirin hortaa wax dige ah magaalana oo aysan kuwooda ladnaa ee ku jiray odhan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo ku sugan dariiqo, oo hubaal waxaan annagu raacnaa raadadkooda
24(Digihii) wuxuu yidhi: Ma xitaa haddii aan idiin keeno hanuun ka fiican waxa aad ka hesheen aabbayaashiin? Waxay yidhaahdeen: Hubaal innagu ma aanu aaminsanin waxa la idin la soo diray
25Markaas baan ka aarsannay ee bal fiiri sida ay aheyd cidhibta xaq diidayaasha
26Oo waa tii uu Ibraahiim ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: Hubaal waxaan anigu ka eed tirnahay waxa aad caabuddaan oo dhan
27Waxaan ka ahayn Kan i abuuray, oo hubaal Isaga baa i hanuunin doona
28Oo wuxuu ka yeelay Kelmed7 ku baaqi ah durriyaddiisa dhexdooda8, bal inay soo noqdaan
29Bal’ Waxaan u raaxeeyey kuwaas iyo aabbayaashoodba ilaa uu u yimid Xaqu iyo Rasuul ka yeela (Xaqa) caddaan
30Oo markuu u yimid Xaqa waxay yidhaahdeen: Kani (Qur’aanku) waa sixir, oo innagu maba aaminsanin
31Oo waxay yidhaahdeen: Maxaa se Qur’aankan loogu soo dejin waayey nin darajo weyn oo ka tirsan labada magaalo
32Ma iyaga baa ah kuwa qaybiya Naxariista Rabbigaa? Annaga baa ka qaybinna dhexdooda maciishaddooda nolosha adduunkan, oo ka kormarinnay qaarkoodba qaarka kale derejooyin, si ay qaarkood qaarka kale ugu adeegtaan. Oo Naxariista Rabbigaa baa ka khayr badan waxa ay urursadaan
33Oo haddii uusan dadku noqonayn ummad keliya (isku jid) waxaan xaqiiq ka yeeli laheyn kuwaa ku gaalooba Raxmaanka guryahooda saqafyo fiddo ah iyo salaanno (fiddo ah) ay ku koraan
34Guryahoodana albaabbo (fiddo ah) iyo sariiro (sare) ay korkooda ku jiqlaystaan
35Iyo qurxinno (kale) dahab ah. oo waxa- kani oo dhammi ma aha waxaan aheyn sahayda nolosha adduunkan(ee dhammaa- neysa). Oo Aakhirada Rabbigaa agti ah waxaa leh oo keliya kuwa iska jira xumaha
36Oo mid kastoo ka jeesada waanada Raxmaanka waxaanu u xil saarnaa Shay- daan markaasuu noqdaa lammaanahiis
37Oo hubaal waxay iyagu ka duwaan Jidka, oo waxay moodaan inay hanuunsan yihiin
38Jeer marka uu noo yimaado wuxuu yidhaahdaa: wayee, haddii inta aniga iyo adiga u dhexeysa u kala fogaan lahayd inta ay isu jiraan bariga iyo galbeedka; oo xumaa lammaanahaa oo kale
39Oo maadaama aad caddaalad darro fasheen waxba idin ma tari doonto Maanta inaad cadaab (musiibada) wadaagtaan
40Ee miyaad haddaba ka yeeli kartaa dhegoolaha inuu wax maqlo, mise hanuunin kartaa indhoolaha iyo mid isagu ku jira habow caddaan ah
41Haddiise aan ku oofsanno, Annaga uun baa weli ka aarsan doonno iyaga
42Ama haddii kale waxaan ku tusi doonnaa waxa aan u yaboohnay, oo hubaal waxaanu ku leennahay awood dhan dushooda
43Ee qabso waxaa laguu waxyoodo, hubaal waxaad ku sugan tahay jid toosan
44Oo hubaal waa kuu waano adiga iyo dadkaaba, oo waxaad ahaan doontaan kuwo la su’aalo
45Oo weydii kuwaa ka midka ah Rusushayada aan soo dirnay adiga hortaa: Ma waxaan marnaba yeellay ilaahyo la caabudo Raxmaanka (Allaah) ka sokow
46Oo xaqiiq waxaan Muuse la soo dirnay Aayadahayaga xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, markaasuu wuxuu yidhi: Hubaal waxaan anigu ahay Rasuulka (Alle) Rabbiga uunanka
47Markiise uu ula yimid Calaamooyinka- yaga mise! Waaba ay ku qosleen
48Oo ma jirin mucjiso aan tusinnay oo aan ka weyneyn eynigeed, oo waxaan ku qabannay cadaab12 bal inay soo laabtaan
49Oo waxay yidhaahdeen: Saaxiryahow! Noo bari Rabbigaa maadaama uu kula galay ballan. Waxaan Hubaal ahaan doonnaa kuwo raaca dhabbaha toosan
50Markiise aan ka faydnay cadaabka, mise, markiiba waxay ka baxeen ballankii
51Oo wuxuu ka dhawaaqay Fircoon dadkiisii dhexdood isagoo leh: Dadkaygiiyow! Ma waanan anigu iska lahayn boqortooyada Masar, iyo webiyadan qul-qula hoosteyda. Ee miyeydaan haddaba arkeyn
52Bal aniga baa ka fiican midkani, ee ah mid liita ee uu dhibka ku yahay inuu u hadlo si cad oo wanaagsan
53Maxaase loogu soo gelin waayey jinjimo dahab ah, ama maxay ula iman weydey malaa’ig raacsan oo rafiiq u ah
54Markaasuu ku kiciyey dadkiisii hadallo doqon ma garato ah, markaasay adeeceen: hubaal waxay ahaayeen qolo caasiyaal ah
55Haddaba markii ay naga cadheysiiyeen, waan ka aargoosannay, markaas baan qarqinnay iyagii oo dhan
56Oo Waxaanu ka yeelnay wax tegay iyo tusaale ku socda facyada dambe
57Oo marka loo soo qaato ina Maryam (Ciise) mataal14, mise qolodaada waa ka jeesadaan (mataalkaa)
58Oo waxay yidhaahdaan: Ma ilaahyadayada baa fiican mise isaga? Uma ayan soo qaadan mataalka waxaan aheyn muran. Balse waa qolo dood badan
59Ma uu aheyn (Ciise) wax ka badan addoon aan u nicmaynay, oo waxaan uga yeelnay tusaale ilmahii Israa’iil
60Oo Haddii aan doonno, waxaan yeeli lahayn dhexdiinna malaa'ig dhulka u hara
61Oo hubaal wuxuu isagu (Ciise) u yahay calaamad la yaqaan (soo dhowaanshaha) Saacadda, Sidaa awgeed ha ka shakiyina arrinkeeda oo i soo raaca17: Kan baa ah Jidka Toosan
62Oo yuusan Shaydaan idin hor joogsan, hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad
63Oo markuu Ciise la yimid xujooyin cad, wuxuu yidhi: Waxaan xaqiiq idiin la imid Xikmad iyo inaan idiin caddeeyo qaar ka mid ah waxa aad isku khilaafsan tihiin, ee dhowra xilkuu idin saaray Alle oo i adeeca
64Hubaal Allaah waa Rabbigay iyo Rabbigiinba, Ee caabuda Isaga (Keliya). Kan baa ah Jidka Toosan
65Wayse is khilaafeen xisbiyadii dhexdooda. Ee hoog waxaa leh gar ma qaatayaasha xagga cadaab Maalin xanuun badan darteed
66Ma waxay sugaan waxaan ahayn Saacadda_taasoo ugu iman kedis, iyagoo aan dareensaneyn
67Saaxiibbadu Maalintaas waxay isu ahaan cadow qaarkoodba qaarka kale marka laga reebo kuwa iska jira (xumaha)
68Addoomahaygiiyoow! Cabsi ma ahaan doonto maanta korkiinna mana murugoon doontaan
69Kuwaasi rumeeyey Aayadahayaga ee ahaa Muslimiinta
70Gala Jannada, idinka iyo afooyinkiinnaba18; waa laydinka farxine
71Waxaa lagula wareegi halkaa xeerooyin dahab ah iyo koobab cabbitaan, oo gudaheeda waxaa ahaan waxay nafahooda jecleystaan, oo indhuhu ku raaxaysan, oo waad ku waari dhexdeeda
72Oo taasi waa Jannadii aad ku dhaxasheen wixii aad camalsan fasheen
73Waxaad ku leedihiin gudaheeda midho tiro badan, xaggeeda wax ka cuni doontaan
74Hubaal dambiilayaashu waxay ku waari doonaan cadaabta Naarta
75Lagama dabcin doono, iyagoo halkaa gudaheeda ku quusan doona
76Oo ma aanu ku gardarroon iyaga, laakiinse iyaga baa ahaa gar ma qaatayaal
77Oo waxay u yeeri doonaan: Maaligow! Rabbigaa ha noo sameeyo dhammaad. Wuxuu odhan: hubaal Idinku waad ku waari doontaan (Naarta gudaheeda)
78Xaqiiq Waxaan idiin la nimid Xaq laakiinse badankiinnu Xaqa baad nacdaan
79Mise ma waxay goosteen arrin? Hubaal waa Annaga kuwa wax gooya
80Mise ma waxay moodaan inaanaan maqleyn sirahooda iyo faqooda gaarka ah? Mayee Rusushayada baa ag joogta oo qoreysa
81Dheh: Haddii Raxmaanku aad leedihiin dhal (buu yeeshay), waxaan anigu ahay kan u horreeya ee waxida (oo ka nazaha inuu leeyahay ilmo ama xaas ama dhig ama cid kaloo wax la wadaagta)
82Waxaa xurmo oo dhan iska leh Rabbiga samooyinka iyo arlada, Rabbiga Carshigu oo ka nazahan waxa ay tilmaamaan
83Ee iska daa ha dhunbadaan ( baadilkaas) oo ha iska cayaaraane inta ay kala kulmaan Maalintooda loo yaboohay
84Oo waa Isaga Kan ku ah Ilaah somooyinka gudahood iyo Ilaah arlada gudaheed; oo waa Isaga (Alle) Xakiimka, wax kasta Ogsoon
85Oo waxaa khayr iyo barako badan Kan (Allaah) ee iska leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeyaba, oo ay agti tahay cilmiga Saacadda, oo Xaggiisa dib la idiinku soo celin doono
86Oo kuwa ay baryaan Isaga ka sokow, uma leh awood shafeeco marka laga reebo midka qira xaqa (ashahaadada ee ku dhaqma) oo aqoon san u leh
87Oo haddii aad su’aasho yaa iyaga abuuray, waxay hubaal odhanayaan: Allaah. Ee xaggee baa haddaba loo iilay
88Tixgeli dhawaaqiisa: Rabbiyow! Hubaal kuwaanu waa qolo aan (xaqa) rumaysneyn
89Ee Isaga jeeso oo dheh: Nabadeey, wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca)
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath