Islaamka
dib

37. As-Saaffaat

1Waxaan ku dhaartay kuwa (malaa’igta) safta safafka siman

2Misna kuwa soo kaxeeya kaxeynta adag

3Misna kuwa akhriya (Dhambaalka) iyagoo baraarugsan

4Hubaal Ilaahiinnu (Runta ah) waa Mid keliya (Allaah)

5Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, iyo Rabbiga bariyada

6Hubaal Waxaanu ku qurxinnay samada soke qurux, xiddigaha ah

7Iyo ka ilaalin ahaan shaydaan walboo fallaago ah khayr daran

8Ma dhegaysan karaan kulanka sare oo waxaa laga soo ganaa dhinac walba

9Iyagoo la soo eryey, oo waxay leeyihiin cadaab joogto ah

10Marka laga reebo mid dafa (hadalka) dafid (mar keliya ah) markaasaa waxaa laga daba geeyaa dhinbil ololeysa oo iftiin leh

11Ee weydii ma iyaga baa abuur adag mise waxaa (kale) ee aan abuurnay?. Hubaal Waxaanu ka abuurnay (dadka) dhoobo wax ku dhagta

12Bal adigu waad la yaabtaa, halka iyagu iska jees-jeesaan

13Oo marka la waaniyo, ma waansamaan

14Oo marka ay arkaan Calaamo waxay isku dhiirro geliyaan inay ku jees-jeesaan

15Oo waxay yidhaahdaan: Waxa kanu ma aha waxba aan ahayn sixir caddaaan ah

16Ma marka aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa nala soo bixin doonaa

17Ama aabbayaashayadii waa’ hore jiray

18Dheh: Haah, idinkoo markaa dulleysan

19Marka waxay ahaan doontaa oo keliya hal Qeylo, mise markaa bay arki doonaan

20Oo waxay odhan: Hoog baa noo sug -naadaye! Tanu waa Maliinta is abaal marinta

21Tani waa Maalinta kala baxa ee aad beenin jirteen

22Soo kulmiya iyagoo dhan kuwii ahaa gar ma qaatayaasha iyo4 shurakadoodii iyo waxa ay caabudi jireenba

23Allaah sokadi, oo u taxaaba jidka Naarta ololeysa

24Oo joojiya, waayo waxay ahaan doonaan kuwo la su’aalo

25Maxaad leedihiin oo aydaan isugu gargaareyn

26Mayee, Maalintaa way is dhiibi doonaan

27Oo waxay ku jeesan doonaan qaarkoodba qaaar iyagoo is su'aalaya

28Waxay odhan: Hubaal waxaad nooga imaan jirteen dhanka midig

29Waxay odhan: Mayee, idinka naf ahaantiinu maydaan aheyn mu’miniin

30Oo kuma aanu laheyn wax awood ah korkiinna. Mayee, waxaad ahaydeen qolo xad gudub badan

31Sidaas awgeed waxaa nagu waajibay Qawlka Rabbigeen, (haatan) hubaal waanu dhadhamin doonnaa (Cadaabta)

32Marka waan idin luminnay6, waayo innaga naf ahaanteenna baa lunsanayn

33Marka Maalintaas cadaabta bay wadaagi doonaan

34Hubaal sidaas baan ku fallaa Dambiilayaasha

35Hubaal iyaga marka lagu yidhaahdo: Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan ahayn Allaah, way iska weyneyn jireen

36Iyagoo leh: Ma waxaan isaga deynaa ilaahyadayada gabayaa waalan

37Mayee’ wuxuu la yimid Xaq, oo rumeeyey Rusushii ( Alle soo diray)

38Hubaal waxaad idinku dhadhamin doontaan cadaabta xanuunka badan

39Oo la idinkama goyn doono waxaan aheyn waxa aad galabsateen

40Marka laga reebo Addoommaha Ilaahay ee daacadda ah aan waxba la wadaajin (cibaadada)

41Kuwaasu waxay leeyihiin risiq la yaqaan

42Midho, oo waxay ahaan doonaan kuwo si heer sare ah loogu maamuuso

43Beeraha barwaaqada gudaheeda

44Sariiro sarreeya korkooda iyagoo is qaabilsan fool ka fool

45Waxaa lagula wareegi doonaa koob (khamri ah) ka soo shubma ilo saafi ah

46Cad, oo u macaan kuwa cabba

47Ma ahaan doonto wax dhibaato ah dhexdeeda, mana ahaana doonaan kuwo ku sarkhaamo

48Oo waxaa la jirkood ahaan doona kuwa soo laaba araggooda, ee leh indha waasic ah oo aad u qurxoon

49La moodo ukummo aad loo dhowray

50Waxay qaabili doonaan qaarkoodba qaarka kale, iyagoo wax is weydiinaya

51Midkood hadlaya baa odhan doona; Waxaan hubaal anigu lahaa rafiiq

52Kaasoo yidhi: Ma waxaad dhabtii ka mid tahay kuwa rumeysan (soo bixinta)

53Ma marka aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa (naloo soo saari doonaa) abaal marin

54Wuxuu odhan: Miyaad dhuganeysaan

55Markaasuu dhugtay hoos oo ku arkay Naarta bartankeeda

56Wuxuu odhan: Wallaahi! Waxaad sigtay inaad i halaagto

57Oo haddii aysan jirin Nicmadda Rabbigay, waxaan hubaal ka mid ahaan lahaa kuwa la soo keenayo (Naarta)

58Ee ma nihin miyaa kuwo dhiman doona

59Waxaan ahayn dhimashadayadii hore? mana layna cadaabi doono

60Hubaal (arrin)kani ani waa Liibaanta aad u Weyn

61Ee (arrin)kanoo kale ha u camal fashaan camal falayaashu

62Ma (arrin)kani (Jannada) baa martiqaad wanaagsan mise geedka Zaquumka

63Hubaal Waxaanu Annagu uga dhignay fidno (imtixaan) gar ma qaatayaasha

64Hubaal waa geed ka soo baxa Naarta salkeeda

65Miraheeda ka soo baxa la moodo madaxyada shaydaammada

66Hubaal waxay wax ka cuni (geedkaa), oo ka buuxin doonaan caloolahooda

67Markaa waxay hubaal mudan doonaan intaa kaddib inay cabbaan isku dhaf lagu soo dheehay biyo kulul oo karaya

68Markaa hubaal laabashadoodu waxay ahaan doontaa xagga Naarta holaca badan

69Hubaal Waxay heleen aabbayaashood oo habowsan

70Marka iyagu raad raacooda baa lagu soo dedejiyaa

71Oo dhab ahaan waxaa lumay iyaga hortood badi dadkii hore

72Oo dhab ahaan Waxaan u dirnay digayaal

73Ee fiiri sida ay aheyd cidhibta kuwii loo digay (aanse waansamin)

74Marka laga reebo Addoommaha Ilaahay ee daacadda ah aan waxba la wadaajin (cibaadada)

75Oo waxaa dhab ahaan noo dhawaaqday Nuux, oo maxaynu nahay kuwa u wanaagsan ee ajiiba (baryada)

76Oo waxaan ka badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba kurbaddii weynd (qaraqii)

77Oo waxaan ka dhignay durriyaddiisa badbaadayaasha

78Oo Waxaan u reebnay (ammaan wanaagsan) facyada dambe dhexdood

79Nabad korkiisa ha u ahaato Nuux uunanka dhexdooda

80Sidaas baan Annagu hubaal u abaal marinnaa sama falayaasha

81Hubaal Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah

82Markaas Waxaan hafinnay intii kale

83Oo hubaal wuxuu Ibraahiim7 xaqiiq raacay jidkiisa

84Marka uu ula yimid Rabbigi qalbi fayow

85Marka uu ku yidhi aabbihi iyo qoladiisii: Waa maxay waxaa aad caabuddaan

86been abuur, Ilaahyo aad barbar dhig- taan Allaah-miyaad dooneysaan idinku

87Muxuu haddaba yahay fikradda aad ka qabtaan Rabbiga uunanka

88Markaas wuxuu fiirshay xagga xiddigaha, isagoo kor eegaya fiiro keliya

89Markaasuu wuxuu yidhi: Anigu hubaal waa bukaa

90Markaasay ka jeesteen xaggiisa, iyagoo dib u noqonaya

91Markaasuu u daba maray si dhuumaaleysi ah ilaahyadoodii, oo yidhi: Mawaydaan (wax) cuneyn

92Maxaad leedihiin oo aydaan la hadlin

93Markaasuu ku jeestay si dhuumaaleysi ah isagoo ku garaacaya gacanta midig

94Markaasay waxay soo aadeen (dadkii) xaggiisa, iyagoo soo degdegaya

95(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad caabuddaan waxaad qor-qor jaftaan

96Isaga oo Allaah abuuray idinka iyo waxa aad samaysaanba

97Waxay yidhaahdeen: U dhisa foorno (dab lagu shido) markaa ku tuura dabkaa ololaya

98Oo waxay dooneen dagaal ka dhan ah, iyagaanse ka dhignay kuwa hoos maray

99Oo wuxuu yidhi: Hubaal anigu waxaan aadayaa xagga Rabbigay. Wuu i hanuunin doonaa

100Rabbiyow! I sii (ubad) ka mid ah wanaagsanayaasha

101Markaas baan Waxaan ugu bishaaraynay wiil dul badan

102Oo, markii uu gaaray inuu la shaqeeyo10, wuxuu yidhi: Wiilkaygiiyow! Hubaal waxaan ku arkay riyo anigoo ku gawracaya (qurbaan ahaan), ee bal eegoo maxay kula tahay. (Ismaaciil) wuxuu yidhi: Aabbow! Fal waxa lagu amray, haddii Alle idmo, waxaad i heli doontaa mid ka mid ah kuwa samir yeesha

103Markay labaduba hoggaansameen oo uu u dhigay dhabanka ( si uu u gowraco)

104Baan u dhawaaqnay Annagoo leh: Ibraahiimow

105Waxaad xaqiiq ka run sheegtay oo fulisay riyadii. Hubaal sidaas baan Annagu u abaal marinnaa sama falayaasha

106Hubaal, (arrin)kani wuxuu xaqiiq ahaa imtixaan cad ( oo weyn)

107Oo waxaan (Ismaaciil) ku furannay wan weyn (oo buuran)

108Oo Waxaan u dhaafnay ( Ibraahiim ammaan fiican) facyada dambe (oo dhan) dhexdood

109Nabad korkiisa ha ahaato Ibraahiim

110Sidaaas baan u abaal marinnaa sama falayaasha

111Hubaal, wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu'miniinta ah

112Oo Waxaan ugu bishaareynay Isxaaq11_Nabi ka mid ah kuwa wanaagsan

113Oo Waanu barakaynay isaga iyo Isxaaqba, ubadkoodana waxaa ka mid ah (qaar) fala samaan iyo (sidoo kale) qaar ugu gar darrooda nafahooda si caddaan ah

114Oo dhab ahaan Waxaanu ku mannaysannay gallad Muuse iyo Haaruun

115Oo Waxaanu ka badbaadinnay labadoodaba iyo dadkoodii kurbaddii weynayd

116Oo waan u gargaarnay, Sidaa darteed waxay ahaayeen kuwa adkaaday

117Oo Waxaanu siinnay labadooduba Kitaab ka yeelay (arrimaha) caddaan

118Oo Waxaanu ku hanuuninnay labadooduba Jidka Toosan

119Oo Waxaanu u dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood

120Nabad korkooda ha ahaato Muuse iyo Haaruun

121Waliba sidaas oo kale baan Annagu u abaal marinnaa sama falayaasha

122Hubaal Waxay ka mid ahaayeen addoomahayaga mu'miniinta ah

123Oo hubaal, Ilyaas wuxuu ka mid ahaa Rususha

124Marka uu ku yidhi tolkiisii, Ma waydaan ka dhowrsanayn (xumaha)

125Ma waxaad u dhawaaqataan (oo baridaan) Bacal13 oo ka tagtaan (Allaah ee ah) Kan u wanaagsan abuurayaasha

126Allaah, waa Rabbigiin (Runta ah) iyo Rabbiga Aabbayaashiinnii hore

127Wayse beeniyeen, sidaas darteed hubaal waxay ahaan doonaan kuwo la keeno

128Addoomaha Ilaahay ee daacadda ah maahee u keli yeela cibaadada

129Oo Waxaan u dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood

130Nabad korkiisa ha ahaato Ilyaasiin

131Waliba sidaas oo kale baan Annagu u abaal marinnaa sama falayaasha

132Hubaal, wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah

133Oo Luud wuxuu hubaal ka mid ahaa Rususha

134Waa tii aanu badbaadinnay isaga iyo ehelkiisaba, dhammaan

135Marka laga reebo habar duq ah (xaas- kiisa oo ka mid ahayd) kuwaa nagaaday

136Markaasaan waxaan baabbi’innay intii kale (ee hartay)

137Oo waxaad hubaal ag martaan waaberiga

138Iyo habeenkaba, ee mawaydaan haddaba garowsaneyn

139Oo Yuunus wuxuu hubaal ka mid ahaa Rusushii (la soo diray)

140Waa tii uu u cararay doonidii buuxday

141Marka wuu la qori tuurtay, wuxuuse ahaa mid ka mid ah kuwaa la reebay

142Markaas buu nibirigu liqay isagoo falay waxaa uu naftiisa ku canaantay

143Haddiise ay ahaateen inuu ka mid ahaa kuwaa na xurmo weyneeya oo na hufa

144Wuxuu hubaal ku negaan lahaa calooshiisa tan iyo Maalinta Qiyaamaha

145Markaas baan Waxaan ku soo tuur- nay (xeebta) bannaanka ah isagoo buka

146Oo Waxaan u soo bixinnay geed Aredube ah

147Oo Waxaan u dirnay Boqol kun ama ka badanba

148Oo waa ay rumeeyeen; markaas baan waxaanu siinnay sahay ilaa muddo ah

149Ee weydii iyaga haddii Rabbigaa leeyahay gabdho, iyaguna leeyihiin wiilal

150Mise waxaan abuurnay malaa'igta dheddig ahaan, oo iyagaa ka ahaa goob joog

151Haddaba hubaal waa been abuurkooda inay yidhaahdaan

152Waa dhal Ilaahay, oo hubaal iyagu waa beenaalayaal

153Ma wuxuu gabdho ka doortay wiilal

154Maxaa si idin ka ah, waa sidee sida aad wax u xukuntaan

155Ee mawaydaan haddaba garaadsanayn

156Mise waxaad heysataan Xujo Cad

157Haddaba keena Kitaabkiinna haddii aad tihiin run sheegayaal

158Oo Waxay yeelaan xigaalo Isaga (Allaah) iyo jinka dhexdooda, oo dhabtii waxay jinku og yihiin in hubaal loo keeni doono (xisaab xil ma leh)

159Xurmo waxaa iska leh Allaah, Wuu ka nazahan yahay waxa ay tilmaamaan

160Addoomaha Ilaahay maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada

161Marka hubaal idinka iyo waxa aad caabuddaanba (Alle sokadi)

162Cidna kama fidnayn kartaan Xaggiisa

163Mid maahee Naarta geli doona

164Oo ma jiro mid naga mid ah aan lahayn meel lagu og yahay

165Oo hubaal waa innaga (malaa’igta) kuwa u safta safafka siman

166Oo hubaal waa innaga kuwa xurmo weyneeya oo nazaha (Allaah)

167Oo hubaal waxay odhan jireen

168Haddii aan ka heysan laheyn waano kuwii hore

169Waxaan hubaal ahaan laheyn addoo- maha Ilaahay ee daacadda ah u keli yeela cibaadada

170Wayse ku gaaloobaan (haatan)23, marka way ogaan doonaan

171Oo dhab ahaan Kelmaddayadu horay bay u hirgashay xagga addoomahayaga, Rususha

172In hubaal iyagu yihiin kuwa loo gargaari doono

173Iyo in hubaal ciidammayadu ay iyaga yihiin kuwa adkaan doona

174Ee isaga jeeso iyaga tan iyo muddo

175Oo (markaa) arag iyaga, iyaguna sidoo kale way arki doonaan

176War ma Cadaabtayada bay degdegsanayaan

177Markase uu ku soo dego ardaagoooda, wax xun buu haddaba ahaan doonaa waa bariga kuwa loo digay

178Oo isaga jeeso iyaga tan iyo muddo

179Oo (markaa) arag, iyaguna sidoo kale waa ay arki doonaan

180Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo hufan Rabbigaa, Rabbiga Sharafta leh, ka sarreeya waxa ay tilmaamaan

181Oo nabadi korkooda ha ahaato Rususha (Ilaahay)

182Oo Ammaan oo dhan iyo mahadba waxaa mudan Allaah, Rabbiga uunanka

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath