35. Faatir
1Ammaan oo dhan (mahdin wehliso) waxaa mudan Allaah, abuuraha samooyinka iyo arlada, ka dhigaha malaa’igta Rusul ku duula baalal, labo iyo saddex iyo afarba. Wuxuu ku kordhiyaa abuurista wixii uu doono. Hubaal Allaah wax walba wuu Karaa
2Wax kastoo uu Allaah uu u furo dadka ee Naxariis ah, ma jiro wax celin kara, oo wuxuu celiyo ma jiro wax soo diri kara Isaga kadambow. Oo Waa Adkaadaha Sare, Xakiimka ah
3Dadow! Xusuusta Nicamadda Ilaahay dushiinna; Ma waxaa jira abuure kale aan ahayn Allaah oo idinka arsaaqa cirka iyo dhulka? Ma jiro Ilaah aan Isaga ahayn. Ee xaggee baa haddaba la idiinka iilay
4Oo haddii ay ku beeniyaan, xaqiiq waxaa la beeniyey Rusul kaa horreeyey. Oo Allaah baa loo celiyaa umuuraha oo dhan
5Dadow! Hubaal Ballanka Ilaahay waa Xaq. Ee yeysan idin hodin noloshan soke ee adduunka, oo yuusan kan hodista badan (shaydaanka) idinka hodin arrinka Ilaahay
6Hubaal Shaydaanku wuxuu idiin yahay cadow, ee idinku ka dhigta cadow. Wuxuu uun ugu yeedhaa Xisbigiisa inay ka mid noqdaan asxaabta Naarta hureysa
7(Ma) Kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxay mudan cadaab daran; (ma) kuwase rumeysan oo samaha fala, waxay mudan danbi dhaaf iyo abaalgud aad u Weyn
8Ma mid isaga loo qurxiyey camalkiisa xun, heer uu u arko wax wanaagsan (baa la siman mid isagu hanuunsan)? Haddaba Hubaal Allaah wuxuu lumiyaa kii uu doono, oo hanuuniyaa kii uu doono, ee yeysan naftaadu ku tegin murugo dartood kuu qabata. Hubaal Allaah waa Ogsoon yahay waxa ay Sameeyaan
9Oo Allaah waa Ka soo dira dabaylaha ee kicisa daruur, markaa aanu u kaxeyno beled dhintay, oo aan ku nooleyno arlada kaddib dhimashadeeda, sidaas oo kale weeyaan soo Bixinta
10Mid kastoo raba sharaf (awood uu leeyahay) darteed, haddaba Allaah baa iska leh sharaf iyo awood oo dhan. Xaggiisa bay u kor baxaan weedhaha san oo idil, oo camalka san kor buu u qaadaa, oo (ma) kuwa xumaha qorsheeya, waxay mudan doonaan cadaab daran. oo kuwaasu qorshahoogu xun wuu baabbi’i doonaa
11Oo Allaah wuxuu idinka abuuray carro, haddana mino-nool, haddana wuxuu idinka dhigaa lammaan; oo ma jirto dheddig uur qaadda, mana ku soo debed dhigto waxaan ahayn ogaalkiisa, oo ma jiro ku cimrigiisu la dheereeyo oo cumri dheeraada ama wax laga dhimo cimrigiisa oo aan dhammaan ku qornayn Kitaab (Looxa Maxfuudka). Hubaal kani waa mid u Fudud Allaah
12Oo labada badood isku mid ma aha, mid waa macaan lagu harraad baxo macaankeeda oo ziyaado ah awgeed ay wanaagsan tahay cabbiddiisu, kan kalena waa milix lagu gubto dhanaankeeda daran awgi, weliba mid walbaa oo ka mid ah waxaad ka cuntaan mallay cusub, oo waxaad kala soo baxdaan waxyaalo aad qurux u xidhataan. Oo waxaad aragtaa doonyaha oo dhex maaxaya, si aad u raadsataan Deeqdiisa, iyo inaad mahad naqdaan
13Wuxuu sababaa habeenka inuu dhex galo maalinta, oo wuxuu sababaa maalinta inay dhex gasho habeenka. Oo wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, mid walba uu ku socdo marriinkiisa muddo go'an. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin; Isaga baa leh Boqortooyada, oo kuwaas aad u dhawaaqataan Isaga sokadi ma hantaan xitaa xuub laf timireed
14Haddii aad u dhawaaqataan ma maqli doonaan dhawaaqiinna, oo xitaa haddii ay maqli karaan, ma idin ajiibayaan2. Oo Maa- linta Qiyaamaha way dafiri doonaan wax (la) wadaajintiinna iyaga (Allaah). Oo ma jiro cid wax kuugu sheegi kartaa sida Mid- ka Isagu ah Xog ogaal Xeel dheer (Allaah)
15Dadow! Idinka weeye kuwa u baahan Allaah, oo Allaah waa isku Filan Deeqtoon, la Ammaano
16Haddii uu doono, wuu idin tegsiin, oo keeni fac cusub
17Oo (arrin)kani ma aha wax ku adag Allaah
18Oo naf culaabeysan ma qaadi karto culaabta naf kale; oo haddii naf culaabeysan u yeedhato (mid kale inuu qaado) culayskeeda, waxba ka mid ah lagama qaadi doono, xitaa haddii uu la yahay qaraabo dhow. Waxaad uun u digtaa kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba)3, oo hagaajiya salaadda, oo mid kastoo is daahiriya4, naftiisu uun buu isu daahiriyaa, oo waa Xagga Allaah meesha loo socdaa
19Oo indhoolaha iyo mid wax arka ma sinna
20Iyo mugdiyada iyo nuurka
21Iyo harka iyo kuleylka
22Oo kuwa nool iyo kuwa meydka ah6 ma sinna. hubaal Allaah Wuxuu wax maqashiiyaa ciddii uu doono7, oo adigu wax ma maqashiin kartid kuwa ku jira qubuuraha
23Adigu (Nabi Muxammadow) ma tihid waxaan ahayn dige
24Hubaal waxaan Annagu kula soo dirnay Xaqa side ahaan warar san iyo dige ahaan. Oo ma jirto ummad aanu soo marin dige
25Oo haddii ay ku beeeniyaan, xaqiiq waxaa sidoo kale beeniyey (Rusushoodii) kuwii ka horreeyey; Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad iyo Qoraallo iyo kitaab iftiimaya
26Markaas baan ciqaabay kuwii Xaqa diiday,ee sidee bay aheyd inkaarteydii
27Miyaadan arag in Allaah ka soo dejiyo biyo daruurta, markaas aanu ku soo saarno midho midabbo kala duwan leh, oo waxaa jira buuro jiddooyin leh caddaan iyo casaan midabbo kala duwan iyo (kuwo kale) oo sugul madow ah
28Oo xagga dadka iyo nafleyda dhul ku socotada ah iyo xoolaha daaqa waa kuwo kala midab duwan sidoo kale. Sideedana waxaa uun ka baqa Allaah kuwa cilmiga leh ee ka mid ah addoomahiisa. hubaal Allaah waa Adkaade, Dambi Dhaaf Badan
29Hubaal kuwa akhriya Kitaabka Ilaahay oo hagaajiya salaadda, oo wax ka bixiya waxa aanu siinnay sir iyo caddaanba, waxay rajeeyaan ganac la hubo faa’ideeda, oo aan weligeed baari doonin
30Si uu Allaah ugu gudo si dhan ujuuradoodii, oo Fadligiisana ugaga daro dheeraad. Hubaal Isagu Waa Dambi Dhaaf Badane, ee camal yar ka siiya ajar badan
31Oo kaan kuu waxyoonnay oo ka mid ah Kitaabka waa Xaq dhab ah, xaqiijinaya wixii ka horreeyey (oo Kutub ah). Hubaal Allaah addoomahiisa wuu ka War Qabaa, Arkaa
32Kaddib waxaan dhaxalsiinnay Kitaabka kuwaan ka dhex doorannay addoomahaya- ga, waxaase ka mid ah mid u gefa naftiisa oo ku gardarrooda8, oo waxaa ka mid ah mid qaada jid dhexdhexaad ah, oo waxaa ka mid ah mid u dheereeya khayrka Idanka Ilaahay. Kan baa ah Fadliga aad u Weyn
33Beero lagu waaro bay gali, waxaa laga yeeli inay xidhaan gudaheeda shuuliyaal dahab iyo luul ah, oo dharkoodu gudahee- du wuxuu ahaan xariir
34Oo waxay odhan: Ammaan (oo dhan) iyo mahadba waxaa mudan Allaah, ee naga tagsiiyey murugo (oo dhan). Hubaal Rabbigayo xaqiiq waa Danbi Dhaaf Badane, ee camal yar ka siiya ajar weyn
35Kan nagu dejiyey Daarta Negaadeysa Fadligiisa; dhibi naguma taaban doono dhexdeeda, oo daal naguma taaban doono
36Oo (ma xagga) kuwa xaqa diida abaalkooda waa dabka aan dameyn ee Naarta. Laguma xukumi doono geeri si ay u dhintaan, lagamana khafiifan doono cadaabkeeda. Sidaas oo kale baan ugu abaal gudnaa mid kastoo abaal laawe ah
37Oo waxay u qeyshan doonaan gudaheeda gurmad: Rabbiyow! Naga saar, waxaan fali doonnaa camallo san aan aheyn kii aan horay u fali jirnay oo kale9. Miyaanaan idiin cimri siin, in ku filan inuu ku waantoobo qof waano qaataa? Oo idiin iman Dige. Ee dhadhansha, illeen gar ma qaatayaasha ma laha wax u gargaara’e
38Hubaal Allaah waa Ogsoonaha waxa ku qarsoon aan muuqan cirarka iyo dhulka gudahooda. Hubaal Isagu waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha
39Isaga Weeye Kan idinka dhigay kuwo dhulka ku tarma ee isaga dambeeya, ee mid kastoo Xaqa diida isaga ayey u daran tahay Xaq diiddadiisu. Oo Xaq diiddadooda uma kordhiso Xaq diidayaasha Rabbigood agtiis waxaan nac aheyn, oo Xaq diidaddooda uma kordhiso Xaq diidayaasha waxaan khasaaro aheyn
40Dheh: Ma u fiirsateen shurukadiinna aad u dhawaaqataan Allaah sokadi, i tusa wax arlada ka mid ah ay abuureen, mise ma waxay ku leeyihiin wax saami ah samooyinka? Mise ma waxaan siinnay Kitaab sidaa awgeed ay raacaan xujo cad Xaggiisa ah? Mayee’ gar ma qaatayaasha uma ballan qaadaan qaarkoodba qaar kale waxaan uun dhagar aheyn
41Hubaal Allaah baa ka haya samooyinka iyo arlada inay baabba’aan, oo haddii ay baabba’aan, ma jiro mid qaban kara oo Isaga ka dambeeya. Hubaal waa Dul-qaadasho Badne, Danbi Dhaaf Badan
42Oo waxay ku dhaarteen Allaah kan ugu culus dhaarahooda; in haddii uu u yimaado dige ay ahaanayaan kuwa ka sii hanuunsan ummadahii kale oo dhan (ee ka horreeyey), markase uu u yimid dige, uma kordhin waxba aan didmo aheyn
43Isla weyni ay ku kibraan arlada iyo sameyn shirqool xun. Oo shir qoolka xumi kuma dhaco cidna aan ahayn kuwa soo abaabula. ee ma waxay sugayaan wax kale aan aheyn dhabbihii kuwii hore? Oo ma ka heli doontid wax is dhaaf ah Dhabbaha Ilaahay; oo kama heli doontid wax is beddel ah dhabbaha Ilaahay
44Oo miyaanay ku socdaalin arlada oo fiirin sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey, kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan kuwakani awood ahaan? Oo ma jiro wax Allaah ka baxsan kara oo jooga samooyinka ama arlada midna. Hubaal, waa wax kasta Ogsoone, Awood Badan
45Oo haddii uu Allaah u ciqaabi lahaa dadka waxay kasbadaanba (oo danbiyo ah), kagama tageen (arlada) korkeeda nafley dhul ku socod ah, laakiinse wuxuu ugu dib dhigaa ilaa muddo go'an, markase uu ajalkooda u yimaado, haddaba hubaal Allaah wuu arkaa xaalka addoomahiisa
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath