34. Saba
1Ammaan (oo dhan) mahdin wehliso waxaa mudan Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, oo Isaga baa (sidoo kale) mudan ammaan (oo dhan iyo mahdinba) Maalinta Dambeysa, oo Waa Xakiimka, Xog Ogaalka ah, Xeesha Dheer
2Wuxuu Ogyahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa iyo waxa ka soo dega samada iyo waxa kor ugu baxa oo Waa Naxariis Badanaha, Dambi Dhaafka Badan
3Oo kuwa xaqa diida waxay yidhaahdaan: Nooma imaan doonto Saacadda (Qiyaame). Dheh: Haayoo, Waa igu Rabbigay, Ogsoonaha waxa aan muuqan ee qarsoon, xaqiiq way idiin iman doontaa, kama uu qarsoomo wax saxar le’eg (ama quraanyo) oo samada ama arlada yaal, ama wax intaa ka sii yar ama ka sii weynba, oo intuba waxay ku yaallaan Kitaab Caddaan ah (Looxa Maxfuudka)
4Si uu u abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, kuwani weeye kuwa iska leh dambi dhaaf iyo Risiq sharaf leh
5Oo ( ma xagga) kuwase ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga2_ kuwani weeye kuwa iska leh cadaab xanuun badan oo cayn xun
6Oo kuwa la siiyey cilmiga waxay arkaan in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa, uu yahay Xaq, oo wuxuu wax ku hanuuniyaa Jidka Adkaadaha,la Ammaano
7Oo kuwa xaqa diida waxay yidhaahdaan: Ma idin tusnaa nin idiin sheegi in markaad googo'daan googo’ dhan (oo ciidda idin cunto), in dib hubaal la idiin (soo bixin doono) idinkoo abuur cusub ah
8Ma Allaah buu ka been sheegay mise wuxuu qabaa waalli?. Mayee, kuwaa aan rumeysnayn Aakhirada waxay ahaan doonaan cadaabta (oo ku sugan yihiin) habow aad u fog
9Miyaanay haddaba u fiirsan waxa hortooda ah iyo waxa gadaashood ah oo samada iyo arlada ah? Haddii aan doonno, waxaanu ka yeeli doonnaa inuu la go’o oo liqo dhulka, ama waxaan ku soo ridi doonnaa korkood gabal cirka ah. hubaal waxaa (arrin)kaasi ugu sugan calaamo addoon kastoo u soo laabasho badan (Allaah)
10Oo dhab ahaan waxaanu ka siinnay Daawuud deeq dheeraad ah Xaggayaga: Buurahow! La qaada Alle ammaanka iyo xamdi naqa la jirki, iyo shimbirahowba; Oo Waxaanu u jilicinnay birta
11Annagoo leh: Ka yeel waasic (jaakado bireedyada loo qaato dagaalka), oo u qaddar waqti sameynta jaakado bireedyada, oo sama fal. Hubaal Anigu waan Arkaa waxa aad fashaan
12Oo xagga Sulaymaan (waxaan u sakhirnay) dabaysha3, in bil loo socdo ku maraysay aroornimada, oo in bil loo socdo ku maraysay galabnimada, oo Waxaan u yeelnay inay u dareerto il (dureere) macdan nuxaas ah, oo jinniga waxaa ka mid ahaa kuwo ka shaqeynayey isaga horti si idanka Rabbigi ah, oo mid kastoo ka mid ah oo ka leexday Amarkayaga, waxaanu ka yeeli doonaa inuu dhadhamiyo cadaabta gubashada
13Waxay u sameeyeen wuxuu rabo oo mixraabyo ah4 iyo sawirro5 iyo xeerooyin (ballaaran) dar oo kale ah, iyo digsiyo (wax lagu kariyo) oo aan laga qaadin meeshooda. Mahad naqa idinku Reer Daawuudow! Oo in yar oo ka mid addoomahayga baa ah kuwo mahad naq badan
14Markiise aan u qaddarnay dhimashada, ma jirin wax tusiyey dhimashadiisa aan ahayn aboorka cunay ushiisa6, oo markuu dhacay, waxaa u caddaaday jinka in haddii ay og yihiin waxa aan muuqan ee qarsoon aanay ku negaadeen cadaab dulleysa
15Dhab ahaan Waxaa ugu sugnaa (reer) Saba’ degaankooda gudahi calaamad : labo Beerood ka xiga xagga midig iyo xagga bidixba: Cuna wax ka mid ah risiqa Rabbigiin oo ku mahdiya, balad wanaagsan iyo Rabbi Dambi Dhaaf Badan
16Wayse jeesadeen (iyagoo diidaya), markaas baan ku soo dirnay Daad Weyn8 oo rogmadkiisa iyo roorkiisa la joojin karin, oo waxaan ugu beddelnay halkii labadoodii beerood labo beerood oo soo saara miro xun oo qaraar iyo qoryo, iyo wax yaroo geedo gob ah
17Sidaas baan ku abaal marinnay gaal- nimadooda darteed; oo miyaan (sidaas oo kale) u abaal marinaa waxaan aheyn kuwa abaal dhaca badan
18Oo Waxaanu yeellay dhexdooda Iyaga iyo magaalooyinkii aan barakaynnay magaalooyin (kale) ee muuqda9, oo waxaanu qaddarnay socodkooda halkaa10: Ku socdaala habeenno iyo maalmaba idinkoo nabad ah
19Markaasay waxay yidhaahdeen: Rabbiyow! Kala fogee safarka dhexdayada ah; oo waxay u gefeen nafahooda, markaas baan waxaan ka dhignay wax lagu sheekeysto, oo kala goynay kala goyn muuqata11. hubaal (arrin)kaasi waxaa ugu sugan calaamooyin mid kastoo samir badanoo, mahad naq badan
20Oo dhab ahaan waxaa ku rumoobay Ibliis malihiisii xaggooda13, oo way raaceen14, marka laga reebo koox ka mid ah mu'miniinta
21oo kuma aanu lahayn wax awood ah dushooda, oo wax kalena uma aan yeelin sidaa aan aheyn inay kala caddaato kan isagu rumeysan Aakhirada iyo kan isagu ka shakisan xaggeeda. Oo Rabbigaa waa Xafidaha wax kasta
22Dheh: U yeerta kuwa aad sheegtaan (inay ilaah yihiin) Allaah sokadi, kuma hantaan wax saxar le’eg (ama quraanyo yar) samooyinka ama arlada, kumana laha wax shirko ah dhexdooda midna, kumana laha dhexdooda wax garab siiya
23Oo shafeeco kuma anfaci doonto agtiisa waxba, mid uu isagu u idmo ma’ahee15. Jeer marka laga faydo cabsida quluubtooda16: waxay odhan doonaan: Waa Maxay waxaa uu yidhi Rabbigiin? waxay odhan doonaan: Xaq. Oo waa Sarreeyaha, aad u Weyn
24Dheh: Yaa idinka siiya risiqa samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Oo hubaal innaga ama idinka mid uun baa xaqiiq hanuunsan ama ku sugan habow muuqda
25Dheh: La idin ma weydiin doono wax ku saabsan dunuubtayada, oo innagana nala ma weydiin doono waxa aad fashaan
26Dheh: Rabbigeen baa na soo kulmin doona innagoo dhammi, markaasuu inoo kala garsoori doonaa si xaq ah. Oo waa Isaga Garsooraha weyn, wax kasta Ogsoon
27Dheh: I tusa kuwa aad la wdaajiseen Isaga shuruko ahaanta, mayee (ma jiraan wax- wax la wadaaga) bal waa Allaah, Adkaadaha sare, Xakiimka ah
28Oo kuuma aanu soo dirin waxaan aheyn xagga dadka oo dhan oo aad u ahaato side warar san oo lagu farxo iyo di- ge, laakiinse dadka badankoodu ma ogsoona
29Oo waxay odhan doonaan: Goorma baa ballankani (la fulin doonaa) haddii aad tihiin run sheegayaal
30Dheh: Waqtiga la idiin qabtay waa Maalin, aydaan saacad dib u dhigi karin saacadna soo hor marin karin
31Oo kuwa Xaqa diida waxay yidhaahdaan: Marnaba ma rumeysan doonno Qur’aankan iyo wixii ka horreeyay midna, haddiise aad arki lahayd marka gar ma qaatayaasha la soo hor joojin doono Rabbigood, iyagoo isku tuurtuuraya hadal- ka oo qaarba qaarka kale eedeynayo. Kuwii la daciifsaday waxay ku odhan doonaan kuwii isla weynaa: Haddii aydaan jirteen waxaan wallee ahaan laheyn mu’miniin
32Kuwii isla weynaa waxay ku odhan doonaan kuwii la daciifsaday: Ma innagaa iska kiin hortaagnay hanuunka kaddib marka uu idiin yimid? Mayee’ idinka ( naf ahaantiinna) ayaa ahaa danbiilayaal
33Oo kuwii la daciifsaday waxay ku odhan doonaan kuwii isla weynaa: Mayee’ waa dabinkaad noo dhigeyseen habeen iyo maalinba, markaad na amarteen inaan ku gaalowno Allaah oo u yeello la dhigyo. Oo waxay muujin doonaan qoomamo markay arkaan cadaabta, oo waxaanu qoorta u suri doonnaa mereegyo bir ah kuwa xaqa diiday, Ma lagu abaal marin doono waxaan aheyn waxay camal faleen
34Oo ma jirto magaalo aan u dirnay dige, oo aysan ladanayaasheedii odhan: Innagu hubaal waxaanu nahay kuwo aan rumeysnayn waxa la idinla soo diray
35Oo waxay yidhaahdaan: Innagaa idinka maal iyo carruur badan, oo ma nihin kuwa la cadaabi doono
36Dheh: Hubaal Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa kii uu doono oo ku cidhiidhiyaa (kii uu doono), laakiinse dadka badankiisu ma ogsoona
37Oo ma aha maalkiinna iyo carruurtiinna waxa noo kiin soo dhoweeya meeqaan ahaan, hase yeeshee ku kastoo rumeysan oo sama fala, waa kuwan kuwa iska leh abaalmarin labanlaab ah waxa ay falaan darteed, oo waxay ku sugnaan doonaan iyagoo nabdoon rugaha ugu sarreeya (ee Jannada)
38Oo (ma xagga) kuwa ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga, kuwaas cadaabtaa la soo keeni doonaa
39Dheh: Hubaal Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa kii uu doono oo addoomahiisa ka mid ah, oo ku cidhiidhiyaa (kii uu doono), oo waxa aad bixisaan oo wuxuun ah, wuu ziyaadiyaa abaal gud ahaan, oo waa Kan u wanaagsan inta wax arsaaqda
40Oo Maalinta marka uu soo wada kulmin doono iyagoo dhan, markaas uu ku odhan doono malaa’igta: Kuwani ma idinkay idin caabudayeen
41Waxay odhan: Xurmo oo dhan Adigaa iska leh oo hufan, Adiga ayaa ah Gargaara- hayaga iyagu ma aha. Mayee’ Waxay caabudayeen jinka oo badankoodu rumaysnaayeen
42Marka Maalintaas uma hanan doono midkiinna midka kale dheef iyo dhib midna, oo waxaanu ku odhan doonnaa kuwaasi ahaa gar ma qaatayaasha: Dhadhamiya Cadaabta Naarta aad beeninayseen
43Oo Marka loo akhriyo Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdaan: Kani ma aha waxaan ahayn Nin raba inuu idinka jeediyo waxay caabudayeen aabbayaashiin. Oo Waxay yidhaahdaan: kanu wax kale ma’aha aan ahayn been abuurasho. Oo kuwa gaalada ahi waxay ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimaado: Waxakanu ma aha wax aan ahayn sixir muuqda
44Oo ma aanu siin iyaga wax Kutub (Xaggayaga) ah ay akhriyaan, oo uma aanu soo dirin adiga hortaa wax dige ah
45Oo Kuwii ka horreeyey baa beeniyey (Xaqa), oo kuwan weli ma gaarin toban meeloodoo meel wax ka mid ah waxa aan siinnay kuwaasi; Wayse beeniyeen Rusushayadii, ee sidee mid daran u aheyd muujinta inkaarteydii
46Dheh: waxaan uun idinku waaninayaa mid keliya; waa inaad u kacdaan Allaah Darti labo-labo iyo mid mid18, markaasna aad fekertaan: ma qabo waalli saaxiibkiin, waa oo keliya ka dige cadaab daran oo soo fool leh
47Dheh: Wixii aan idin weydiiyoba oo ajar ah, waa waxaad idinku leedihiin19. ajarkeyga waxaan ka sugayaa Allaah oo Keliya. Oo wax walba Isagu waa u Jeedaa
48Dheh: Hubaal Rabbigay wuxuu sheegaa Xaqa (oo xumaantuu ku tiraa) waa Ogsoonaha sare ee waxa aan muuqan
49Dheh: Xaqu waa yimid, oo Baadilku waa tirtirmi oo dib uma soo laaban doono
50Dheh: Haddii aan gefo waxaan uun u gefaa nafteyda. Oo haddii aan raaco tub toosan, waa sababta waxa uu ii waxyoodo Rabbigay. Hubaal Isagu waa wax kasta Maqle, aad u dhow
51Oo haddii aad arki lahayd21 marka ay noqon doonaan kuwo qarracansan, ha yeeshee (markaa) mar jiri doonto baxsasho, oo waxaa laga soo qabqaban doonaa meel dhow
52Oo waxay odhan: Waanu rumaysanna- hay (haatan). Oo sidee bay qaadashada (Iimaanka) uga suura gali meel aad u fog
53Oo waxay dhab ahaan dafireen kol hore22, oo waxay ka sheegaan male awaallo waxyaalaha aan muuqan xagga meel fog
54Oo xannib baa la kala dhex dhigi iyaga iyo waxa ay rabaan24, sidii loo galayba kuwii la midka ahaa ee ka horreeyey. Hubaal waxay ahaayeen kuwo ku sugan shaki walaac leh
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath