33. Al-Axzaab
1Nabiyow! Dhowr (xilka uu ku saaray) Allaah, oo ha waafaqin (rabitaannada) gaalada iyo munaafiqiinta. hubaal Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah
2Oo raac waxa laguu waxyoodo ee kaaga yimaada Rabbigaa; hubaal Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan
3Oo isku hallee Allaah, oo Allaah ku Filan wakiil uu ahaado
4Uma yeelin Allaah ninna labo qalbi oo ku jira gudahiisa, kamana dhigin afooyinkiinna aad dhabarradooda ku matashaan dhabarrada hooyooyinkiin2, hooyooyinkiin oo kale, kamana dhigin kuwaa aad ku sheegataan inay yihiin ilmahiinna, ilmihiinna runta ah aad dhasheen3. Kuwani wax kale maahee waa hadal uun aad ka tidhaahdaan afafkiinna. Oo Allaah wuxuu ku hadlaa runta, oo Isagaa wax ku hanuunsha Jidka (Toosan)
5Ugu abtiriya aabbayaashood, sidaasi baa caddaaladsan Allaah agtiis. Haddiise aydaan garanayn aabbayaashood, haddaba waa walaalihiin diinta iyo saaxiibbadiin, oo idinkuma saarna eed dushiinna wixii gef idiinka dhaca, laakiinse (waxaad eed ku leedihiin wixii) ay kas iyo ula kac u sameeyaan quluubtiinnu4, Oo Allaah waa Dambi dhaaf Badane, Naxariis Badan
6Nabiga isaga baa uga xaq leh mu’miniinta nafahooda5, oo afooyinkiisu waa hooyooyinkood (oo kale). Oo qaraabadu iyaga baa qaarba qaarkood isagu kala sokeeya oo xaq leh Kitaabka Ilaahay xagga mu’miniinta (kale) iyo (xagga) kuwaa ka soo haajiray (guryahooda), in maahee aad u fashaan wanaag saaxiibbadiin, kaasi wuxuu ku qoran yahay Kitaabka
7Oo waa tii aan la galnay axdi Nabiyada iyo adigaba, iyo Nuux, iyo Ibraahiim, iyo Muuse iyo Ciise_wiilka Maryam. Oo waxaanu la galnay axdi aad u adag
8Si uu wax uga weydiiyo run sheegyaasha runtooda7, oo Wuxuu u diyaariyey gaalada cadaab aad u xanuun badan
9Kuwiinaan idinku (Xaqa) rumeysanow! Xusuusta Nicmadda Ilaahay idiin galay markay idin yimaadeen ciidammo8, markaas aan ku dirnay dabayl xoog badan iyo ciidammo aydaan arag, oo Allaah waa uu Arkaa waxa aad fashaan
10Waa tii ay idiinka yimaadeen dushiinna iyo hoostiinnaba, oo waa tii indhuhu idin rogmadeen, oo wadnayaashu ay soo gaareen dhuumaha, oo aad billowdeen inaad ku malaysaan Allaah malooyin
11Halkaas baa mu’miniinta lagu imtixaanay, oo waxaa la gilgilay gil-gilid aad u daran
12Oo waa tii munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka billaabeen inay yidhaahdaan: Allaah iyo Rasuulkiisu nooma ballan qaadin (guul) balse keliya hoditaan
13Oo waa tii koox idinka mid ahina tidhi, Reer Yathribow9! Hlakaan joogitaan idiin ma leh ee noqda. Oo koox kalena oo ka mid ah idan weydiisteen Nabiga iyagoo leh: Hubaal guryahayagu waa baylah, oo ma ahayn baylah, ee waxay rabeen oo keliya inay baxsadaan
14Oo haddii looga soo geli lahaa Magaalada dhinacyadeeda ka mid ah, oo markaas laga dalbi lahaa inay dagaal qaadaan, horay bay hubaal ka yeeli lahaayeen, kumase negaadeen waxaan wax yar ahayn
15Oo dhab ahaan waxay horay axdi kula galeen Allaah inaysan jeedineyn dhabarradooda, oo Axdiga Ilaahay waa mid lays weydiinayo
16Dheh: Cararku wax idiin ma tarayo, haddii aad ka carartaan geeri ama gowrac, oo markaas ma laydiin oggolaan doono inaad u raaxeysaan nafahiinna waxaan wax xoogaa yar aheyn
17Dheh: Waa kuma kan idinka celin kara Allaah haddii uu idinla maago dhibaato ama idinla maago naxariis10? Oo uma heli doonaan nafahooda Allaah sokadi wax gacal iyo gargaare ah midna
18Allaah waa ogsoon yahay dhab ahaan kuwaa idinka mid ah11 ee dib u reeba (kuwa kale), iyo kuwa ku yidhaahda walaalahood: Noo kaalaya12; oo ma yimaadaan dagaalka in yar ma’ahee
19Ee bakhayllada ah xaggiinna14, markase cabsi timaaddo waxaad arki doontaa iyagoo ku soo eegaya oo indhahoodu wareegayaan sida mid la sakaraad ah geeri darteed; markase ay cabsidu tagto, waxay idinku dhibaan carrabyo afaysan, ka bakhaysha khayrka; kuwaasi ma ay rumaynin. Sidaa awgeed buu Allaah u buriyey acmaashooda, oo arrinkaasi wuu u fudud yahay Allaah
20Waxay moodaan Axsaabtu inayan tegin15, oo haddii ay axzaabtu imanayaan (mar kale)16, waxay jeclaan lahaayeen in baadiyaha ay la jiraan Carabta reer miyiga ah oo halkaas ka weydiinayaan wararkiinna; oo haddii ay idin dhex joogi lahaayeen ma ay dagaal galeen in yar ma’ahee
21Dhab ahaan waxaa idiinku sugan Rasuulka Ilaahay tusaale wanaagsan17 uu raaco mid kastoo rajeeya (la Kulanka) Ilaahay iyo Maalinta Aakhiro, oo xusa Allaah in badan
22Oo markay Mu’minintu arkeen axzaabta waxay yidhaahdeen: Kani waa waxay Allaah iyo Rasuulkiisu noo yabooheen18, oo Allaah iyo Rasuuliisu run bay sheegeen, oo uma kordhin waxaan ahayen iimaan iyo hoggaansan
23Waxaa ka mid ah mu’miniinta rag ka run sheega axdiga ay la galeen Allaah (guul ama geeri), marka waxaa ka mid ah mid isagu gutay ballankiisa (oo shahiiday), oo waxaa ka mid ah mid isagu weli sugaya; oo ma ayan beddelin in yarba ha ahaatee
24Waa si uu Allaah uga abaal mariyo runlowyda runtooda, oo u cadaabo munaafiqiinta haddii uu doono ama ugu soo jeedsado (si naxariis leh). Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
25Oo Allaah wuxuu dib ugula ceshay gaalada ciilkooda, ma ay helin wax khayr ah; oo Allaah baa ka kaafiyey mu’miniinta dagaal ay galaan, oo Allaah waa Xoog Badane, Adkaade sare ah
26Oo wuxuu ka soo saaray kuwii ka midka ahaa ehlu Kitaabka19 ee caawiyey (mushrikiinta) dhufaysyadooda oo ku tuuray quluubtooda argagax (sidaa darteed) qaar (ka mid ah) waad leyseen, oo qaar (kale) soo qafaalateen
27Oo Wuxuu idin dhaxalsiiyey dhulkooda iyo guryahooda iyo maalkooda20 iyo dhul aydaan (hadda ka hor) cag dhigin21, oo Allaah wax walba waa uu Karaa
28Nabiyow! Ku dheh xaasaskaaga: Haddii aad tihiin kuwo raba nolosha adduunkan iyo quruxdeeda,_ haddaba kaalaya waxaan idin siin sahay oo idin oggolaan inaad tagtaan tagitaan wanaagsan
29Oo haddii aad rabtaan Allaah iyo Rasuulkiisa iyo Daarta dambeysa, haddaba hubaal Allaah wuxuu u diyaarshay samo falooyinka idinka mid ah abaalgud aad u weyn
30Xaasaska Nabigow! Mid kastoo idinka mid ah oo la timaadda xumaan cad, waxaa loo labanlaabi doonaa cadaabta, oo arrinkaasi wuu u fudud yahay Allaah
31Oo mid kastoo idinka mid ah ee adeecda Allaah iyo Rasuulkiisa oo sama fasha, Waxaanu siin doonnaa ajarkeeda labo jibbaar, oo Waxaanu u diyaarinnay risiq sharaf leh
32Xaasaska Nabigow! la mid ma tihin haweenka kale oo dhan, haddii aad Allaah ka cabsataan, haddaba ha ahaanina kuwo dabacsan xagga22 hadal(kiinna), si uusan kan qalbiga ka buka damac u gelin23, oo ku hadla hadal wanaagsan
33Oo jooga guryihiinna24, oo ha soo bandhigana bilicdiinna sida isbandhiggii jaahiliyaddii hore25, oo u ooga salaadda si wanaagsan, oo bixiya Zakada oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, Allaah wuxuu rabaa oo keliya inuu idinka fogeeyo fadarada (dambiga) Ehlu baydkow26, iyo inuu idin daahiriyo daahirin dhan
34Oo dhaqan gasha waxa lagu akhriyo guryihiinna oo Aayadaha Ilaahay ah iyo Xikmadda; Hubaal Allaah waa Ogsoonaha wax kastoo jira guntooda si kastaba ha u yaraadeene oo daryeela, wax walba ka War haya
35Hubaal Muslimiinta iyo Muslimooyinka, mu’miniinta iyo mu’minooyinka, adeecayaasha, iyo adeecooyinka, run sheegayaasha iyo run sheegooyinka, samir yeelayaasha iyo samiryeelatooyinka khushuucayaasha hoos isu dhiga iyo khushoocooyinka hoos isu dhiga, sadaqeystayaasha iyo wax sadaqeystooyinka, soomayaasha iyo soomooyinka iyo dhowrsanayaasha xafida xubnahooda gaarka ahi iyo dhowrsanooyinka, Alle xusayaasha in badan iyo (Alle) xusooyinkaba. Allaah wuxuu u diyaariyey dambi dhaaf iyo abaalgud aad u weyn
36Kuma habboona nin mu’min ah ama haweeney mu'minad ah, marka ay Allaah iyo Rasuulkiisu Arrin gooyaan inay yeeshaan talo goosi iskood ah; oo mid kastoo caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa, wuxuu dhab ahaan lumaa lumis caddaan ah
37Oo waa tii aad ku lahayd kan uu Allaah u nicmeeyay27 oo adiguna aad u nicmaysay: Heyso afadaada oo dhowr (xilka uu ku saaray) Allaah; oo waxaad ku qarisay naftaada wax uu Allaah keenayo debedda, adigoo ka baqay dadka, oo Allaah baa mudan oo u sii xaq leh inaad ka baqdo. Markiise uu Zayd ka dan gutay (oo iskiis u furay), baan kuu guurinnay (Zaynab bint Jaxash) xaas ahaan, si aysan kala kulmin mu’miniinta wax dhib ah (xagga guursiga) afooyinka kuwa ay wiilasha ka dhigteen (inkastoo aanay dhalin) marka (ay wiilashaa ay soo korsadeen oo aanay dhalin) ka dan guteen (oo iskood u fureen) 28, oo Amarka Ilaahay waa mid la fuliyo
38Ma aha Nabiga dushiisa dhib inuu falaa waxa uu Allaah ku faral yeelay29. Waa sidaas sida ay soo ahaan jirtay hannaankii Ilaahay xagga kuwii hore ee tegay. Oo Amarka Ilaahay waa qaddar horay ka fulo
39Kuwa gaarsiiya dadka Risaalooyinka Ilaahay30 oo ka baqa, oo aan ka baqin axadna Allaah maahee, oo Allaah ku filan xisaabiye ahaan
40Muxammad ma aha aabbaha axadna ka mid ah raggiina, laakiinse waa Rasuul Ilaahay iyo kan u dambeeyey Nabiyada31, oo Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay
41Kuwiinaan idinku rumeysanow! Xusa Allaah oo badiya xusiddiisa
42Oo xurmad weyneeya oo hufa aroor iyo galabba
43Waa isaga (Alle) Kan soo dira Bara- kooyinkiisa korkiinna32, oo malaa’igtiisu sidoo kale (bay Allaah idiinka baryaan), si uu idinkaga saaro mugdiyada xagga nuurka, oo Isagu waa u Naxariis Badan yahay mu’miniinta
44Salaantoodu Maalinta ay la Kulmaan waxay ahaan doontaa: Nabad ahaada, oo Wuxuu u diyaariyey abaal gud aad u sharaf badan
45Nabiyow! Hubaal waxaan Annagu kuu soo dirnay inaad ahaato markhaati, iyo side war san33 oo lagu farxo iyo dige ahaan
46Iyo inaad ahaato baaqe ugu yeera (dadka) xagga Ilaahay, si Idankiisa ah, iyo nal ahaan iftiin bixinaya
47Oo sii mu'miniinta warkaa san ee farxadda leh ee ah inay xagga Ilaahay ka mudan doonaan deeq aad iyo aad u Weyn
48Oo ha adeecin gaalada iyo munaafi- qiinta, oo dan ha u gelin hadalkooda dhibta leh, oo isku hallee Allaah, oo Allaah baa ku Filan xafide uu ahaado
49Kuwiinaan idinku rumeysanow! marka aad guursataan dumarka mu’minooyinka ah, markaas aad furtaan ka hor inta aydaan taaban (la aqal gelin), markaa kuma lihidin korkooda wax waqti ah ay sugayaan aad u tirineysaan, ee u yeela xoogaa sahay ah oo dira diritaan si quruxsan ah
50Nabiyow! Hubaal Waxaanu Annagu kaaga yeellay xalaal xaasaskaaga aad siisay maherradooda. iyo kuwaa ay gacantaadu midig hanato oo aad kala soo baxday kuwaa uu Allaah kuu siiyey qafaal ahaanta, iyo gabdhaha adeerradaa iyo gabdaha eeddooyinkaa iyo gabdhaha abtiyadaa iyo gabdhaha habaryarahaa ee kula soo haajiray, iyo haweeney mu’minad ah haddii ay u hibeyso nafteeda Nabiga, Nabiguna rabo inuu guursado, waa siin iyo xaq adiga keliya gaar kuu ah, oo aan la siin (inta kale ee hadhay) ee mu’miniinta ah. Waxaan dhab ahaan ognahay waxa aan iyaga ku waajibinnay oo xaasaskooda ku saabsan iyo waxa ay gacmahoodu midig hantaan; waa si ayan dhibi u ahaan korkaaga, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
51Adigu waad dib dhigi kareysaa tii aad doonto (mooggeeda), oo u hoyaadi kartaa tii aad doonto, oo waad soo dhoweyn kartaa tii aad rabto oo ka mid ah kuwaad ka fogaatay, eed kuguma saarna, arrinkani baa sii habboon, si ay u indho qabowsa- daan oo aysan u murugoon, iyo inay ku raali noqdaan, dhammaantood waxa aad siiso. Oo Allaah baa ogsoon waxa ku jira quluubtiinna. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, aad u Dul Badan
52Kuuma bannaana inaad yeelato haween dambe intaa kaddib, iyo inaad iyaga ku beddalatid afooyin kale midna, xataa haddii ay quruxdoodu ku cajabiso, marka laga reebo kuwaa ay gacantaadu midig hanato. Oo Allaah waa u jeedaa wax walba
53Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ha gelina guryaha Nabiga, in maahee la idiinku idmo cunno (la idiinku yeedhay), idinkoo aan sugeyn bisleynteeda34. Laakiinse marka la idiin yeedho gala, oo marka aad cuntaan raashinka markaa kala taga idinkoo aan raadineyn inaad hadal dhageysataan. hubaal (arrin) kani waxay dhibeysaa Nabiga, wuuse idinka xishoodaa (inuu idin bixiyo), oo Allaah kama xishoodo xaqa. Oo marka aad weydiisanaysaan iyaga wax uun alaab ah ka weydiiya daah gadaashi, (arrin) kani baa u sii daahirsan quluubtiinna iyo quluubtodoodaba. Oo idiinma habboona inaad dhibtaan Rasuulka Ilaahay, iyo inaad guursataanba afooyinkiisa isaga gadaashi marnaba. Hubaal (arrin) kani Allaah xaggi waa wax Daran oo dambi aad u weyn ah
54Haddii aad wax u fashaan caddaan ama aad u fashaan qarsoodi, hubaal Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay
55Wax eed ah kama saarna xagga aabbayaashood35 ama wiilashooda, ama walaalahood, ama wiilasha walaaahood, ama wiilasha walaalooyinkood, iyo haweenkoodaba, iyo waxa ay gacantoodu midig hanato, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal Allaah waa Mid wax waliba u jeeda oo arka
56Hubaal Allaah iyo Malaa'igtiisu waxay ku salliyaan Nabiga36, kuwiinaan idinku rumeysanow! Ku salliya oo salaama salaan la yaqaan
57Hubaal (ma xagga) kuwa af lagaaddeeya Allaah iyo Rasuulkiisa_ Allaah wuu ku nacladay adduunkan iyo Aakhiradaba, oo wuxuu u diyaariyey Cadaab dulleysa
58Oo kuwaa u dhiba mu’miniinta iyo mu’minadaha wax aan ahayn waxaa ay galabsadeen (muteen), waxay dhab ahaan u soo jiideen nafahooda masabbidasho iyo dambi muuqda
59Nabiyow! U sheeg (oo amar) xaasas- kaaga iyo gabdhahaaga iyo haweenka mu’miniinta; inay ku hagoogaan jirarkooda (qayb) ka mid ah gambada iyo garbasaaradooda. (arrin) kani baa roon oo wanaagsan, si loogu aqoonsado, oo sidaas darteed aan loo faduulin. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
60Haddii munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka38 iyo gilgilayaasha ku baahiya (wararka beenta ah) magaalada dhexdeeda joojinin (waxa ay ku jiraan), waxaanu dhab ahaan ku salladi adiga oo ka adkaan, mar- kaas kulama deris noqon doonaan in yar ma’ahee
61Waa la nacladay, meel kastoo laga helo, waa la qab-qaban doonaa oo la layn doonaa leyn daran
62(Sidaas bay soo aheyd) hannaankii Ilaahay ee ku meel martay kuwii hore ee tagay, oo kama heli doontid hannaanka Ilaahay wax is beddel ah
63Dadku waxay wax kaa weydiyaan Saacadda (Qiyaame goorta ay tahay), Dheh: Cilmigeedu wuxuu la jiraa oo keliya Allaah. Oo maxaa ku ogeysiiyey waa intaasoo ay Saacaddu dhowdahayba
64Hubaal Allaah wuu nacladay gaalada, oo u diyaariyey iyaga Naar gubeysa
65Iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood, ma heli doonaan gacal iyo gargaare midna
66Maalinta wejiyadooda lagu rogrogi doono Naarta, waxay odhan doonaan: wayoo waye haddii aanu adeeci lahayn Allaah, oo adeeci lahayn Rasuulka
67oo waxay odhan doonaan: Rabbiyow!39 Hubaal waxaan innagu adeecnay madaxdayadii iyo odayaashayadii, markaasay naga lumiyeen Jidka
68Rabbiyow! Sii iyaga cadaab labanlaab ah, oo naclad iyaga naclad aad u weyn
69Kuwiinaan idinku (Xaqa) rumeysanow! Ha noqonnina sida kuwii hadal xun ka sheegay Muuse, oo Allaah ka eed tiray waxa ay ku sheegeen, oo wuxuu ahaa Allaah agtiis mid sharaf ku leh
70Kuwiinaan idinku (Xaqa) rumeysanow! Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo ku hadla hadal toosan
71Wuxuu idiin wanaajin acmaashiinna, oo idiin dhaafi dunuubtiinna. Oo mid kastoo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, wuxuu dhab ahaan liibaani doonaa liibaan aad u weyn
72Hubaal Waxaan Annagu u soo bandhignay Amaanada41 samooyinka iyo arlada iyo buuraha, wayse diideen inay noqdaan kuwo ka soo bixi waaya xilka ka saaran xaggeeda oo ka baqeen (Culeyska amaanada). Waxaase qaadaay oo ku xil darrooday Aadmiga42. hubaal Waa gardarro badane, jahli badan
73Si43 uu Allaah u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka, oo Allaah ugu soo jeesto (si naxariis leh) mu’miniinta iyo mu'minadaha, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath