Islaamka
dib

32. As-Sajda

1Alif laam-miim

2Soo waxyoodka Kitaabka (Qur’aanka), shaki kuma jiro, waa xagga (Allaah) Rabbiga uunanka

3Mise waxay leeyihiin waa uu been abuurtay? Mayee! Waa Xaq ka yimid Rabbigaa, si aad ugu digtid qolo aanu dige u iman hortaa adiga (Nabi Muxammadow) bal inay raacaan dhabbaha toosan

4Allaah waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya oo dhan lix Maalmood, markaas Wuxuu dul ahaaday Carshiga2. Ma lihidin Isaga sokadi wax gacal ah ama Shafeece. Ee miyeydun haddaba waansameyn

5Wuxuu agaasimaa arrinka ka jira samada ilaa arlada, markaasuu arrinka Xaggiisa kor u aadaa Maalin qaddarkeedu yahay kun sano waxaad tirsataan ah

6Kaasi waa Ogsoonaha waxa aan muuqan, iyo waxa muuqdaba, Adkaadaha sare, Naxariis Badnaha

7Kan u dhammeystiray wanaag wax kasta uu abuuray, oo ka billaabay abuurista aadmiga dhoobo

8Markaas ka dhigay tarankiisa miir biyo la liidsado

9Markaas ka yeelay mid dhan oo ku afuufay wax ka mid ah Ruuxdiisa (uu u abuuray), oo idiin sameeyey maqalka iyo aragga iyo kasha, wax yar baadse mahad naqdaan

10Oo waxay yidhahdaan: Ma marka aan (dhiminno oo noqonno) kuwa ku baabba’a dhulka, miyaa haddaba dhab ahaan noqon doonnaa abuur cusub? Mayee’ waxayan rumeysneyn la Kulanka Rabbigood

11Dheh: Waxaa idin oofsan doona Malakul mowd la idiin xil saaray, markaas baa xagga Rabbigiin la idin soo celin doonaa

12Oo haddii aad arki lahayd marka ay dambiilayaashu hoos u rogi doonaan madaxyadooda Rabbigood horti (iyagoo leh): Rabbiyow! Haatan aragnay (runta) oo maqallay, ee dib noo celi, waxaan fali camal san, xaqiiq waanu yaqiinsannaye

13Oo haddii aan doonno, waxaan dhab ahaan siin laheyn naf walba hanuunkeeda, laakiinse Qawl xaq ah baa horay iga dhacay inaan xaqiiq ka buuxin doono Naar jinka iyo insiga (I caasiya) dhammaan

14Ee dhadhamiya, waayo waxaad dan u geli weydeen la Kulanka Maalintiinnaan, hubaal Annaguna waanu idinka tageynaa, oo dhadhamiya cadaabta waaridda waxaad fasheen darteed

15Sideedaba waxaa rumeysan Aayada- hayaga kuwa marka lagu waaniyo, la dhaca sujuud4 oo ku tasbiixsada Ammaanta Rabbigood, oo aan iyagu isla weynaan

16Waxay ka dheeraadaan dhinacyadoodu gogollada jiifka, waxay baryaan Rabbigood si cabsi leh iyo Rajaba, oo wax uga bixiyaan (si fiican) waxaan aanu siinnay

17Ee ma oga nafi waxa loo qariyey (Jannada dhexdeeda) ee ay indho ku qabowsadaan, abaal marin awgeed waxa ay faleen

18Ee haddaba ma mid mu'min ah baa la mid ah mid isagu caasi ah? Ma ay sinna

19Ma kuwa rumeysan ee fala samaha, Beeraha barwaaqada ah waa hoygooda daa’inka ah,marti soor ahaan waxay faleen

20Ma kuwase caasiyooba, hoygoodu waa Naarta, markastoo ay doonaanba inay ka soo baxaan waa lagu celin doonaa oo waxaa lagu odhan: Dhadhamiya cadaabta Naarta aad beenin jirteen

21Oo hubaal waxaanu dhadhansiin doonnaa cadaabta aad u dhow5 ka hor cadaabta weyn, bal inay soo noqdaan

22Oo yaa ka gardarro badan mid isagu lagu waaniyey Aayadaha Rabbigi, markaas ka jeesda? Hubaal waan ka aarsan doonnaa dambiilayaasha

23Oo dhab ahaan Waxaanu siinnay Muusaa Kitaabka6, ee ha ka shakiyin la kulankiisa7, oo Waxaanu uga dhignay hanuun ilmahii Israa’iil

24Oo Waxaanu ka yeellay qaar ka mid ah iyaga hoggaamiyaal wax ku hanuuniya Amarkayaga, markay samreen, oo waxay ahaayeen8 kuwo yaqiinsan Aayadahayaga

25Hubaal Rabbigaa baa kala xukumi doona dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxa ay isku khilaafsan yihiin

26Oo miyaanay ku hanuuneyn inta aan hallignay hortood oo facyo ah oo ay guryahoodii maraan, hubaal arrinkaasi waxaa ku sugan calaamooyin. Ee miyaanay haddaba wax maqleyn

27Oo miyaanay arkayn inaanu u soo kaxeyno biyaha dhul diir ah aan dhir laheyn, oo aan ka soo saarno sarac ay wax ka cunaan xoolahooda iyo iyaga nafahoodaba? Ee miyaanay haddaba wax arkeyn

28Oo waxay yidhaahdaan: Goorma buu kala xukunka dhexdeenna dhici doonaa haddii aad run sheegaysaan

29Dheh: Maalinta kala xukunku9 iimaanka kuwa (hadda) rumeysan diida waxba uma tari doono kolkaa lamana siin doono fursad

30Ee isaga jeeso oo sug10, hubaal iyaguna sidoo kale wax bay sugayaan

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath