30. Ar-Qol
1Alif laam-miim
2Ruum waxaa lagaga adkaaday
3Dhulka soke ee hooseeya (Shaam iyo Falastiin), iyaguna, kaddib marka laga adkaado, way adkaan doonaan
4Dhowr sano gudahood, Amarka waxaa iska leh Allaah oo Keliya ka hor iyo kaddibba. Oo Maalintaas bay mu’miniintu ku farxi doonaan
5Gargaarka Ilaahay, wuxuu u gargaaraa kuu doono, oo waa Isaga Adkaadaha sare, Naxariista Badan
6(Kani) Waa Ballan Ilaahay, Allaah kama uu baxo Ballankiisa, laakiinse dadka badankiisu ma ogsoona
7Waxay yaqaaniin daahirka muuqaalka nolosha adduunkan, ha yeeshee nolosha dambeysa wayba moog yihiin
8Mawaysan ka fakarin nafahooda: Allaah uma abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan ahayn Xaq iyo muddo go'an? Oo hubaal in badan oo dadka ka mid ahi la kulanka Rabbigood way beeniyaan
9Miyaanay marin dhulka oo eegin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyay? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog badan kuwakani awood ahaan, oo qoday dhulka oo u camiray si ka badan sida ay kuwani u camireen, oo waxaa halkaa ula yimid Rusushii loo soo diray xujooyin cad, oo Allaah ma ahayn mid ku gardarrooda, ee iyaga baa nafahooda ku gardarrooday
10Markaas xumaan bay ahayd cidhibta kuwii xuma falay, inay beeniyeen Aayadaha Ilaahay darteed oo ay ku jees-jeesi jireen
11Allaah baa asal ahaan billaaba abuurista, haddana dib u soo abuuraya (dhimasho kaddib), markaas Xaggiisa baa dib la idiinku soo celin doonaa
12Oo Maalinta ay dhici doonto Saacaddu ayey quusan doonaan Dambiilayaashu
13Oo ugama sugnaan wax shafeecayaal ah dhexdooda kuwii ay (Allaah) la wadaajiyeen (cibaadada), oo waxay beenin doonaan kuwii ay hore ula wadaajiyeen (cibaadada)
14Oo Maalinta ay dhici doonto Saacaddu waa Maalinta ay kala bixi doonaan
15Ee ma kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama- ha falay, waxaa laga yeeli kuwo faraxsan beer gudaheed
16Oo (ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan waayey oo beeniyey Aayadahayaga iyo kulanka Aakhirada,_ kuwani cadaabka ayaa la keeni doonaa
17Ee xurmad oo dhan waxaa leh oo hufan Allaah marka aad galab dhacsataan iyo marka aad waabariisataanba
18Oo Isaga baa ku leh ammaan idilkeed iyo mahadba samooyinka iyo arlada, oo ammaan caweysinka iyo duhurnimadaba
19Wuxuu ka soo saaraa wax nool wax dhintay, oo ka soo saaraa wax dhintay wax nool. Oo wuxuu nooleeyaa arlada dhimashadeeda kaddib. Sidaas oo kale baana la idiin soo saari doonaa
20Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Ilaahay ee muujinaya Awooddiisa) inuu idinka abuuray carro, markaas mise waxaadba tihiin dad foof ah ee firirsan
21Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray nafahiinna lammaan idinla nooc ah si aad ugu xasishaan, oo Wuxuu dhexdiinna dhigay kalgacalo iyo naxariis, hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin qolo fekereysa
22Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa abuurista samooyinka iyo arlada iyo kala duwanaanta carrabyadiinna iyo midabya- diinna. Hubaal waxaa arrinkani ugu sugan Calaamooyin kuwa aqoonta leh
23Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa hurdadiinna iyo doonashadiinna Deeqdiisa habeen iyo maalinba. Hubaal waxaa arrin- kani ugu sugan Calaamooyin qolo wax maqasha
24Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idin tusiyo hillaaca oo baqdin iyo rajoba leh, oo Wuxuu ka soo dejiyaa biyo daruuraha oo ku nooleeyaa arlada dhimashadeeda kaddib. Hubaal waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin qolo garasho leh
25Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inay samada iyo arlada ku sakhiran yihiin Amarkiisa, haddana marka uu idiinka yeedho yeermo keliya dhulka, aad kolkiiba soo bixi doontaaan
26Oo Isaga baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, kulligoodba Isaga bay u hoggaansan yihiin
27Oo waa isaga Kan asal ahaan billaaba uunka, haddana soo nooleyn dhimasho kaddib, oo aad bay ugu sahlan tahay. Oo Isaga baa iska leh sifooyinka sare samooyinka iyo arlada gudahooda, oo Waa Isaga Adkaadaha Sare, Xakiimka ah
28Wuxuu idiinka yeelay tusaale nafahiinna ee Miyey idinla wadaaagaan kuwa ay midigtiinnu hanato waxa aan idiin siinnay risiq ahaanta oo aad idinku u wada siman tihiin? oo aad uga cabsataan sida aad iskaga cabsataan intiinna xorta ahi? Sidaas baan ugu dhignaa Aayadaha caddaan qolo garasho leh
29Mayee, kuwa ah gar ma qaatayaasha waxay raacaan waxa liita ay nafahoodu rabaan iyagoo aan waxba ogeyn, ee yaa hanuunin kara mid uu Allaah lumiyo? Oo uma sugnaan doonaan wax u gargaara
30Ee u jeedi wejigaaga toos diinta adigoo aan ka iilan, waa abuurista (wanaagsan) uu Allaah ku beeray dadka. Ma jirto beddelaad uunka Ilaahay, sidaa uu (kugu amray) baa ah diinta qumman, laakiinse dadka badankiisu ma ay ogsoona
31(idinkoo) u soo laabanaya Isaga, oo dhowra (xilka uu idin saaray), oo hagaajiya salaadda, oo ha ka mid ahaannina Mushrikiinta
32Oo ka mid ah kuwaasi kala qaybshay diintooda oo noqday shiico, xizbi walbaa waxa ay haystaan5 ay ku faraxsan yihiin
33Oo marka uu dhib taabto dadka, waxay baryaan Rabbigood iyagoo u soo noqodkiis badiya, markase uu ka dhadhansiiyo Xaggiissa Naxariis, mise qaarkood waxay billaabaan inay (wax kale) Rabbigood u shariig yeelaan
34Si ay uga abaal dhacaan waxa aan siinnay. Iskase raaxeysta (xoogaa yar) durbase waad ogaan doontaan
35Mise waxaan ku soo dejinnay xujo cad, markaa ka hadla waxa ay Isaga u shariig yeelaan
36Oo marka aan dhadhsansiinno dadka Naxariis, waa ay ku farxaan, oo haddii ay soo gaarto xumaato ay sababtay wixii ay gacmahoodu horey u geysteen, mise wayba quustaan
37Mawaysan arkayn inuu Allaah u ballaariyo risiqa kuu doono, oo ku cidhiidhi- yo (kuu doono). Hubaal waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin qolo rumaysan
38Ee sii kan qaraabada dhow ah xaqiisa, iyo miskiinka, iyo musaafirka (go’doonsan). Sidaas baa u khayr badan kuwa doonaya Wejiga Ilaahay, oo kuwan weeye kuwa ah liibaanayaasha
39Oo wax kastoo aad bixisaan oo ribo ah, si ay ugu ziyaaddo maalka dadka6, kuma ziyaaddo Allaah agtiis; oo wax kastoo aad bixisaan sako7 ah idinkoo doonaya Wejiga Ilaahay, waa kuwani kuwa heli doona ajar labo laab ah
40Allaah waa Kan idin abuuray, haddana idin arsaaqa, haddana idin dhinsiin doona, haddana idin soo nooleyn doona. Miyey jiraan kuwa aad la wadaajisaan cibaadada mid fali kara wax ka mid ah waxaa? Xurmo oo dhan Isaga baa iska leh oo hufan, oo wuu ka Sarreeyaa waxaa ay u shariig yeelaan
41Waxaa ka soo muuqday fasahaad barriga iyo baddaba oo ka dhashay waxa ay gacmahu dadku galabsadeen, si uu u dhadhansiiyo qaar ka mid ah waxay faleen, bal inay in soo noqdaan
42Dheh: Mara dhulka, markaas fiiriya sidee bay aheyd cidhibta kuwii hore. Waxay ahaayeen badankoodu Mushrikiin
43Ee u jeedi wejigaaga toos diinta hagaagsan inta aysan ka imaan Allaah Maalin aanu jirin qof celin kara. Maalintaasi dadku way kala bixi doonaan
44Kii kastoo xaqa diida (isaga bay dhibeysaa) xaq diiddadiisu, oo kii kastoo sama fala, Kuwaasu waxay u gogol dhigaan nafahooda meel san
45Si uu Allaah ugu abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala wax ka mid ah deeqdiisa; hubaal Isagu ma uu jecla gaalada
46Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Ilaahay ee muujinaya Weynidiisa) inuu soo diro dabaylaha sida wax san oo lagu farxo (roob) iyo inuu idin dhadhansiiyo wax ka mid ah Naxariistiisa iyo in doomuhu ku socdaan Amarkiisa oo aad dalabtaan wax ka mid ah Deeqdiisa, bal inaad mahad noqdaan
47Oo xaqiiq Waxaan u soo dirnay hortaa adiga Rusul dadkoodii, markaasay ula yimaadeen Xujooyin cad cad, markaas waanu ka aarsannay kuwii ahaa dambiilayaasha. Oo waxaa abad xil na saaran ah u gargaarka mu’miniinta
48Allaah waa Kan soo dira dabaylaha, markaas bay waxay kiciyaaan daruur, uu ugu baahiyo cirka sidii uu doono, ee ka dhiga goosimo, markaas waxaad aragtaan roobka oo ka soo dhex baxaya, haddana marka uu u shubo cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, mise markaas way faraxsan yihiin
49Inkastoo ay ahaayeen ka hor intii aan lagu soo di’in roobka wax yar horti, kuwo xaqiiq ka quus joogay
50Ee fiiri raadadka Raxmadda Ilaahay; sida uu ugu nolol siiyo arlada dhimashadeeda kaddib. Hubaal Kaasi wuxuu nooleyn doonaa meytida, oo wax walba Isagu wuu Karaa
51Oo haddii aan dirno dabeyl daran, oo ay arkaan iyadoo doorsoontoo caddaatay, waxay markaas kaddib sii wadaan inay gaaloobaan
52Ee adigu hubaal ma kartid inaad ka yeesho maytida inay wax maqlaan, oo ma kartid inaad ka yeesho kuwa dhegaha la’ inay maqlaan dhawaaqa, marka ay tagaan oo dhabarka jeediyaan
53Mana ka hanuunin kartid kuwa indhaha la’ lunsanaantooda, cidna wax ma maqashiin kartid aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga oo iyagu u hoggaansan
54Allaah waa Kan idinka abuuray (xaalad) tabar yari, haddana baxshay xoog tabar yari kaddib, haddana qaddaray tabar yari iyo cirro xoog kaddib, Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Oo Waa Isaga wax kasta Ogsoonaha, Awoodda Badan
55Oo Maalinta ay saacadda dhici doonto, waxay ku dhaaran doonaan dambiilayaashu inaysan nagaanin waxaan ahayn saacad, sidaas bay xaqa uga leexdaan weligood
56Oo kuwa la siiyey Cilmiga iyo Iimaanka waxay odhan doonaan: Dhab ahaan Waxaad negaateen in waafaqsan Kitaabka (Qaddarka) Ilaahay tan iyo maalinta isa soo Bixinta, marka tani waa Maalintii isa soo bixinta, laakiinse ma aydaan ogeyn
57Maalintaas cudur daarashadoodu wax uma tari doonto kuwii ahaa gar maqaatayaasha, lagamana aqbali doono raalli gelin
58Oo dhab ahaan waxaan ugu soo qaa- dannay dadka (nooc) kasta oo tusaale ah Qur’aankan gudahi, haddiise aad (Nabi Muxammadow) ula timaaddo calaamad, gaalada waxay hubaal odhan: Ma tihin idinku waxaan ahayn been ku doodayaal
59Sidaas buu Allaah u daboolaa quluubta kuwa aan wax ogeyn
60Ee samir yeelo, hubaal Ballanka Ilaahay waa xaq, oo yeysan ku liidsan kuwa aan (Xaqa) yaqiinsaneyn
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath