Islaamka
dib

29. Al-Cankaboot

1Alif Laam-Miim

2Ma waxay dadku moodaan in loogaga tegayo inay yidhaahdaan: “Waanu rumey- sannahay (Xaqa)iyagoo aan la imtixaamin

3Oo xaqiiq Waxaanu imtixaannay kuwii ka horreeyey iyaga. Oo Allaah xaqiiq wuu muujin kuwa uu run ka yahay (Iimaanka), oo xaqiiq wuu muujin beenlowyada

4Mise ma waxay moodaan kuwa fala xumaha inay naga fakan karaan? Xumaa waxa ay guddoonshaan

5Qofkii rajo ka qaba la kulanka Ilaahay, haddaba hubaal muddada uu Allaah (qoray) way imaaneysaa, oo waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon

6Oo qofkii dadaala (xagga diinta), wuxuu u dadaalahayaa naftiisa. Hubaal Allaah waa ka deeqtoon yahay uunanka

7Oo (ma xagga) kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxaan hubaal u asturi xumahooda, oo waxaan hubaal u abaal marin si waafaqsan waxa u wanaagsan ay faleen

8Oo Waxaanu ku waajibannay aadmiga inuu wanaajiyo labadiisa waalid, haddiise ay kugula dadaalaan inaad ila wadaajiso (cibaadada) wax aad u heysan cilmi2, ha ku adeecin. Waa Xaggayga noqodkiinnu, marka waxaan idiin sheegi doonaa waxa aad fasheen

9Oo (ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, Waxaanu hubaal ka yeeli inay dhex ahaadaan kuwa wanaagsan

10Oo waxaa ka mid ah dadka kuwo yidhaahda: Waxaanu rumeysannahay Allaah, markiise lagu dhibaateeyo Allaah darti, mooda fidmada dadka sida Cadaabka Ilaahay, oo haddii uu ka yimaaddo gargaar xagga Rabbigaa, waxay (munaafiqiintaa) hubaal odhanayaan: Waxaanu aheyn kuwa idin la jira. Ma wuusan Allaah ahayn kan dhab u Ogsoon waxa ku jira laabaha uumanka

11Oo hubaal Alle wuu muujin kuwa rumey- san, oo hubaal wuu muujin munaafiqiinta

12Oo kuwa rumeysan diida waxay ku yidhaahdaan kuwa (Xaqa) rumeysan: Soo raaca jidkayaga oo waxaan idinka qaadi doonnaa dambiyadiinna3. Oo marnaba ma aha kuwo ka qaadi doona wax ka mid ah dambiyadooda; hubaal waa beenlawyo

13Oo xaqiiq waxay qaadi culaysyadoo- da4, iyo culaysyo kale oo la jira culaysya- dooda, oo waxaa la weydiin Maalinta Qiyaamaha waxay been abuurteen

14Oo xaqiiq Waxaanu u dirnay Nuux dad- kiisii, oo wuxuu dhex joogay kun sano oo dhimman konton sano, oo waxaa qaaday Duufaantii iyagoo ah gar ma qaatayaal

15Oo Waa badbaadinnay isaga (Nuux) iyo kuwii kula jirayba Doonnida, oo waxaan uga dhignay calaamo5(digniin)ummadaha

16Oo (waxaan soo dirnay) Ibraahiim markii uu ku lahaa dadkiisii: Caabuda, Allaah (Keliya) oo dhowra (xilka uu idin saaray), arrinkan baa idiin khayr badan, haddii aad og tihiin

17Waxaad uun caabuddaan sanammo halkii Ilaahay, oo been abuur sameysaan. Hubaal, kuwa aad caabuddaan Allaah sokadi idiin ma hanan karaan risiq, ee ka doonta risiqa Allaah agtiis (oo keliya) oo caabuda oo ku mahdiya. Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa (dhammaan)

18Haddiise aad beenisaan (Xaqa), ummado idinka horreeyey baa xaqiiq beeniyey (Xaqa) . Oo ma saarna Rasuulka waxaan ahayn Gaarsiin cad (ee Fartiinta)

19Mawaysan u fiirsan sida Allaah u billaabo abuuridda (uunka), haddana u soo celin doono? Hubaal arrinkaasi Allaah wuu u fudud yahay

20Dheh: Ku socdaala dhulka oo fiiriya sida (Allaah) u billaabo uunka, haddana Allaah u ahaysiinayo abuuridda dambe. Hubaal, Allaah wax walba wuu Karaa

21Wuxuu ciqaabaa qofkuu doono, oo u naxariistaa qofkuu doono, oo Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa

22Oo ma ku fakan kartaan dhulka iyo cirka midna, oo ma lihidin Allaah sokadi gacal idin xafidi iyo gargaare midna

23Oo kuwa rumeysan diida Aayadaha Ilaahay iyo la Kulankiisa, kuwaasi waxay ka quusteen Naxariistayda, oo kuwan weeye kuwa mudan cadaab xanuun badan

24Marka ma ahayn jawaabtii dadkiisii waxaan aheyn inay yidhaahdeen: Dila isaga ama guba. Markaas buu Allaah ka bad- baadiyey dabkii. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin dad rumaysan

25Oo (Ibraahiim) wuxu yidhi: Waxaad u samaysateen (caabudid darteed) sanammo Allaah sokadi, jaceylka dhexdiinna ah waa oo keliya inta nolosha adduunkan ah, Maalinta Qiyaamahase, wuxuu qaarkiinba dhaleeceyn qaarka kale, oo qaarkiin wuxuu lacnadi qaarka kale, oo hoygiinnu waa Naarta, oo ma lahaan doontaan wax idiin soo gargaara

26Oo Luud baa rumeeyey isaga. Oo (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waxaan u haajirayaa xagga Rabbigay. Hubaal, waa Awood Badanaha, Xakiimka ah

27Oo Waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yac- quub,oo waxaannu ka yeelnay Nabinnima- da iyo Kitaabka inay ahaadaan ubadkiisa dhexdooda, oo Waxaanu ku siinnay abaal- gudkiisa adduunkan, oo Aakhirada wuxuu hubaal ka mid yahay inta wanaagsan

28Oo (waxaan soo dirnay) Luud, markuu ku lahaa dadkiisii: Hubaal waxaad idinku ku eedeysan tihiin xumaan (khaniisnimo) uusanba idiinka horrayn axad ka mid ah ummadaha

29Ma waxaad u tagtaan ragga, oo goysaan jidka7, oo kula timaaddaan Munkar (shirki, gaalnimo, xumaano) kulamadiinna dhexdood, Mase aheyn jawaabtii dadkiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Noo keen Cadaabka Allaah haddii aad ka mid tahay run sheegyada

30Wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar qolodan fasahaadka badan

31Oo markay Rusushayadii (malaa’igta ahayd) ula yimaadeen Ibraahiim bishaarada8 waxay yidhaahdeen: hubaal waxaan innagu halaagaynaa dadka magaaladan (Sodom), waayo dadkeedu waa gar ma qaatayaal

32(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Xaqiiq waxaa ku nool Luud. Waxay yidhaahdeen: Innaga baa kaa ogsoon cidda dhexdeeda ah, hubaal waanu badbaadin doonnaa isaga (Luud) iyo ehelkiisaba,_marka laga reebo marwadiisa, waxay ahaan doontaa mid ku harta gadaal

33Oo markay Rusushayadii u yimaadeen Luud wuu u murugooday10 dartood, oo dareemay awood darro (si uu u difaaco) ; Waxay yidhaahdeen: Ha cabsan oo ha murugoon. Hubaal waanu ku badbaadin adiga iyo ahelkaagaba, marka laga reebo xaaskaaga, waxay ahaan doontaa mid ka mid ah kuwaa ku hari doona gadaal

34Hubaal waxaanu ku soo dejin dadka magaaladan cadaab kaga yimaada samada inay caasiyoobeen darteed

35Oo xaqiiq waxaan uga tagnay halkaa calaamo (digniin) cad dad garasho leh

36Oo Xagga Madyan (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb, wuxuu yidhi: Dadkayow! Caabuda Allaah oo ka cabsada Maalinta Dambeysa (Aakhirada) oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada fasahaad

37Wayse beeniyeen, markaas baa dhul gariir daran qabsaday, oo waxay noqdeen kuwo (baqti) ah oo guryahooda daadsan

38Oo (waxaan rognay) Caad iyo Thamuud. Oo xaqiiq waxay idiinka muuqataa (baabbi’intoodii) guryahoodii. Oo shaydaan baa u qurxiyey camalladoodii oo ka duway Jidka, inkastoo ay ahaayeen kuwo garasho iyo garaad leh

39Oo (Waxaan rognay) Qaaruun, Fircoon iyo Haamaan. Oo xaqiiq wuxuu Muuse ula yimid Aayado cad cad, waxayse ku qooqeen oo kibreen arlada, mase aheyn kuwo ka baxsan kara (Cadaabtayada)

40Marka mid walbaa (oo ka mid ah) waxaan ku qaadnay dambigooda, waxaa ka mid ahaa kuwo aan u dirnay dabeyl daran, oo waxaa ka mid ahaa kuwo uu qabsaday qarax weyn, oo waxaa ka mid ahaa mid aan la goynay dhulka; oo waxaa ka mid ahaa kuwo aan qarqinnay. Ma aheyn Allaah inuu ku gardarrooday, laakiinse iyaga baa nafahooda u gefayey

41Mataalka kuwaa sameysta ilaaliyaal aan aheyn Allaah waa sida mataalka caaro, yeelatay guri,oo hubaal waxaa ugu liita gur- yaha, guriga caarada; haddii ay og yihiin

42Hubaal Allaah wuu ogsoon yahay waxa ay baryaan Isaga sokadi. Oo waa Awood Badanaha, Xakiimka ah

43Oo (ma xagga) tusaalooyinkan, waxaan u soo qaadannaa dadka, cidise ma fahanto aan aheyn kuwaa cilmiga leh

44Allaah wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamo mu'miniinta

45Akhri (Nabi Muxammadow) waxaa laguu soo waxyooday oo ka mid ah Kitaabka, oo u oog salaadda si wanaagsan. hubaal, salaaddu waxay ka reebtaa (qofka) xumaanta iyo Munkarka, oo xaqiiq xusidda Allaah baa wax waliba ka weyn. Oo Allaah wuu Og yahay waxa aad fashaan

46Oo ha la doodina ehlu Kitaabka inay tahay maahee taasi sida ugu wanaagsan, marka laga reebo kuwooda ka midka ah ee u dhaqma si caddaalad darro ah, oo dhaha: Waxaanu rumaysannahay waxa nalagu soo dejiyey waxyi ahaanta iyo waxa la idinku soo dejiyey ee waxyi ah; oo Ilaahayaga iyo Ilaahiinnuna waa Mid Keliya, oo innagu Isaga baan u hoggaansannahay

47Oo sidaas baan waxaan kugu soo waxyoonnay Kitaabka (Qur’aanka). Marka kuwa aanu siinnay Kitaabka way rumeysan yihiin, oo kuwani waxaa ka mid ah oo jira kuwo rumeysan, oo ma diidaan Aayadahayaga waxaan ahayn gaalada

48Oo ma aad akhriyin horti wax Kitaab ah, mana aad ku qorin midna gacantaada midig, markaas kuwa sheega waxyaalo aan run ahayn waa ay shakiyi lahaayeen

49Mayee! kuwakani waa Aayado cad cad oo ku sugan laabaha kuwa la siiyey cilmiga, oo ma diidaan Aayadahaga waxaan ahayn gar ma qaatayaasha

50Oo waxay yidhaahdaan: Maxaa calaamooyin loogaga soo dejin waayey xagga Rabbigiis? Dheh: Calaamooyinka sideedaba waa oo Keliya xagga Allaah, oo anigu waxaan uun ahay dige cad

51Miyaanay ku fillayn inaan kuu soo waxyoonnay Kitaabka loo akhriyo? Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan naxariis iyo waano dad rumaysan

52Dheh: Allaah baa ku filan markhaati ahaan aniga iyo idinka noo dhexeeya. Wuxuu Ogsoon yahay waxa jira samooyinka iyo arlada. kuwase rumeysan waxyaalaha aan jirin ee beenta ah oo rumeysan diida Allaah, waa kuwani uun kuwa iyagu ah hoogayaasha

53Oo waxay ku warsadaaan inaad soo dedejiso cadaabka, oo haddii aanay lahaan lahayn muddo go'an, wuu u iman lahaa cadaabka. Oo hubaal wuxuu ugu iman doonaa kedo iyagoo aan dareensanayn

54Waxay ku warsadaan inaad soo dedejiso cadaabka, oo hubaal Naarta waxay ku hareersan tahay gaalada

55Maalinta marka cadaabka ka dabooli doono dushooda iyo lugahooda hoostoodaba, oo wuxuu odhan doonaa: Dhadhamiya waxaad fasheen

56Addoomahayga rumeysanow! dhulkaygu wuu ballaaran yahaye, ee Anigoo (Keliya) i caabuda

57Naf walbaa waa tii dhadhamisa dhimashada. markaas Xaggayaga baa la idiin soo celin doonaa

58Oo kuwa rumeysan oo samaha fala waxaanu hubaal ka siin doonnaa hoy rugaha sare ee Jannada dhexdeeda, ay webiyadu hoostoodu qul-qulaan iyagoo ku waaraya dhexdeeda, Wanaagsanaa abaalka kuwa camal fasha

59waa kuwa sabra oo Rabbigood ku kalsoon

60Oo badanaa noole dhul socod ah, oo aan xambaarsaneyn risiqeeda, Allaah baa arsaaqa iyo idinkaba. Oo Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon

61Oo haddii aad weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada oo sakhiray qorraxda iyo dayaxa? Waxay hubaal odhan: Allaah. Ee xaggee baa haddaba loo iilay

62Allaah wuxuu u waasiciyaa risiqa kuu doono ee ka mid ah addoomahiisa, oo ku cidhiidhiyaa (kuu doono). Hubaal Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay

63Oo haddii aad weydiiso: Yaa ka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, markaa ku nooleeya arlada dhimashadeeda kaddib? Waxay hubaal odhan: Allaah. Dheh: Am- maan idilkeed mahadi wehliso waxaa iska leh Alle. Badankooduse wax ma gartaan

64Oo ma aha noloshatan adduunku waxaan aheyn maaweelo iyo madaddaalo. Oo hubaal Daarta dambeysa,_ weeyaan nolosha dhabta ah (waarista), waase haddii ay og yihiin

65Oo marka ay fuulaan doonyaha, waxay baryaan Allaah (Keliya), iyagoo u keli yeelaya cibaadada, markase uu nabad ku keeno barriga, markaas bay u shariik- yeelaan

66Sidaas bay uga abaal dhacaan waxaanu siinnay, sidaas darteed ha iska raaxeystaan12, durbase way ogaan doonaan

67Miyaanay arkayn inaanu yeellay Xaram Aamin ah, halka dadka laga dafo hareerahooda13? Ee ma waxaan jirin oo been ah bay weli rumeysan yihiin, oo ku gaaloobaan Nicmadda Ilaahay

68Oo yaa ka gardarro iyo gef badan kan ka been sheega Allaah ama beeniya Xaqu marka uu u yimaado? Miyaanay se ahayn Naarta hoyga gaalada

69Oo (ma) kuwase aad ugu dadaala Arrinkayaga, waxaanu hubaal ku hanuunin doonnaa Jidadkayaga oo hubaal Allaah wuxuu la jiraa sama falayaasha

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath