28. Al-Qasas
1Daa siin Miim
2Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka ee ka yeela arrimaha caddaan
3Waxaan kuu akhrineynaa wax ka mid ah warkii Muuse iyo Fircoon oo xaq ah, dadkii rumaynaya
4Hubaal, Fircoon waa isku sare yeelay arlada oo ka yeelay dadkeedii kooxo, isagoo daciifinaya qolo (ilmahii Israa’iil) ka mid ah, gowracaya wiilashooda, oo u deynaya nolol haweenkooda. hubaal, wuxuu ka mid ahaa Mufsidiinta
5Oo Waxaanu doonnay inaan u galno wanaag kuwii looga arkay daciif arlada, oo ka yeello hooggaamiyayaal, oo aan ka yeello dhaxlayaasha
6Oo aan ku awood siinno iyaga arlada oo aan ka yeelno Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii2 inay arkaan waxay ka digtoonaayeen
7Oo Waxaanu u waxyoonnay Muuse hooyadi (Annagoo leh): Nuuji isaga (Muuse), markaadse aad u cabsato, ku tuur webiga, oo ha cabsan, hana murugoon. hubaal, Annaga baa kuu soo celin, oo ka yeeli mid ka mid ah Rususha
8Oo reer Fircoon baa soo qaatay si uu ugu noqdo cadow iyo (sabab u keenta) ciil iyo murugo. Hubaal Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii waxay ahaayeen kuwo gef badan
9Oo marwadii Fircoon waxay tidhi: Waa il qabawsigeenna aniga iyo adigaba. Ha dilina, waa intaasoo uu na anfaco ama aan ka dhiganno wiil, oo ma ay dareemin
10Oo qalbigii Muuse hooyadi wuxuu ahaaday mid (ka) maran (arrin kaloo dhan aayootiinka wiilkeeda Muuse ma ahee) . Waxay ku sigatay inay kashifto (arrinkiisa) haddii aan xajinneen qalbigeeda si ay uga mid ahaato mu’miniinta
11Oo waxay ku tidhi walaashiis: Raad raac. markaas bay ka jeedaalisay meel fog si qarsoodi ah iyagoo aan dareemeyn
12Oo Waxaanu horey u qaddarnay inuu diido nuujiso (kale) oo dhan4, markaasay (walaashiis timid oo) tidhi: Ma idin tusaa reer idiin daryeelaya, oo iyagu u roonaan doona
13Sidaas baan ugu soo celinnay hooyadiis si ay u il qabawsato oo u murugoon, oo u ogaato in wacadka Ilaahay Xaq yahay, laakiinse dadka badankiisu ma ogsoona
14Oo markuu tabar galay oo buuxsamay (nin ahaan), Waxaanu siinnay xikmad iyo aqoon. Oo sidaas baan ku abaal marinnaa sama falayaasha
15Oo wuxuu soo galay magaaladii goor ay war la' yihiin dadkeedu5, markaasuu wuxuu kula kulmay halkaa labo nin oo diriraya_oo midi ka mid yahay qoladiisa6 (diintiisa_ka mid ahaa ilmahii Israa’iil) kan kalena ka tirsan yahay cadowgiisa. Oo ninkii qoladiisa ahaa baa uga kaalmo warsaday oo qeyshaday xagga kii ahaa cadowgiisa, markaas buu Muuse feedhay mar keliya oo kaw kaga siiyey. (Muuse) wuxuu yidhi: kanu waa camal Shaydaan, hubaal waa cadow, wax dhumiya oo cad
16(Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan gef u geystey naftayda ee ii dambi dhaaf, markaas buu u dambi dhaafay, hubaal, Allaah waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan
17(Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxa aad iigu nicmaysay darteed, marnaba dib dambe uguma noqon doono caawiye dambiilayaasha
18Oo wuxuu ku sugnaa magaalada isagoo cabsanaya, war sugaya, mise kii gargaarka warsaday maalintii hore baa u qeyshanaya inuu u soo hiilliyo (mar kale). (Muuse) wuxuu ku yidhi: Adigu wax aad tahay baadiyeeye iska cad
19Markuu se doonay inuu qabto (oo wax yeelo) kii cadowga u ahaa labadoodaba, wuxuu ( kii loo gargaarayey ama kii cadowgaada ahaa) yidhi: Muusow! Ma waxaad dooneysaa inaad I disho sidii aad u dishayba naf (kale) shalay? Ma dooneysid waxaan aheyn inaad ka noqoto jujuubaa isla weyn arlada, oo ma dooneysid inaad ka mid noqoto kuwa wax wanaajiya
20Oo nin baa yimid rooraya magaalada xaggeeda shishe. Wuxuu yidhi: Muusow! hubaal xildhibaannadii waxay ku tashanayaan inay ku dilaan ee baxso. Waxaan anigu kuu ahay daacad’e
21Markaas buu ka baxay xaggeeda. Isagoo cabsanaya digtoon. (oo) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iga badbaadi dadkaa gar ma qaatayaasha ah
22Markuu u jeedshay wejigiisa xagga (arlada) Madyan wuxuu yidhi: Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo dhabbo Toosan
23Markuu soo gaaray biyihii Madyan wuxuu ka helay halkaa koox rag ah oo waraabsanaya (xoolahooda), sokadoodana wuxuu ka helay labo haween ah oo horaya (xoolahooda). (Muuse) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiinnu yahay? Waxay yidhaahdeen: Ma waraabinno (xoolaheenna) jeer ay raacata- du fulaan oo kaxeystaan (xoolahooda), aabbahayana waa oday weyn oo duq ah
24Markaasuu u waraabiyey (xoolahoodii), markaas u jeesaday oo aaday xagga meel har leh, oo yidhi:Rabbiyow! Waxaan u baahi qabaa wax kastoo khayr ah aad I soo dirto
25Markaas labadii gabdhood middood baa u timid iyadoo u soconaysa si xishood leh oo tidhi: Aabbahay baa kuu yeedhaya si uu kuu siiyo abaalgudka waraabintii dar- teed aad noo waraabisay (xoolahayaga). Oo markuu u yimid8 oo uga warramay qisa- dii dhacday, wuxuu yidhi: Ha cabsan. Waad ka badbaadday dadkaa daalimiinta ah
26Oo waxay tidhi middood (labadii gabdhood): Aabbow ijaaro! Hubaal waxaa u fiican cid la ijaarto xoog badanaha, aamminka ah
27Wuxuu yidhi: Waxaan rabaa inaa kuu guuriyo mid ka mid ah labadaydaan gabdhood, waxaase shardi ah inaad ii shaqeyso siddeed sano, haddiise aad buuxiso toban sano, waxay ahaan (axsaan) xaggaaga ah, oo ma doonayo inaan ku dhibo. Haddii Allaah idmo, waxaad iga heli doontaa mid ka mid ah kuwa wanaagsan
28(Muuse) wuxuu yidhi: arrinkani waa (ballan) dhexdeenna ah aniga iyo adiga midkii aan labada muddo oofiyo, ma jiri doonto wax laygu colaadiyo, oo Alle baa ka damiin(markhaati)ah waxa aanu leennahay
29Oo markuu dhammaystay Muuse muddadii, oo la tagay reerkiisii iyagoo jidka haya buu wuxuu ka arkay dhinaca buurta (Duur) dab, wuxuu ku yidhi reerkiisii: “Suga, waxaan arkay dab, waa intaasoo aan idiinka keeno war ama dhimibil dab ah si aad isugu diirisaan
30Oo markuu yimid halkaa (dabkii), cod baa ka dhawaaqay dhanka midig ee togga ee rugta barakaysan ee geedka9 leh: “Muusow! Waxaan Anigu ahay Allaah, Rabbigii uunanka
31Ee tuur ushaada. Markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa oo la moodo mas, buu isgaddiyey, mana soo dhugan gadaal (waxaa la yidhi): Muusow! Kaalay soo dhowow, oo ha cabsan, hubaal waxaad tahay mid ka mid ah kuwa aaminka ah
32Geli gacantaada goshaada, waxay noqon durbaba caddaan cudur la’aan, oo ku nab gacantaada garabkaaga si ay kaaga ba’do cabsida (aad ka qaadday maska, sidoo kalena gacantaadu waxay u noqon doontaa sideedii hore). Marka kuwakani waa labo caddaymo xagga Rabbigaa looga soo diray Fircoon iyo xildhibaannadiisa, hubaal waa qolo caasiyaal ahe
33(Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan dilay nin ka mid ah, marka waxaan ka cabsi qabaa inay i dilaan
34Oo walaalkay Haaruun baa iga faseexsan carrab ahaan ee ila dir garab ahaan si uu ii rumeeyo. Waxaan anigu ka cabsi qabaa inay I beeniyaan
35(Allaah) Wuxuu yidhi: Waxaan ku adkeyn doonnaa cududdaada walaalkaa, oo idiin yeeleynaa labadiinnaba awood, marka idinma gaar siin karaan (wax dhib ah), ee Aayadahayaga dartood, idinka iyo intii idin raacda baa adkaan doona
36Oo markuu Muuse ula yimid Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdeen: Kani ma aha waxaan ahayn sixir la been abuurtay, mana aanaan ku maqal waxakan oo kale aabbayashayadii hore dhexdood
37Oo Muuse wuxuu yidhi: Rabbigay baa ogsoon kan kala yimid hanuun xaggiisa iyo kan lahaan doona cidhibta wanaagsan Daarta10 Dambe ee Aakhirada. Hubaal gardarroolayaasha ma guuleystaan
38Oo Fircoon wuxuu yidhi: Xildhibaannow! Anigu idiin ma ogi inaad leedihiin ilaah kale aan ahayn aniga, ee i huri dab Haamaanow lagu dul shido dhoobada11, markaa ii samee sar aad u dheer, si aan u soo day dayo ilaaha Muuse; oo hubaal waxaan qabaa in isagu yahay mid ka mid ah beenlowyada
39Oo wuxuu isku kibriyey (Fircoon) xaq darro arlada isaga iyo askartiisuba, oo waxay moodeen inaan Xaggeenna loo soo celin doonin
40Markaas baan qabannay isaga iyo askartiisiiba, oo ku tuurnay dhammaan badda12, ee fiiri sida ay ahayd cidhibtii gar ma qaatayaasha
41Oo Waxaan ka yeelnay hoggaamiyayaal13 wax ugu yeera Naarta, oo Maalinta Qiyaama looma gargaaro
42Oo Waxaan raacinnay adduunyadan Lacnad, oo Maalinta Qiyaamaha waxay ka mid ahaan doonaan Kuwa la dulleeyey
43Oo xaqiiq waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) kaddib markii aan halaagnay qaaruumihii hore, isago xujooyin cad u ah dadka, iyo hanuun iyo naxariis, bal inay xusuustaan
44Oo Adigu ma aad joogin dhinaca gal- beed (ee buurta), markaan u waxyoonnay Muuse amarka, oo ma aad ka mid aheyn kuwa ahaa goob joogga
45Laakiinse Waxaan abuurnay Facyo (is xigsada Muuse kaddib) oo waxaa ku dheeraaday14 cumrigii. Oo adigu ma aheyn mid dhex joogay reer Madyan,adigoo u akh- rinaya Aayadahayaga. Laankiinse Annaga baa ku soo dirnay (Rusuul ahaan)
46Oo adigu ma aad joogin dhinca Buurta (Duur) markaan u yeernay. Laakiinse (adiga waxaa laguu soo diray) naxariis ahaan xagga Rabbigaa si aad ugu digto dad uusan u imaan dige hortaa bal inay xusuustaan
47Oo haddaysan jirin in markay ku dhacdo masiibo waxay gacmahoodu geysteen ( oo xumaan ah) darteed, markaasna ay yidhaahdeen: Rabbiyow! Maxaad noogu soo diri weyday Rasuul si aan u raacno Aayadahaaga oo aan uga mid ahaanno mu’miniinta
48Markiise (haatan) uu Xaqa uga yimid Xaggagayaga, waxay yidhaahdeen: Maxaa loo siin waayey wax la mid ah wixii la siiyey16 Muuse? Ma waysan ku gaaloobin wixii la siiyey Muuse awal hore? Waxay yidhaahdeen: “Waa labo sixir (Towraadda iyo Qur’aanka) oo is kaalmaysta. Oo waxay yidhaahdeen: hubaal Innagu dhammaantood waan ku gaalownay
49Dheh: Haddaba ka keena Kitaab (kale) xagga Ilaahay, oo ka hanuun wanaagsan labadooda, aan raacee, haddii aad tihiin run sheegayaal
50Haddaysan ku ajiibin, markaa ogow inay uun raacaan hawadooda. Oo yaa ka dhunsanaan badan mid raaca hawadiisa hanuun la’aan xagga Ilaahay?Hubaal, Alle ma hanuuniyo dadkaa daalimiinta ah
51Oo xaqiiq waxaan ka yeelnay qowlka inuu soo gaaro, bal inay xusuustaan
52(Ma xagga) kuwa aanu siinnay Kitaabka ( Towraadda iyo Injiilka, iwm) ka hor kani (Qur'aanka), _waa rumaysan yihiin17 waxa ku soo arooray (Qur’aanka)
53Oo marka loo akhriyo (Qur'aanka), waxay yidhaahdaan: Waanu rumaysanna- hay. hubaal, waa Xaq ka yimid Rabbigayo. Hubaal waxaanu ahayn isaga ka horba kuwo hoggaansan oo Muslimiin ah
54Kuwaan waxaa la siin doonaa ajar-kooda labo jeer sabarkoodii darti, oo waxay ku qaabilaan wixii xumaan ah samaan, oo wax ka bixiyaan waxaan ku irsaaqno
55Oo markay maqlaan hadal macno darro ah way ka jeesadaan, oo yidhaahdaan: Waxaanu leennahay camalladayada, idinkuna waxaad leedihiin camaladiinna. Nabad gelyo18, ma rabno (dhaqanka) jaahiliinta
56Hubaal! Ma hanuunin kartid (Nabi Muxammadow) ciddii aad jecleysato, laakiinse Allaah baa hanuuniya qofkuu doono. Oo Isaga baa cid kasta ka ogsoon kuwa hanuunsan
57Oo waxay yidhaahdeen: Haddii aan kula raacno hanuunka, waxaa nalaga dafi dhul- kayaga19. Ma waannaan dejin Xaram aammin ah, oo midho nooc walba leh la keeno,_ risiq Xaggayaga ah, laakiinse badankoodu ma oga
58Oo intee baan magaalo rognay, ku ki-birtay nolosheeda (caasiday Alle iyo Rusu- shiisa). Marka waa kuwan guryahoodii, aan la degin iyaga kadambow in yar ma ahee20 Oo waa Annaga dhaxlayaasha (u hara)
59Oo Rabbigaa marnaba ma halaago magaalooyinka jeer uu u diro magaalada u hooyada ah (xaruntooda) Rasuul u akhrinaya Aayadahayaga. Oo marnaba ma halaagno magaalooyinka haddii ayan aheyn dadkeedu gar ma qaatayaal
60Oo wax kastoo la idin siiyo oo wuxuun ahi waa uun sahay nolosha adduunkan iyo quruxdeeda, waxase (Aakhirada) Allaah agtiis ah baa khayr badan oo daa’insan. Ee mawaydaan haddaba garowsaneyn
61Ma mid aan u ballan qaadnay ballan qaad wanaagsan (Janno) oo la kulmi doono, baa la mid ah mid aan siinnay sahayda nolosha adduunkan, markaas Maalinta Qiyaamaha ka mid noqon doona kuwa la soo xaadirnayo (la cadaabayo)
62Oo Maalinta uu (Allaah) u yeedhi doono (mushrikiinta) oo odhan: Meeye kuwii aad u heysateen inay yihiin shurakadeyda
63Kuwa uu Qawlka ku dhaboobi doono21 (in la ciqaabo) waxay odhan: “Rabbiyow! Kuwaani waa kuwii aan habaabinnay. Waxaan u habaabinnay sidii aan u habownay. Waxaan ka nahay bannaanka (iyaga) adiga hortaada. Ma aheyn innaga waxay caabudayeen
64Oo waxaa lagu odhan: U yeerta Ilaahaydiinnii aad shurakada kala dhigteen, markaasay u yeedhan doonaan, mase siin doonaan wax jawaab ah, oo waxay arki doonaan cadaabta. Haddii uun ay raaci lahaayeen hanuunka
65Oo Maalinta uu u yeedhi, oo odhan: Maxaad ugu jawaabteen Rusushii
66Markaas bay waayaan xujooyin 23 maalintaas, waxna isma warsadaan
67Ma qofkii se isagu ka toobad keena (shirkiga iyo macaasida) oo (Xaqa) rumeeya oo raaca oo fala camallo wanaagsan (nolosha adduunkan) waa intaasoo uu ka mid ahaado liibaanayaasha
68Oo Rabbigaa wuxuu abuuraa oo doortaa wuxuu doono, ma leh iyaguse inay doortaan. Waa ka Nazahan Allaah oo ka Sarreeyaa waxay la wadaajiyaan cibaadada
69Oo Rabbigaa waa Ogsoon yahay waxa ay qarsadaan laabahooda iyo waxa ay muujiyaanba
70Oo Waa Isaga Allaah (Macbuudka Xaqa ah), ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, Isaga baa ku leh ammaan o idil iyo mahadba tan hore (aduuunka) iyo tan dambaba ( Aakhirada), oo Isaga baa leh Xukunka, oo Xaggiisa baa idinka oo idil la idiin celin doonaa
71Dheh: Ii sheega, haddii uu Allaah idiinka yeelo habeenka joogto tan iyo maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Allaah oo idiin keeni kara iftiin, ee mawaydaan wax maqleyn
72Dheh: Ii sheega, haddii Allaah idiinka yeelo dharaarta joogto tan iyo Maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Allaah oo idiin keeni kara habeen aad ku xasishaan? Ee mawaydaan wax arkayn
73Oo Waxaa ka mid ah Naxariistiisa, inuu idiin yeelay habeenka iyo maalinta si aad ugu nasataan iyo si aad u doonataan deeqdiisa, iyo inaad mahad naqdaan
74Oo Maalinta aan u yeedhi doono (mushrikiinta) oo odhan: Meeye kuwaad u heysateen inay yihiin shurakadeyda ee aad ila wadaaajiseen cibaadada
75Oo Waxaanu ka soo saari doonnaa ummad walba markhaati, oo odhan: Keena caddayntiinnii. Markaas bay ogaan inuu Garta leeyahay Allaah (Keliya), oo waayi doonaan waxay been abuuran jireen
76Hubaal, Qaaruun wuxuu ka mid ahaa qolodii Muuse, wuuse ka fallaagoobay, oo waxaanu ka siinnay kaydadka wax aad u tiro badan heer furayaashoodu xaqiiq cusleyneysay jirka rag xoog leh. Waa tii ay qolodiisii ku yidhaahdeen: Ha farax taraarin (qooqin),hubaal, Alle ma jecla kuwa qooqa
77Oo ku doono waxa (khayr) uu Allaah ku siiyey Daarta dambeysa, oo ha halmaamin qaybtaada ah adduunkan, oo sama fal sida uuba Allaah kuugu sama falay, oo ha la doonin fasahaad arlada. hubaal, Allaah ma jecla Mufsidiinta (kuwa wax bi'iya)
78Wuxuu yidhi: Waxaa la igu siiyey kani oo keliya aqoonteyda. Ma wuusan ogayn inuu Allaah halaagay isaga horti qaaruumo, kuwo isaga ka xoog badan oo ka badan waxay isu keeneen. Oo dambiilayaasha waxba lagama weydiin doono dambiyadooda
79Markaas buu u soo baxay qolodiisii hortood isagoo xarragoonaya oo ay u dhan tahay quruxdiisii. Kuwii doonayey nolosha adduunkan waxay yidhaahdeen: “Wayoo waye, haddii aan lahaan lahayn wax la mid ah waxa Qaaruun la siiyey? hubaal, wuxuu leeyahay nasiib aad u weyn
80Kuwii se la siiyey cilmiga waxay yidhaahdeen: Magaciin bi'i waaye! Abaalka Allaah (ee Aakhirada) baa u wanaagsan kuwa (Xaqa) rumeysan oo sama fala , lamana waafajiyo waxaan ahayn kuwa samir yeesha
81Markaas baan la goynay isaga iyo daartiisiiba dhulka. Marka ma uusan helin cid uga soo gargaarta xagga Allaah, mana ahayn mid ka mid kuwa is difaaci kara
82Oo kuwii u hanqal taagayey (meeqaan la mid) meeqaankiisa maalintii horreysay waxay billaabeen inay yidhaahdaan: Shaki ma leh waa Allaah Kan u fidiya risiqa qofuu doono oo ka mid ah addoomahiisa ama ku cidhiidhiya. Haddii aysan jirteen in Allaah yahay mid noo Roonaan badan, wuxuu nala goyn lahaa dhulka (sidoo kale). Shaki ma leh in abaal laawe uusan liibaanin
83(Ma xagga) taasi ah Daarta Aakhiro (Jannada) waxaan dhaxalsiin doonnaa kuwa aan ku dooneyn sarreyn dhulka, oo aan ku falin fasahaad. Oo cidhibta wa- naagsan waxaa leh kuwa iska jira xumaha
84Qofkii la yimaada wanaag, wuxuu leeyahay wax ka khayr badan, oo qofkii la yimaada xumaan, laguma abaal mariyo kuwa fala camallada xun waxaa ahayn waxay faleen
85Hubaal, Kan kugu faral yeelay Qur’aanka wuxuu xaqiiq dib kuugu soo celin doonaa Xagga halkii ballantu ahayd24. Dheh: Rabbigay baa cid kasta ka ogsoon kan isagu la yimid hanuun iyo kan ku sugan habow caddaan ah
86Oo ma aad fileyn in Kitaabka laguu soo waxyoonayo, hase yeeshee waa Naxariis xagga Rabbigaa ah. Ee ha noqonin mid garab siiya gaalada
87Oo yeysan kaa jeedin Aayadaha Ilaahay kaddib marka laguu soo waxyooday, oo ugu yeedh (dadka) xagga Rabbigaa, oo ha ka mid noqonin Mushrikiinta
88Oo ha baryin la jirka Allaah ilaah kale. Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo)aan Isaga ahayn. Wax waliba waa halaagsami doonaan Wejgiisa maahee26. Isaga baa leh xukunka, oo Xaggiisa baa idinkoo (dhan) la idiin celin doonaa
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath