27. An-Naml
1Daa Siin1 Kuwaanu waa Aayadaha Qur'aanka iyo Kitaab iska cad
2Waa u hanuun iyo bishaaro mu’miniinta
3Kuwa u ooga salaadda si wanaagsan oo bixiya Sakada, oo iyagu ah kuwo Aakhiro yaqiinsan
4Ma xagga kuwa aan rumeysneyn Aakhirada, waxaan hubaal u qurxinnay acmaashooda, waana ay ku jaha wareersan yihiin habowgooda
5Kuwaanu waa kuwa mudan cadaab xun (adduunkan). Oo Aakhirada iyaga uun baa ugu khasaare badan
6Oo hubaal, adiga wuxuu xaqiiq kaaga yimaadaa Qur'aankan xagga Midka ah Xakiimmka, wax kasta Ogsoon (Allaah)
7Waa tii uu Muuse ku yidhi ehelkiisii: “Hubaal waxaan arkaa dab, Waxaan idiinka keeni war ama waxaan idiinka keeni dhim- bilo dab ah si aad u diirisaan nafahiinna
8Markiise uu yimid halkaa, cod baa dha- waaqay leh: “Waa la barakeeyey waxa dab- ka agti ah iyo waxa hareera jooga,oo xurmo waxaa leh oo hufan Alle, Rabbiga uunanka
9“Muusow! Hubaal Waa Aniga! Allaah, Awood Badanaha, Xikmadda Badan
10“Ee tuur ushaada; markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa sidii mas, buu dib isu rogay oo carar is dhigay, dib umuu jaleecin. Muusow! Ha cabsan, hubaal, Rusushu kuma cabsadaan agtayda
11Mid gef geysta maahee markaas taa beddelkeed wanaag fala xumaantii kaddib, markaa hubaal Anigu waxaan ahay Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
12Oo geli gacantaada goshaada, waxay soo bixi doontaa durbaba caddaan cudur la’aan. (kuwakani waa) qaar ka mid ah sagaalka calaamood (aad ula tegi doonto) Fircoon iyo dadkiisa,waa dad caasiyaal ah
13Markiise Aayadahayaga cad ay u yimaadeen, waxay yidhaahdeen: Kani waa sixir iska cad
14Oo waa dafireen Aayadahaa gardarro iyo kibir darti, inkastoo ay nafahoodu yaqiinsadeen oo ku qanceen. Ee fiiri sida ay aheyd cidhibtii mufsidiinta
15Oo xaqiiq waxaanu cilmi siinnay Daawuud iyo Sulaymaan, oo waxay labduba yidhaahdeen: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, kan naga kor mariyey in badan oo ka mid ah addoomahiisa mu'miniinta ah
16Oo wuxuu dhaxlay Sulaymaan (aqoontii iyo xikmaddii) Daawuud. Oo wuxuu yidhi: Dadow! Waxaa nala baray hadalka shimbiraha, oo waxaa wax nalaga siiyey wax walba2. Hubaal kani waa Fadli (Ilaahay baxsho) oo iska cad
17Oo askartiisii oo jin, dad iyo shimbiraba leh waa loo soo kulmiyey Sulaymaan iyagoo loo abuubalay kooxo ahaan
18ilaa, markay yimaadeen toggii Quraanyada, Quraanyo baa waxay tidhi: “Quraanyoy! Gala guryihiinna si ayan idiin jajabin Sulaymaan iyo askartiisa iyagoo aan dareemayn
19Markaasuu muusooday, isagoo la cajabsan hadalkeeda o yidhi: Rabbiyow3! I waafaji inaan ku shukriyo Nicmaddaada aad ugu nicmaysay aniga iyo waalidkayba iyo inaan sama falo aad ka raalli tahay, oo igu dhex geli Naxariistaada addoomahaaga kuwa wanaagsan
20Oo wuxuu kormeeray shimbirihii, markaasuu yidhi: Maxaa dhacay oo aan u arki waayey hud-hudkii5, mise ma wuxuu ka mid yahay kuwa maqan
21Waxaan hubaal ciqaabi doonaa ciqaab daran ama waan gowrici doonaa ama wuxuu ii keeni doonaa xujo cad
22Mase maqnaan muddo dheer, (oo wuxuu joogsaday meel aan fogeyn) oo yidhi: Waxaan soo koobay (ogaalka wax) aad koobin oo waxaan kaaga keenay Saba6 war la hubo
23Hubaal waxaan helay haweeney xukumeysa7, oo la siiyey wax walba8, oo waxay leedahay Carshi aad u Weyn
24Waxaan soo helay iyada iyo dadkeeda oo u sujuudaya qorraxda halkii Allaah, oo shaydaan wuxuu u qurxiyey camalladooda, oo ka duway Jidka (Toosan), marka ma ay hanuunsana
25Ma ay u sujuudaan Allaah ee soo bixiya waxa ku qarsoon samooyinka iyo arlada oo Ogsoon waxa aad qarisaan, iyo waxa aad muujisaanba
26Allaah, ma jiro Ilaah ( Xaq ah) aan Isaga ahayn, waa Rabbiga Carshiga Weyn
27(Sulaymaan) wuxuu yidhi: Waan arki doonnaa inaad run sheegtay ama inaad tahay (mid) ka mid ah beenlowyada
28Qaad waraaqdaydaan oo u dhiib, oo ka soo laabo, oo fiiri wixii ay (jawaab) soo celiyaan”
29Waxay tidhi: Mudanayaal! hubaal waxaa la iigu dhiibay halkaan waraaq sharaf leh
30Hubaal waxaa soo diray Sulaymaan, (waxaana ku yaal): Bismillaahir Raxmaanir Raxiim
31Ha iska kay weyneynina oo ii imaada idinkoo hoggaansan oo Muslimiin ah
32Waxay tidhi: Mudanayaal! Iga siiya talo arrinkaygaan. Anigu ma gooyo talo jeer aad goob joog tihiin
33Waxay yidhaahdeen: Waxaanu nahay kuwo xoog leh oo dagaal aqoon daran leh, amarkase adigaa leh; ee ka fiirso waxa aad amreyso
34Waxay tidhi: Hubaal! Boqorradu, markay (ku) galaan magaalo (xoog) waa kharribaan, oo ka yeelaan ehelkeeda sharafta leh kuwa hoos ah. Oo Sidaas bay falaan
35Oo hubaal waxaan u dirayaa hadiyad oo sugayaa si aan u eego waxa ay (jawaab) la soo noqdaan ergaydu (kuwa la diray)
36Markiise (ergaygii oo sida hadiyadda) u yimid Sulaymaan, wuxuu yidhi: Ma waxaad Iigu deeqeysaan maal? Waxa se uu I siiyey Allaah baa ka khayr badan waxa uu idin siiyey. Bal waxaad ku faraxsan tihiin hadiyaddiinna
37U laabo iyaga, waxaan xaqiiq ula imaan doonnaa ciidammo aysan awood u lahayn inay ka hor tagaan, oo waxaan hubaal ka saari doonnaa halkaa iyagoo dullaysan oo ku jira xaalad liidasho
38(Sulaymaan) wuxuu yidhi: Mudanayaal! Kiinnee baa ii keeni kara carshigeeda inta aanay ii imaan iyagoo hoggaansan?”
39Cifriit ka mid ah jinka baa wuxuu yidhi: Aniga baa kuu keenaya inta aad ka kicin golahaaga, oo hubaal waxaan anigu ahay mid xoog u leh oo aamin ah
40Mid haystay cilmi Kitaabka ah10 wuxuu yidhi: Aniga baa kuugu keenaya il biriqsi gudaheed. Oo markii uu (Sulaymaan) arkay isagoo barbarkiisa yaal (carshigeedii), wuxuu yidhi: Kani waa fadliga Rabbigay_ si uu ii imtixaano inaan mahad naqo ama aan abaal dhaco. Oo mid kastoo mahad naqa wuxuu u mahad naqaa naftiisa, oo mid kastoo abaal dhaca, haddaba hubaal! Rabbigay waa mid kaaftoon, sharaf Badan
41Wuxuu yidhi: Dooriya carshigeeda si aan u aragno bal inay garato, mise ay ka mid noqoto kuwa aan garanayn
42Oo markay timid baa waxaa lagu yidhi: Ma sidan baa Carshigaagu?. Waxay tidhi: Waxaadba mooddaa isagii. (Sulaymaan wuxuu yidhi): Oo waxaa nala siiyey cilmi horteed, oo waxaanu nahay Muslimiin
43Oo waxay caabudeysey Allaah sokadi baa ka jeediyey (Xaqa), hubaal waxay ka mid aheyd qolo gaalo ah
44Waxaa lagu yidhi: Gal Qasarka, markiise ay aragtay, waxay moodday biyo dhig badan, markaas bay xaydatay oo labadeedii kub muuqdeen12; Sulaymaan wuxuu yidhi: Waa sar salaax sugan, oo quraarad ah. Waxay tidhi “Rabbiyow! Hubaal waxaan dulmiyey naftayda, haddase waxaan isu dhiibay la jirka Sulaymaan xagga Alle, Rabbiga uunanka
45Oo xaqiiq waxaan u dirnay Thamuud walaalkood Saalix, wuxuu yidhi: Caabuda Allaah (Keliya). Mise waxay noqdeen labo kooxood (gaalo iyo mu’miniin) doodaya
46(Saalix) wuxuu yidhi: “Dadkaygiyow! Maxaad u doontaan in la idiin soo dedjiyo xumaan (cadaab) ka hor samaanta14 (Naxariis Ilaahay)? Maxaad uga dalbi weydeen Dambi Dhaaf Ilaahay, bal inuu idiin naxariisto
47Waxay yidhahdeen: Waxaa nagu dhacay balaayo iyo baas sababtaada adiga iyo sababta kuwa kula jiraba. Wuxuu yidhi: "Sharaysigiinnu waa xagga Ilaahay15; bal, waxaad tihiin dad la imtaxaanay.”
48Oo waxaa jiray magaalada sagaal nin (oo ah wiilashii madaxdoodii)16, oo ku fala fasahaad arlada17, oo aan wax hagaajin
49Waxay yidhaahdeen: Isku dhaarsada Allaah inaan ku qaadno weerar kedo ah (Saalix) iyo ehelkiisaba goor habeen ah, markaas waxaan ku odhan qaraabadiisa dhow18: Maa aanu joogin meesha uu ku halaagsamay ehelkiisu, oo waxaan hubaal nahay xaqiiq run sheegayaal
50Oo waxay tabeeyeen tab, oo Annaguna waxaanu tabeennay tab, iyagoo aan dareemayn
51Ee fiiri sida ay aheyd cidhibtii tabtooda inaan baabbi’innay iyaga iyo dadkoodii oo dhan
52Marka waa kuwaas guryahoodii iyagoo maran oo burbur ku sugan gardarradoodii darteed, hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamo dad garasho leh
53Oo Waxaanu badbaaddinnay kuwii rumeeyey oo ka dhowrsanayey (xumaha)
54Oo (waxaan dirnay) Luud waa tii uu ku yidhi dadkiisii: Ma waxaad fashaan anshax19 xumo idinkoo arkaya
55Ma waxaad u tagtaan ragga idinkoo u hawoonaya halkii haweenka? Bal waxaad tihiin dad u dhaqma si jaahilnimo ah
56Mase ahayn jawaabtii dadkiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: “Ka saara intii raacday Luud magaaladiinna, hubaal waa dad is daahirine
57Markaas baan badbaadinnay isaga iyo intii raacday, marwadiisii maahee. Waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haray gadaal (la halaagay)
58Oo Waxaanu ku soo daadinnay korkooda roob (dhagaxyo ah). Xumaa roobka kuwa loo digay
59Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, oo nabad ha ahaato addoomahiisa dushooda uu doortay. Ma Allaah baa wanaagsan, mise kuwa ay la wadaajiyaan cibaadada shariigyo ahaan
60Mayee, (Allaah baa wanaagsan) ee abuuray cirarka iyo dhulka, oo idiinka soo shuba biyo (roob) xagga daruurta, markaas aan ku soo bixinno beero cajab leh oo bilic iyo barwaaqo badan; Ma aha wax aad kartaan inaad soo saartaan geedahooda. Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Mayee, waa dad ka weecda (Xaqa)
61Mise, Kan ka dhigay dhulka meel la dego oo ka yeelay dhexdiisa webiyo, oo u yeelay buuro suga, oo yeelay dhexdooda labada badood xidh. Ee ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Mayee, badankood garasho ma leh
62Mise, Kan ajiiba dhibbanaha markuu baryo oo ka qaada dhibka, oo wuxuu idinka yeeli kuwa u hara (oo isku beddela) dhulka21. Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Yaraa inta aad xusuusataan
63Mise, Kan idin tilmaama marka aad ku dhex jirtaan mugdiyada berriga iyo badda oo ah Kan soo dira dabaylaha ceelalyo ahaan bishaara sida ka horreeya Raxmaddiisa (roobka)? Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Waa ka sarreeyaa Allaah waxa ay la wadaajiyaan cibaadada
64Mise, Kan billaaba asal ahaan abuurka, markaas soo celin doona, oo ah Kan idinka irsaaqa samada iyo arlada? Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Dheh: Keena Xujadiinna haddaad tihiin run sheegayaal
65Dheh: Ma jiraan cid ku sugan samooyinka iyo arlada ogsoon Ghaybka (waxa qarsoon ee aan muuqan) Allaah ma’ahee, oo ma oga goorta la soo bixin doono (Qiyaamaha)
66Mayee’, Cilmigooda xagga Aakhirada waa wax yar oo aan dhammeyn. Balse, waxayba ka qabaan shaki, oo waa ay ka indha la' yihiin
67Oo kuwaa (Xaqa) rumeysan diida waxay yidhaahdaan: Ma marka aan noqon- no ciid, innaga iyo aabbayaashayoba,miyaa xaqiiq nala soo bixin doonaa (mar kale)
68Waxaa xaqiiq naloo yaboohay (arrin)kan, innaga iyo aabbayaashayaba mar hore, waxakanu ma aha waxaan aheyn sheeko xariirtii kuwii hore
69Dheh: Ku socdaala dhulka, markaas fiiriya sida ay aheyd ciribtii Dambiilayaasha
70Oo ha u murugoon, oo ha ka walbahaarin waxa ay qrosheeyaan darteed
71Oo waxay yidhaahdaan: Goorma bay gooddintani dhici doontaa? Haddii aad tihiin run sheegayaal
72Dheh: Waa intaasoo ay yihiin wax dhow oo gadaashiinna ah qaar ka mid ah waxa aad rabtaan in la soo dedjiyo
73Oo hubaal Rabbigaa waa u Roon yahay dadka, laakiinse dadku badankiisu ma mahad naqaan
74Oo hubaal, Rabbigaa xaqiiq waa Ogsoon yahay waxa ay laabahoodu qarsadaan iyo waxa ay muujiyaanba
75Oo ma jiro wax ku qarsoon samada iyo arlada oo aan ku qorneyni Kitaab cad
76Hubaal Qur’aankani wuxuu daaha uga qaadaa ilmahii Israa’iil badi waxaa ay isku hayaan oo isku khilaafsan yihiin
77Oo hubaal Waa u Hanuun iyo Naxariis mu’miniinta
78Hubaal Rabbigaa wuxuu ku kala xukumi doonaa dhexdooda iyaga xukunkiisa, oo waa Isaga Awood Badanaha, wax kasta Ogsoonaha ah
79Ee isku hallee Allaah; hubaal, waxaad ku taagan tahay Xaq Cad
80Hubaal adigu wax ma maqashiin kartid meytida, oo ma maqashiin kartid dhagoola- ha dhawaaqa markay tagaan oo dhabarka jeediyaan
81Oo ma thid mid ka toosin kara indhoolayaasha habowgooda, cidna wax wax maqashiin kartid aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga ee iyagu hoggaansan Muslimiinta ah
82Oo marka uu Qawlku ku fulo dushooda23, Waxaan uga soo bixin donnaa Daabbad arlada, la hadleysa, inayan dadku rumeyn Aayadahayaga darteed
83Oo Maalinta aan ka soo kulmin doonno ummad walba koox ah kuwii beeniyey Aayadahayaga, markaasna waxaa loo kala saari doonaa qayb qayb
84Ilaa markay yimaadaan (Rabbigood hortiis) Wuxuu ku odhan doonaa: Ma waxaad beeniseen Aayadahaygii idinka oo aan ku koobin cilmi, ama maxay aheyd waxa aad fasheen
85Oo waxaa ku dhici doona Qowlkii (Cadaabka)24, gefefkii ay geysteen darteed, marka ma hadli doonaan
86Mawaysan u fiirsan inaan uga yeelnay habeenka inay ku xasilaan Maalintana iftiin? Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamooyin dad rumeysan
87Oo Maalinta buunka la afuufo, markaa kuwaa ku sugan samooyinka iyo kuwaa ku sugan arlada waxay la dhici doonaan naxdin mid maahee Allaah uu doono (oo ka cafiyo), kulligoodna waxay u imaan doonaan iyagoo dullaysan
88Oo waad arkaysaa buuraha aad mooddo wax adag oo sugan, iyagoo socon socodka daruuraha oo kale, waa Sancada Ilaahay ee u sameeyey wax walba si hagaagsan. Hubaal waa u Xog ogaal waxa aad fashaan
89Mid kastoo la yimaada samaan25 wuxuu leeyahay wax ka khayr badan ajar ahaan, oo iyagu naxdinta Maalintaas waa ka aamin
90Oo mid kastoo la yimaada xumaan26 waxaa loogu tuuri doonaa weji weji Naarta: Ma waxaa la idinku jaaseeyaa waxaan ahayn waxaad fasheen
91Waxaa aniga la I amray sideedaba in aan caabudo Rabbiga magaaladaan27 (Makkah) ee ah Kan xurmada u yeelay oo iska leh wax walba. Oo waxaa la I amray inaan ahaado mid ka mid ah kuwa isu dhiiba (Ilaahay)
92Iyo inaan akhriyo Qur’aanka, ee qofkii hanuuna, wuxuu u hanuunaa naftiisa, oo qofkii lumaa, markaa dheh: Anigu waxaan ahay oo keliya mid ka mid ah digayaasha.”
93Oo dheh: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah. Wuxuu idin tusi doonaa calaamooyinkiisa, waana garan doontaan. Mana aha Rabbigaa mid moog waxa aad fashaan
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath