Islaamka
dib

26. Ash-Shucaraa

1Taa Siin Miim

2Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka ka yeela arrimaha caddaan

3Waa intaasoo aad naftaada ku disho (murugo) inaysan rumayn (Xaqa) darteed

4Haddii aan doonno, Waxaan kaga soo direynaa calaamo cirka, ay luqumahoodu u hogan lahaayeen

5Oo uga ma yimaado waano (Qur'aan) Raxmaanka isagoo cusub oo is daba jooga, bal waa kuwii ka jeesada

6Marka waxay dhabtii beeniyeen (Xaqa), sidaas darteed wararka waxay ku jees-jeesaan baa dhaqso u imaan doona

7Miyeyna arag dhulka,_intee baan nooc kasta oo wanaagsan aan sababnay inuu ku soo baxo

8Hubaal Waxaa arrinkani ku jira xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn doona

9Oo hubaal (Allaah) Rabbigaa xaqiiq waa Awood Badanaha, Naxariista Badan

10Oo waa tii Rabbigaa uu u dhawaaqay Muuse (Isagoo leh): U tag dadkaa gar ma qaatayaasha ah

11Qoladaa Fircoon, miyaanay iska jireyn (xumaha oo u hoggaansameyn Allaah)

12wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waxaan ka cabsi qabaa inay i beeniyaan

13Oo ay cidhiidhi noqoto laabteydu, oo cod kari waayo carrabkaygu. Ee u dir Haaruun (inuu i caawiyo)

14Oo waxay igu heystaan danbi (dil aan geystey ah), sidaas darteed waxaan ka cabsi qabaa inay i dilaan

15(Alle) wuxuu yidhi: “Ma jirto! Ee la taga idinku Aayadahayaga. Hubaal; Annagaa idinla jirna oo idin maqleyna

16Ee u taga Fircoon oo ku dhaha: “Hubaal innagu waxaanu nahay Rusuulka Rabbiga uunanka

17Ee nagu dar hana raacaane ilmihii Israa’iil

18(Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waanaan kugu barbaarin dhexdayada adigoo ilmo yar ah? O aad nala joogin sannado badan ka mid ah noloshaada

19Oo waxaad fashay falkaagii aad fashay (dishay nin). Oo waxaad adigu ka mid tahay abaal laawayaasha

20Wuxuu yidhi: “Waan falay haddaba anigoo ka mid ah kuwaa aan wax garanayn

21Markaas baan idinka cararay markaan idinka cabsaday, markaasuu Rabbigay I siiyey xikmad, oo iga dhigay mid ka mid ah Rususha

22Oo taasi ma nicmad baa aad iigu lib-sheegato, adigoo addoonsaday ilmihii Israa’iil

23Fircoon wuxuu yidhi: Oo muxuu yahay Rabbiga uunanka

24Wuxuu yidhi: “Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddii aad rumeysaneysaan

25Fircoon wuxuu ku yidhi kuwii hareera joogay: Ma waydaan maqleyn

26(Muuse) Wuxuu yidhi:(Allaah) Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore

27(Fircoon) wuxuu yidhi3: Hubaal Rasulkiinna la idiin soo diray xaqiiq waa waalan yahay

28(Muuse) wuxuu yidhi: Waa Rabbiga bariga iyo galbeedka iyo inta u dhexeysa, haddii aad caqli leedihiin

29(Fircoon) wuxuu yidhi: Haddii aad yeelato ilaah kale aan aniga ahayn, Waxaan kaa mid dhigayaa kuwa xiran

30(Muuse) wuxuu yidhi: “Ma xitaa haddii aan kuula imaado wax (xujo) cad

31Fircoon wuxuu yidhi: Haddaba la imow, haddii aad ka mid tahay run sheegyada

32Markaas buu (Muuse) tuuray ushiisii, mise waa mas muuqda

33Oo wuxuu soo saaray gacantiisii mise, waa mid u cad kuwa eegaya

34(Fircoon) wuxuu ku yidhi xildhibaannadii hareera joogay: hubaal kanu xaqiiq waa saaxir xeel dheer

35Ee raba inuu idiin kaga saaro dhulkiinna sixirkiisa ee maxaad haddaba ku talineysaan

36Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig isaga iyo walaalkiba (xaalkooda in yar) oo u dir magaalooyinka kuwo wax soo kulmiya

37Inay kuu keenaan saaxir kasta oo xeel dheer

38Markaas baa sixiroolayaashii la isugu soo wada kulmiyey madal maalin la yaqaan

39Oo waxaa lagu yidhi dadkii: Ma soo kulmeysaan wada jir idinkoo dhammi

40Inaan raacno sixiroolayasha hadday adkaadaan

41Oo markii sixiroolayaashii ay yimaadeen, waxay ku yidhaahdeen Fircoon: “Ma leennahay abaalgud haddii aan annagu adkaanno

42(Fircoon) wuxuu yidhi: Haah, oo hubaal idinku markaas waxaad ka mid ahaaneysaan kuwo iga ag dhow

43(Muuse) wuxuu ku yidhi: Tuura waxaad idinku tuuraysaan

44Markaas bay tuureen xargahoodii iyo ulahoodii; oo yidhaahdeen: “Waa nagu awoodda Fircoon, waxaan hubaal ahaan doonnaa xaqiiq kuwa adkaan doona

45Markaas buu tuuray Muuse ushiisii, mise waxay guratay oo liqliqday waxay been maleegeen

46Oo sixiroolayaashii dhulka baa loo riday sujuud darteed

47Waxay yidhaahdeen: Waxaynu rumeysannahay Rabbiga uunanka

48Rabbiga Muuse iyo Haaruun

49(Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waxaad rumayseen ka hor intii aan idiin idmin; hubaal isagu xaqiiq waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka, ee waad ogaan dontaan, hubaal waxaan u goyn doonaa gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf oo hubaal waan idin daldali doonaa dhammaantiin

50Waxay yidhaahdeen: Dhib ma laha; Hubaal, Annagu Xagga Rabigayo baan u laabmaynaa

51Hubaal waxaanu rajayneynaa inuu Rabbigayo noo dhaafo gefefkayaga, inaanu nahay kuwa u hor rumeeeyey (Xaqa)

52Oo waxaanu u waxyoonnay Muuse Annagoo leh: “La bax Addoomahayga idignkoo ku baxaya guuro habeennimo, hubaal waa la idiin soo raaciye

53Markaasuu Fircoon diray ciidammo xagga magaalooyinka gudahood

54Hubaal kuwani xaqiiq wax koox yar

55Oo hubaal way na cadho geliyeen

56Oo hubaal waxaan innagu dhammaan nahay kuwo had iyo jeer digtoon

57Markaasaan ka saarnay beero iyo ilo

58Iyo maaliyad iyo meeqaan wanaagsan

59Waa sidaase oo waxaan dhaxal siinnay Ilmahii Israa’iil

60Markaas bay ka soo daba baxeen goor qorrax soo bax ah

61Markii ay labadii ciidan isu muuqdeen, Waxay yidhaahdeen asxaabtii Muuse: “hubaal waa layna haleelay”

62(Muuse) wuxuu yidhi: Ma jirto. Waxaa ila jira Rabbigay, wuxuu i tusi doona jid aan ka baxo

63Markaas baan u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Ku dhufo badda ushaada. Markaas bay kala dhanbalantay, oo qayb walba waxay noqotay sida buur weyn

64Oo Waan ku soo dhoweynay, halkaa kuwii kale (qoladii Fircoon)

65Oo Wxaaanu badbaadinnay Muuse iyo intii la jirtay oo dhan

66Kaddib waxaan qarqinnay kuwii kale

67Hubaal waxaa arrinkani ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn doona

68Oo hubaal, Rabbigaa, xaqiiq waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista badan

69Oo u akhri qisadii Ibraahiim

70Waa tii uu ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: “Maxaad caabuddaan

71Waxay yidhaahdeen: Waxaan caa- budnaa sanammo, oo aan u nahay daacad

72(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Oo miyey idin maqlaan marka aad baridaan

73Waxse ma idin taraan ama idin yeelaan

74Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaan ka soo gaarnay aabbayaashayadii hore oo sidaas falaya

75(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma u jeeddaan waxa aad soo caabudeyseen

76“Idinka iyo aabbayaashiinnii horeba

77Hubaal waa cadowgay oo col baan nahay, mase aha (sidaa) Rabbiga uunanka

78“Ee i abuuray, haddana i hanuunshay

79‘Oo Waa Isaga Kan I siiya cunto oo i siiya wax aan cabbo

80Oo marka aan buko, Isaga baa I bogsiya

81Oo waa Isaga Kan i dhinsiin doona, haddana ii soo nooleyn doona (mar kale)

82Oo waa Kan aan rajeeyo inuu ii dhaafo gefkayga Maalinta Abaal marinta

83Rabbiyow! I sii Xikmad, oo i haleeshii kuwa wanaagsan

84Oo ii yeel xus fiican facyada dambe dhexdooda

85Oo iga mid yeel dhaxlayaasha Jannada barwaaqada ah

86Oo u dambi dhaaf Aabbahay, hubaal wuxuu ka mid yahay kuwaa lunsan

87Oo ha i dulleyn Maalinta marka la soo la soo bixiyo (dhimasho kaddib)

88Maalinta aysan wax tari doonin maal iyo carruur midna

89Mid maahe ula yimaada Allaah qalbi ka fayow6 ( shirki, shaki, xumaan, iwm)

90Oo Jannada waxaa loo soo dhoweyn doonaa kuwa iska jira (xumaha)

91Oo Naarta waxaa loo muujin doonaa kuwa habowsan

92Oo waxaa lagu odhan doonaa: Meeye waxaad caabudi jirteen

93Allaah sokadi? Miyey idiin gargaari karaan,mase u gargaari karaan nafahooda

94Markaas baa waxaa loogu tuuri doonaa wejiweji (Naarta),_iyaga iyo kuwa habowsanba

95Iyo askartii ibliis oo dhanba

96Waxay odhan doonaan iyagoo ku mur-maya dhexdeeda (Naarta)

97Tallaahi, waxaanu ahayn xaqiiq kuwo ku jira habow aad u muuqda

98Waa tii aan idin la sinnay Rabbiga uunanka

99Oo cidna aan ka ahayn dambiilayaasha nama aysan lumin

100Haatan ma lihin wax garab na siiya

101Iyo saaxiib run ah midna

102(Hahe!) Haddii na la siin lahaa hal fursad si aan ugu laabanno (dunidii) waxaan ka mid ahaan lahayn mu’-miniinta

103Hubaal waxaa arrinkani ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankood kuwo rumayn

104Oo hubaal, Rabbigaa waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan

105Dadkii Nuux waxay beeniyeen Rusushii

106Waa tii uu walaalkood Nuux ku yidhi: “Miyeydaan ka joogeyn (xumaha)

107Hubaal anigu waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah

108Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo I adeeca

109“Oo idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (fidinta Diinta Ilaahay), abaal gudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga Rabbiga uunanka

110Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca

111Waxay yidhaahdeen: Ma adiga baan ku rumaynsannaa iyagoo kuwii u liitay (dadka) ay ku raaceen

112Wuxuu yidhi: Oo maxaan ka ogahay waxa ay falaan

113“Xisaabtoodu waxaa leh oo keliya Rabbigay, haddii aad garasho leedihiin

114Oo anigu ma eryayo mu’miniinta

115Oo ma ahi anigu waxaan ahayn dige cad

116Waxay yidhaahdeen: Haddii aad joojin oo aadan ka harin (baaqaagan) Nuuxow! Waxaad hubaal ka mid noqon doontaa xaqiiq kuwa la dhagaxyeeyo (ilaa ay ka dhintaan)

117Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal, dadkaygii waa ay i beeniyeen

118Ee noo kala garsoor aniga iyo iyaga garsoor (caddaalad ah), oo i badbaadi aniga iyo kuwa ila jira ee mu'miniinta ah

119Markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii kula jirtayba Doonidii buuxday

120Oo waxaan qarqinnay intaas kaddib kuwii haray (gaaladii)

121Hubaal arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn

122Oo hubaal, Rabbigaa, waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan

123Caad waxay beeniyeen Rusushii

124Waa tii uu walaalkood Huud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (xumaha)

125Hubaal, Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah

126Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca

127“Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah ( Risaalada Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga Rabbiga uunanka

128Ma waxaad ka dhistaan taag waliba taallo8? Macno daranaa waxaas aad fashaan

129Oo sameysataan dhufeyso adag bal inaad waartaan

130Oo markaad soo qabataan (qof) waxaad u soo qabataan idinkoo jujuubayaal ah

131“Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca

132Oo dhowra (Amarrada) Kan idin siiyey (waxyaalaha wanaagsan) aad ogtihiin

133Idin siiyey xoolo tiro badan iyo carruur

134Iyo beero tanaad ah iyo ilo

135Hubaal waxaan idiinka cabsi qabaa (oo digayaa) cadaab Maalin murugo weyn

136Waxay yidhaahdeen: Waa isugu kaaya mid haddii aad na wacdido ama aad ka mid ahaan kuwa dadka wacdiya

137Kanu ma aha waxaan aheyn caadadii dadkii hore (ee laga tagay)

138Oo ma nihin kuwo la cadaabayo

139Oo way beeniyeen, markaas baan halaagnay, hubaal; arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn

140Oo hubaal, Rabbigaa, waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan

141Thamuud waxay beenisay Rusushii

142Waa tii uu walaalkood Saalix ku yidhi: “Miyeydaan ka joogeyn (xumaha)

143Waxaan anigu idiin ahay Rasuul Aamin ah

144Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca

145Idinkuma weydiisto wax abaal gud ah (Risaalada Ilaahay), abaalgudkeygu waxaan ka sugayaa oo keliya xagga (Ilaahay) Rabbiga uunanka

146Ma waxaa la idiinkaga tagayaa idinkoo nabad ah waxa halkaan ah

147Ku sugan beero iyo ilo

148Iyo galley iyo geedo timir fiiddeedu jilicsan yihiin

149Oo waxaad ka qodataan guryo buuraha idinkoo isla weyn

150Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca

151Oo ha adeecina amarka xad gudbayaasha

152Ee ku fala fasahaad arlada oo aan wax hagaajin

153Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran

154Oo ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah. Ee noo keen calaamo haddii aad run sheegayso

155(Saalix) wuxuu yidhi: Tani waa Hal9; waxay u leedahay xaq inay cabto (biyo) maalin, idinkuna waxaad u leedihin xaq inaad cabtaan (biyo) maalin la yaqaan

156Oo ha ku taabannina wax xumaan (dhib) ah, yeysan idin qabane cadaab Maalin murugo weyn

157Waase dileen, markaasay ka shallaayeen

158Markaas baa Cadaab qabtay, hubaal; arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn

159Oo hubaal, Rabbigaa, waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan

160Dadkii Luud waxay beeniyeen Rusushii

161Waa tii uu walaalkood Luud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (xumaha)

162Hubaal waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah

163Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca

164Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Risaalada Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga Rabbiga uunanka

165Ma waxaad u tagtaan (galmootaan) labka oo aad kaga soocmaysaan arrinkaas Uunanka

166Oo aad ka tagtaan waxa uu Rabbigiin idiin abuuray oo afooyinkiinna ah? Mayee, waxaad tihiin dad xadgudba

167Waxay yidhaahdeen: Haddii aadan joojin Luudow (baaqaagan)! hubaal, Waxaad ka mid noqon doontaa kuwa debedda loo saaro

168(Luud) wuxuu yidhi: Hubaal anigu waxaan ka mid ahay kuwa diiddan ee neceb camalkiinna (xun)

169Rabbiyow! iga badbaadi aniga iyo Ehelkaygaba waxa ay falaan

170Markaas baan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba, dhammaan

171Habar duqowday ma ahee11 ka mid aheyd kuwaasi ku haray gadaal (cadaabta)

172Markaasaan waxaan baabbi’innay intii kale

173Oo Waxaanu ku soo daadinnay roob (dhagxaan naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay

174Hubaal arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn

175Oo hubaal, Rabbigaa waa isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan

176Reer Hawdkii (dadkii Madyan) waxay beeniyeen Rusushii

177Waa tii uu Shucayb ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (Xumaha)

178Hubaal, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah

179“Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo I adeeca

180Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Risaalada Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga (Ilaahay) Rabbiga uunanka

181Bixiya beeg dhan oo ha ka mid noqonnina kuwa wax ka dhima

182Oo wax ku miisaama Miisaan toosan

183Oo ha ka dhimina dadka waxyaala- hooda ay xaq u leeyihiin, oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada ku falid fasahaad

184Oo iska jira (ciqaabka) Kan idin abuuray idinka iyo uunankii horeba

185Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran

186Oo ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah, oo waxaanu yaqiinsannahay inaad dhabtii ka mid tahay beenlowyada

187Ee nagu soo rid jab samada ah haddii aad ka mid tahay run sheegyada

188Wuxuu yidhi: Rabbigay baa Ogsoon waxa aad fashaan

189Wayse beeniyeen, markaasaa cadaab maalintii harka (daruur madow) qabatay, hubaal waxay aheyd cadaab Maalin aad u murugo weyn

190Hubaal, arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn

191Oo hubaal, Rabbigaa waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan

192Oo hubaal, kani (Qur’aankani) waa waxyi ka yimid xagga Rabbiga uunanka

193Ruuxa aaminka ah (Jabriil) baa la soo degey (oo ku shubay)

194Qalbigaaga si aad uga mid noqoto Digayaasha

195Isago af Carabi faseex ah

196Oo hubaal isla midkani xaqiiq wuxuu ku yaal Kutubtii dadkii hore

197Miyeyna calaamo u ahayn inay culimidii Banii Israa'iil ay og yihiin

198Oo haddii aan u soo waxyoon laheyn (Qur’aankani) cajamiga midkood

199Oo uu ku dul akhriyi lahaa, ma ay rumeeyeen waxa ku soo arooray

200Sidaas baan yeellaa inuu u galo quluubta Dambiilayaasha

201Ma ay rumayn doonaan jeer ay arkaan cadaabka xanuunka badan

202Oo ugu imaan doona si kedis ah, iyagoo aan fileyn

203Markaas bay waxay odhan: Ma nala siinayaa fursad (aan ku rumeyno)

204Ee ma cadaabtayada bay degdegsan

205Ee ka warran, haddii aan u deyno inay raaxeystaan sanooyin

206Markaas uu u yimaado waxaa (ciqaabka) loogu gooddiyo

207Waxaa loo daayey inay ku raaxeystaan maxay bal u tari doonaan

208Oo ma jirto magaalo aan halaagno Annagoon marka hore u dirin Digayaal

209Si loo waaniyo, oo ma nihin kuwo ku gardarrooda (dadka)

210Oo Shaydaammada ma ayan keenin15 (Qur’aankan)

211Oo kuma habboona, oo ma leh awood inay isagoo kale keenaan

212Hubaal, waa kuwo xaqiiq laga fogeeyey inay maqalaan isaga

213Ee ha la baryin ilaah kale la jirka Allaah yaadan ka mid noqone kuwa la cadaabayo

214Oo u dig xigtadaada kuu sii dhow

215Oo u raarici garabkaaga ciddii ku raacda ee ka mid ah mu’miiinta

216Haddayse ku caasiyaan markaa dheh: Anigu shaqo kuma lihi waxa aad fashaan

217Oo isku hallee Awood Badanaha, Naxariista Badan

218Kan ku arka marka aad kaceyso

219Iyo gad-gaddoonkaaga dhexdood18 kuwaa u sujuuda (Allaah)

220Hubaal, (Allaah) waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon

221Ma idiin sheegaa (dadow) kan ay ku soo degaan shaydaammada

222Waxay ku soo degaan beenaale kasta, dambiile ah

223Waxay dhigtaan dhegaha19, oo badankoodu waa beenlawyo

224Oo ma xagga gabyaayada, kuwaa habowsan baa raaca

225Miyaadan arag inay dhex wareegaan iyagoo wareersan tog waliba

226Iyo inay yidhaahdaan waxaysan falayn

227Marka laga reebo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, oo xusa Allaah in badan, oo difaaca nafahooda kaddib marka lagu gardarrooday21. Oo kuwa gefka geysta durba way ogaan doonaan rogmasho noocee ah bay rogmi doonaan

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath