25. Al-Furqaan
1Waxaa Barako iyo Khayr badan Kan (Allaah ee) ku soo dejiyey Furqaanka addoonkiisa si ugu noqdo caalamka dige
2Kan (Allaah ee) iska leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, oo aan yeelan dhallaan oo aan lahayn wax shariig ah (la wadaaga) Boqortooyada. Ee abuuray wax walba, markaas u qaddaray qaddar
3Oo waxay yeesheen sokadi ilaahyo aan waxba abuurin balse iyaga la abuuray, oo aan u hanan karin nafahooda wax dhib ama dheef ah, oo aan laheyn wax awood ah (ay ku sababaan) dhimasho, ama (ku bixiyaan) noolaansho, ama mid dhintay kaga soo saaraan qabri iyagoo nool
4Oo kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxay yidhaahdaan: “Waxakanu ma aha waxaan aheyn been uu isagu hal abuurtay, oo ay dad kale ku kaalmayeen, marka dhab ahaan waxay geysteen gef oo ku hadleen been.”
5Oo waxay yidhaahdaan: “Waa sheekooyinkii dadkii hore -- waa uu soo qortay, marka waa loo soo yeedhiyaa subax iyo galabba
6Dheh: “Waxaa soo waxyooday Kan ogsoon sirta samooyinka iyo arlada. Hubaal, waa Dambi Dhaaf Badane, Naxaris Badan
7Oo waxay yidhaahdaan: “Muxuu yahay arrinka Rasuulkan uu u cunaa cuntada, oo uu u socdaa suuqyada (sidayada oo kale). maxaa malag loogu soo diri waayey ee ahaada mid la diga
8“Ama (maxaa) loog soo rogi waayey khaznad samada (uu kaga maarmo xoogsiga), ama u ahaato beer uu wax ka cuno? Oo geflowyada waxay yidhaahdeen: Ma raacaysaan waxaan aheyn nin sixran.”
9Eeg waxa ay kugu shabbahaan tusaale ahaan, marka waa ay lumeen, sidaas awgeed ma ay kari doonaan inay helaan jid
10Waxaa barako iyo khayr badan Kan Isagu, haddii uu doono ku siin doona wax ka khayr badan waxakan_Beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, oo wuxuu ku siin doonaa daaro waaweyn
11Balse waxay beeniyaan Saacadda, oo waxaanu u diyaarinnay dab huraya kii isagu beeniya Saacadda (Qiyaame)
12Marka ay (Naartu) uga muuqato meel fog, waxay ka maqlaan caro daran iyo cartan
13Oo marka lagu tuuro meel cidhiidhi ah gudaheeda, iyagoo isku xirxiran, waxay halkaa u yeertaan halaag
14Ha u yeerannina maanta halaag mar keliya ah, ee u yeerta halaag badan
15Dheh: Ma arrinkani baa wanaagsan _mise Beerta waaridda ee loo yaboohay kuwa iska jira (xumaha)? Taasi waxay u ahaan abaal marin iyo aayo wanaagsan
16Waxay ku mudan gudaheeda wixii ay doonaanba iyagoo ku waadhaya; waa yabooh ku habboon in la weydiisto Rabbigaa
17Oo Maalinta uu soo kulmin doono iyaga iyo wax kasta ay caabudeenba Allaah sokadi, markaas wuxuu odhan: “Ma idinka baa lumiyey addoomahaygaan, mise iyaga baa iskood uga lumay Jidka (Toosan)?.”
18Waxay odhan: “Xurmo oo dhan Adiga baa (Allow) iska leh oo hufan! Naguma habboona inaan yeelanno gargaarayaal Adiga ka sokow, laakiinse waxaad u raaxeysay iyaga iyo aabbayaashood ilaa ay halmaameen waanada, oo waxay ahaayeen qolo halaagsamay
19Sidaas bay dhab ahaan idiinku beenin waxaad sheegaysaan, markaasna ma kari doontaan furasho iyo gargaar midna. Oo mid kastoo idinka mid ah ee gar ma qaate ah, waxaan ka yeeli doonnaa inuu dhadhamiyo cadaab aad u weyn
20Oo ma soo dirin hortaa adiga wax Rusul ah balse waxay hubaal cuni jireen cunto, oo mari jireen suuqyada. Oo Waxaanu uga dhignay qaarkiinba qaar kale imtixaan ee haddaba samir ma yeelan doontaan? Oo Rabbigaa waa Mid Arkaya
21Oo kuwa aan rajeynayn la Kulankayaga waxay yidhaahdaan: “Maxaa malaa’ig na loogu soo diri waayey, ama ( maxaan) u arki weyney Rabbigayo (Allaah)?” Haddaba xaqiiq aad bay isula weynaadeen oo madax adeygeen madax adayg weyn
22Maalinta ay arkaan malaa’igta7 uma ahaan doonto farxad Maalintaas dambiilayaasha, oo Waxay (malaa’igtu) odhan:“Waa wax idinka xarriman (jannada) oo gebigeedaba idinka reebban
23Oo Waxaan hor keeni doonnaa9 waxay (mushrikiinta, gaalada) ay camal san faleen, oo waxaanu ka dhigi doonnaa sida boor hawada ku baabba’ay
24Ehlu-Jannuhu waxay Maalintaas ku sugnaan doonaan rug halka u khayr badan iyo meel harsimaysi wanaagsan
25Oo Maalinta marka samada dillaac la furmi doonto oo daruuro (ka soo baxaan)10, oo malaa’gta la soo dejin doono iyagoo u soo degaya ( saf saf)
26Boqortooyada Maalintaas waxaa run ahaan iska leh (Allaah) Raxmaanka, oo maalin daran bay u ahaan gaalada
27Oo Maalinta gar ma qaataha uu qaniini doono gacmihiisa isagoo leh: “Hoogayeey! Maxaan ula raaci waayey jid Rasuulka
28Hooggayga weeyee! Haddii aanan ka dhigin lahayn hebel saaxiib
29Xaqiiq wuxuu iga habaabiyey13 waanada, inta uu ii yimid kaddib. Oo Shaydaanku wuxuu hagradaa dadka oo uga tagaa meel xun14 oo hungo ah
30Oo wuxuu Rasuulku ku calaacalay: “Rabbiyow! Hubaal dadkeygii waxay ka dhigteen Qur’aankan sida wax laga tagey
31Oo sidaas baan ugu yeellay Nabi walba cadow ka mid ah dambiilayaasha. Oo ku filan Rabbigaa Hanuuniye iyo Hiilliye uu ahaado
32Oo kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxay yidhaahdaan: Maxaa Qur'aanka loogu soo dejin waayey mar keliya isagoo dhan”? Sidaasu16 (waxaa loogu soo dejiyey qaybqaybta), waa si aan ugu sugno laabtaada, oo waxaan isugu duwnay isku duwid fiican
33Oo ma jirto dood ay kuula iman doonaan, bal waxaan kuu keeni (mid) Xaq ah oo ka fasiraad wanaagsan
34(Ma xagga) kuwa laysugu soo kulim doona (iyagoo ku socda) wejiyadooda xagga Naarta, kuwaas baa ugu meel xun, oo ka sii lumid badan Jidka
35Oo xaqiiq waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) oo waxaan ka yeel- lay la jirkiis walaalkiis Haaruun caawiye
36Oo Waxaanu nidhi: Aada labaddiinnuba qoladaa beeniyey Aayadahayaga, markaasaan baabbi’innay (qolodii Fircoon) baabbi’in dhan
37Oo dadkii Nuux, markii ay beeniyeen Rusushii baan qarqinnay oo uga dhignay calaamo dadka. Oo Waxaanu u diyaarinnay cadaab daran gar ma qaatayaasha
38Oo (Sidoo kle) Caad iyo Thamuud iyo qoladii Ar-Rass17 iyo qaaruumo intaas u dhexeeya oo badan
39Oo mid walba waxaanu siinnay tusaalooyin, oo mid walba waxaan halaagnay halaag daran
40Oo xaqiiq waxay (wax badan) soo ag mareen magaaladii (Sodom) ee lagu rogay roobka xun. Ee miyaanay ku arag (indhahooda)? Mayee waxa aanay rajeyneyn in la soo bixin doono iyagoo nool dhimasho kaddib (oo la xisaabin)
41Oo markay ku arkaan kaama dhigtaan waxaan ahayn dheel-dheel (oo waxay yidhaahdaan): Ma kan baa kan uu Allaah u soo diray Rasuul uu ahaado
42Wuxuu ku dhowaaday inuu naga lumiyo ilaahyadayada, haddii aanan ku samir yeelanayn. Oo way ogaan doonaan marka ay arkaan cadaabta, waa kee kaa ka lunsan Jidka (Toosan)
43Miyaad aragtay kan isagu ka yeesha waxay naftiisa jeceshahay ilaahiisa? Ma waxaad haddaba adigu u noqon kartaa wakiil
44Mise waxaad mooddaa inay badankoodu wax maqlaan ama wax fahmaan? Ma ay aha waxaan aheyn xoolaha oo kale19, mayee way ka sii jid lunsan yihiin (oo ka sii liitaan)
45Miyaadan u fiirsan (farsamada) Rabbigaa, sida uu u fidiyo hooska? Oo haddii uu doono, wuxuu hubaal ka dhigi lahaa mid xasilan (taagan), markaasaan uga dhignay qorraxda tilmaan ay leedahay
46Markaasaan u soo qaadnaa xaggayaga qaadid aayar ah oo yar
47Oo (Alle) Isaga weeye Kan idiin ka dhigay habeenka hu22', hurdadana nasa- sho, oo wuxuu ka dhigay maalinta foof
48Oo Isaga weeye Kan soo dira dabay- laha bishaaro ahaan ka horreeya Raxmaddiisa (roobka), oo Waxaanu ka soo soo shubnaa xagga daruurta biyo daahir ah
49Si aan ugu nooleyno dhul dhintay, oo ugu waraabinno waxaan abuurnay oo duunyo iyo dad aad u badanba leh
50Oo waan u kala duwnay (badinnay) qaybinta (roobka ama biyaha) bal inay waansamaan24, wayse diideen dadku badankiisu waxaan aheyn gaalnimo
51Oo haddii aan doonno, waxaan xaqiiq u soo diri laheyn magaalo walba dige
52Ee ha adeecin gaalada, oo kula jihaad (Qur'aanka) jihaad aad u weyn
53Oo Isaga weeye (Allaah) Kan isku sii daayey labada badood, midda macaan ee lagu oon baxo , iyo midka kale ee milix jaan iyo qaraar ah ee milixeeda afka huriso, oo Wuxuu dhigay xayir iyo xijaab kala dhex yaal
54Oo Isaga weeye Kan ka abuuray dadka biyo, markaas u yeelay xigto iyo xididba. Oo (Alle) Rabbigaa waa Mid Wax Walba Kara
55Oo waxay caabudaan Allaah sokadi, waxaan wax tarin, waxna yeelin, oo gaalku mar waliba waa sheydaan kalkaal ka soo hor jeeda Rabbigi
56Oo kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn bishaareeye iyo inaad dige ahaato
57Dheh: “Idinkuma weydiisto wax ajar ah ( gaarsiinta Risaalada), waxaan ahayn in qofkii doona uu qaado jid xagga Rabbigi
58Oo isku hallee Noolaha (Daa’inka) ah aan dhiman, oo ku tasbiixso Ammaanahiisa, oo ku Filan Isagu inuu dambiyada addommahiisa u ahaado xog ogaal
59Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeyaba lix maalmood, markaas kor ahaaday Carshiga (si u qalanta). Naxariis Badanaha (Allaah). Ee wax ka weydii mid Xog ogaal ah
60Oo marka lagu yidhaahdo: “U sujuuda Raxmaanka. Waxay yidhaahdaan: Oo waa maxay Ar-Raxmaan? Ma waxaan u sujuudnaa waxaa aad adigu nagu amarto? Oo Wuxuu u kordhiyaa didmo
61Waxaa khayr iyo barako badan Kan u yeelay burjiyo samada, oo ka yeelay dhexdeeda nal (qorrax) iyo dayax ifiya
62Oo Isaga weeye (Allaah) Kan uga dhigay habeenka iyo maalinta is dhaaf, kan isagu raba inuu waano qaato ama raba inuu mahad naqo
63Oo Addoomaha Raxmaanku waa kuwa ku mara dhulka miyir26, oo markay maan-gaabyad kula hadlaan (ereyo xun) waxay yidhaahdaan oo ku qaabilaan hadal ka maran gef ama xumaan
64Waa kuwa ku dhaxa habeenkii iyagoo u sujuudsan Rabbigood iyo taagnaan
65Oo waa kuwa yidhaahda: Rabbiyow! Naga duw cadaabta Naarta, hubaal! Cadaabteedu waa wax joogta ah
66Hubaal waa hoy xun iyo meel baas ee la dego
67Oo waa kuwa marka ay wax bixiyaan aan xad-dhaafin ama aan masuugin, oo labadaas dhexdooda ku toosnaada
68Oo waa kuwa aan baryin ilaah kale la jirka Allaah, oo aan ku dilin nafta uu Allaah xarrimay waxaan ahayn gar, iyo (kuwa) aan gelin zino, oo qofkii falaa kani, wuxuu la kulmi doonaa eedsiin dambiguu galay ah
69Cadaabta waa loo laab laabi doonaa Maalinta Qiyaamaha, oo wuu ku dhex waari doonaa isagoo dulleysan
70Marka laga reebo kan isagu toobad keena ee rumeeya ee sama fala, haddaba kuwan weeye kuwa uu Allaah ugu beddeli doonaa xumaatadoodii xasanaad Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
71Oo mid kastoo toobad keena oo sama fala, wuxuu hubaal u soo laabtaa xagga Ilaahay laabasho wanaagsan
72Oo waa kuwa aan furin markhaati been ah, oo marka ay soo ag maraan wax uun hadal macno darro ah ku dhaafa sharaf
73Oo waa kuwa marka lagu waaniyo Aayadaha Rabbigood aan uga dhul dhicin dhega la’aan iyo indho la’aan
74Oo waa kuwa yidhaahda: Rabbiyow! Naga sii afooyinkayaga iyo ubadkayaga waxay indhaheenna ku farxaan28, oo nooga dhig kuwo ku dayasho san leh xagga kuwa iska jira (xumaha)
75Kuwani waxaa lagu abaal marin doonaa dabaqyo sare (jannada gudaheeda)29 sabarkoodii dartiis, oo waxay kala kulmi doonaan dhexdeeda salaan iyo soo dhoweyn sare
76Iyagoo ku dhex waaraya weligood, wanaagsanaa hoy iyo degmo ay ahaataa
77Ku dheh; “Rabbigay dan idiinma galeen haddii aydaan barideen30. Haatanse dhabtii waad beeniseen (Xaqa).Marka taa- si iyada ah (cadaabta) waxay ahaan doontaa mid idin heysata
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath