Islaamka
dib

23. Al-Mu'minuun

1Liibanayaal xaqiiq waa mu’miniinta

2Kuwa ku khushuuca salaadahooda

3Ee ka dhowrsada oo jeesada hadalka kiisa xun (sooma oo salaada)

4Ee ah kuwa bixiya sakada

5Ee ah kuwa ka ilaaliya xubnahooda hoose ee gaarka ah (galmo xaaraan ah)

6U taga uun (galmooda) afooyinkooda ama kuwa ay gacmahoodu midig hantaan1 markaa hubaal ma ah kuwo eed leh

7Kii kastoo se doona wax (galmo) intaas dhaafsiisan, haddaba waa kuwaas xad gudbayaasha

8Ee ah kuwaa ammaanooyinkooda iyo axdiyadooda dhowra

9Ee iyagu xafida salaadahooda

10Waa kuwan dhaxlayaasha

11Ee dhaxli doona Al-Firdaws (Jannada sare) way ku dhex waari doonaan

12Oo xaqiiq Waxaanu ka abuurnay Aadmiga wax laga soo soocay dhoobo

13Haddana Waxaan ka sameynay iniin yar ku sugan gunta meel aamin ah (riximka)

14Markaas waxaan ka dhignay iniintii xinjir, oo waxaan ka dhignay xinjirtii rudmo yar oo hilib ah, oo waxaan u sameynay cadkii hilibka lafo, oo waxaan huwinnay lafihii hilib, markaas waxaan ka unugnay abuur kale. Ee waxaa barako Badan Allaah, Kan u Wanaagsan abuurayaasha

15Oo hubaal intaas kaddib, xaqiiq idinku waa dhiman doontaan

16Markaa hubaal, idinku Maalinta Qiyaamaha waa la idin soo bixin doonaa

17Oo xaqiiq Waxaan yeelnay korkiinna toddoba samo, oo ma nahin marnaba kuwo moog waxa aan abuurnay

18Oo Waxaanu ka soo shubnay biyo xagga daruurta in qaddaran oo qiyaas ah, oo dhignay dhulka, oo hubaal waan Karnaa inaan la tagno

19Oo waxaan idiinku soo saarnay beero timir ah iyo canab oo aad ka heshaan midho badan oo aad wax ka cuntaan

20Iyo geed ka baxa Buurta Siinaay, oo u soo saarta saliid iyo koosaar (zaytuun) kuwaa cuna

21Oo hubaal waxaa idiinku sugan xoolaha xaqiiq cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxa ku jira uurarkooda, oo waxaa idiinku sugan, manaafacaad (kale) oo badan oo ay idiin leeyihiin, oo iyagana wax ayaad ka cuntaan

22Oo dushooda iyo doonyaha korkooda waa la idinku rar qaadaa

23Oo xaqiiq Waxaanu u dirnay Nuux dadkiisii, markaasuu wuxuu yidhi: Dadkeygiiyow! Caabuda Allaah. Ma lihidin ilaah (Xaq ah) aan Isaga aheyn, ee miyeydaan haddaba ka joogeyn (xumaha)

24Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwaasi xaqa diiday oo ka mid ah qolodiisii yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan ahayn qof idinla mid ah, oo raba inuu idin ka sare maro, oo haddii uu Allaah doono, wuxuu soo diri lahaa malaa’ig, ma aanu ka maqal waxakan oo kale aabbayaashayadii hore

25Wax kalena ma uu aha ee waa uun nin waalli qaba, ee u sabra in muddo ah

26Wuxuu yidhi: “Rabbiyow iiga gargaar beenintooda”

27Markaasaan u waxyoonnay (Annagoo leh): “Ku samee doonnida Indhahayaga hortood iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, ee markuu Amarkayagu yimaado, oo togga biyo soo fataho, ku qaad doonnida noole walba lammaanki (lab iyo dheddig) iyo intii ku raacday, aan ahayn kuwaa qowlka (in la halligayo) horay ugu dhacay oo ka mid ah iyaga, oo ha igala hadlin (arrinka) kuwaa gar ma qaatayaasha ah, hubaal waa kuwo la qarqin (hafin) doono

28Ee markaad ku dul fadhiisataan adiga iyo kuwaa ku wehliyaba doonnida, dheh: “Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee naga babaadiyey qoloda gar ma qaatayaasha ah

29Oo dheh: “Rabbiyow! I deji degmo barakaysan, Adigaa ugu wanaagsane inta wax dejisa”

30Hubaal, Arrinkani waxaa ku sugan calaamooyin oo Annagu Waxaanu nahay abad kuwa imtixaama (dadka)

31Markaasaan waxaan soo bixinnay iyaga kadambow fac kale

32Oo Waxaanu u soo dirnay dhexdood Rasuul4 (Nabi Huud) iyaga ka mid ah (oo amraya) Caabuda Allaah! Ma lihidin ilaah kale (Xaq ah) aan Isaga aheyn. Ee miyey- daan haddaba ka joogeyn (xumaha)

33Oo xildhibaannadii ka mid ahaa dadkiisa ee rumeyn diiday (Xaqa) ee beeniyey la kulanka Aakhirada, kuwaasoo aan siinnay wax badan si ay ugu raaxeystaan noloshan adduunka waxay yidhaahdeen: “Kanu ma aha waxaan ahayn qof idin la mid ah. cunaya wax ka mid ah waxa aad cuntaan, oo cabbaya wax ka mid ah waxa aad cabtaan

34“Oo haddii aad adeecdaan Aadmi idin la mid ah, markaa hubaal waxaad ahaaneysaan xaqiiq khasaara qabayaal

35“Ma wuxuu idiinku gooddiyaa in markaad dhimataan oo aad noqotaan ciid iyo lafo in markaa aad ahaan doontaan kuwo la soo bixiyo (nooleeyo mar kale)

36Waa wax fog, oo fog waxa la idiinku gooddiyey (oo aan dhici doonin)

37“Ma jirto (nolol) aan aheyn noloshayada adduunka! waan iska dhimannaa oo iska noolaannaa! Oo ma nala soo bixin doono (mar kale)

38“Ma aha waxaan ahayn nin ku been abuurtay Allaah, oo ma yeeleyno inaan rumeyno.”

39Wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar beenitooda

40(Allaah) wuxuu yidhi: In yar kaddib, waxay hubaal ahaan doonaan kuwo ka shallaaya (waxa ay leeyihiin)

41Markaasaa waxaa qabtay qarax si xaq ah, oo waxaan ka dhignay daad xoor. Ee meel daran ha ka dhaceen dadka ah gar ma qaatayaasha

42Markaa Waxaan soo saarnay iyaga kadambow facyo kale

43Ma jirto ummad ka soo hor mari karta ajasheeda, ama ka dib mari karta

44Markaas Waxaan soo dirnay Rusushayada oo is raacsan, mar kasta oo uu u yimaado ummad Rasuulkeedu waa ay beeniyaan, kolkaas baan ka yeellay qaarba inay raacaan qaar kale, oo ka dhignay wax lagu sheekeysto. Ee meel daran ha ka dhacaan qolodii (Xaqa) rumeysan diida

45Markaa Waxaan soo dirnay Muuse iyo walaalki Haaruun oo wata Aayadahayaga5 iyo Xujo Cad

46Xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, waxayse u dhaqmeen si isla weyni ah, oo waxay ahaayeen qolo isla sarreeya

47Markaasay waxay yidhaahdeen: “Ma waxaan rumeysan labo nin oo nala mid ah oo dadkoodu innaga noo adeegaaan.”

48Markaas bay beeniyeen oo ka mid noqdeen kuwii la rogay

49Oo xaqiiq waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) si ay u hanuunaan

50Oo Waxaan ka dhignay wiilkii Maryam iyo hooyadiis calaamad, oo waxaanu ka siinnay hoy meel sare oo sugnaansho iyo ilo biyo socda leh

51(idinka) Rususha ahow! Ka cuna cuntada inta xalaasha ah wanaagsan oo sama fala. Hubaal waan ogahay waxa aad fashaan

52Oo hubaal, Tani diintiinna ah ( Islaamka) waa diin mid keliya ah. oo Anigu waxaan ahay Rabbiigiin, ee dhowra (xilka aan idin saaray oo ka fogaada xumaha)

53Waxayse u kala goosgoosteen diintooda dhexdooda kooxo, koox walbaa waxa ay haystaan7 ay ku faraxsan yihiin

54Ee iskaga tag jahliga daran ay ku jiraan ilaa iyo muddo

55Ma waxay moodaan waxa aanu siinno ee maal iyo carruur ah

56Inaan ula soo dhaqsanno waxyaalaha wanaagsan? balse ma dareensana

57Hubaal, kuwa iyagu ay cabsida Rabbigood ku weyn tahay

58Ee iyagu ah kuwa rumeysan Aayadaha Rabbigood

59Ee ah kuwaa aan cid kale wax la wadaajin Rabbigood

60Ee ah kuwa bixiya waxa ay bixiyaan (oo sadaqo ah), iyagoo qalbiyadoodu baqo ka qabto9 (inaan laga aqbalin oo yaqiinsan) inay Rabbigood u soo noqon doonaan

61Kuwani weeye kuwa u degdega khayrka, ee iyagu u dheereeya

62Oo ma saarno nafna culeys aan aheyn karaankeeda, oo Waxaa agtannada ah Kitaab ku hadla xaq, iyagoo aan loo gefi doonin

63Mayee’ quluubtooda waxay kaga jiraan jahli daran kan (Qur’aankani), oo waxay leeyihiin acmaal (kale oo xun) oo kuwan u wehliya oo ay falaan

64Jeer marka aan ku qabbanno kuwooda ladan ee ka mid ah cadaab10, markaas bay calaacalaan

65Ha calaacalina maanta! Hubaal idinku xaggaygaga laydiin kama gargaaro’e

66Xaqiiq Aayadahaygii baa la idiin akhriyey, waxaadse ahaydeen kuwo dib ugu gurta cirbihiinna

67isla weyni darteed, hadal xun ka sheegaya11 (Qur’aanka) idinkoo ka tagaya sida kan ku caaweeya waxaan qiimo lahayn

68Miyaanay haddaba u fiirsan Qowlka, mise waxaa u yimid waxaan u iman aabbayaashoodii hore

69Mise waxaanay garan Rasuulkooda (Muxammad) sidaas darteed diidaan

70Mise waxay leeyihiin: “waalli buu qabaa?” mayee, wuxuu u keenay Xaq, oo badankoodu waxay diiddan yihiin Xaqa

71Oo haddii uu Xaqu raaci lahaa waxa (xun) ay iyagu rabaan, hubaal samooyinka iyo arlada iyo wax walba oo ku jiraaba way baabba’i lahaayeen. Mayee! waxaan u keennay xuskooda (Qur'aankan), ha yeeshee xuskooda way ka sii jeestaan

72Mise waxaad adigu weydiisataa kharash? Kharashka Rabbigaa baa se kheyr badan, oo waa Isaga kan u wanaagsan inta risiq bixisa

73Oo hubaal adigu waxaad xaqiiq ugu yeertaa Jid Toosan

74Oo hubaal kuwa aan rumeysneyn Aakhirada waa kuwo Jidka xaqiiq ka iisha

75Oo haddii aan u naxariisanno oo aan ka feydno waxa haya ee dhib ah, waxay weli ku sii adkeysan lahaayeen xad gudub- kooda, iyagoo indha la’aan ku wareegeysta

76Oo Waxaan horay ugu qabannay cadaab, umase ayan hoggaansamin Rabbigood, oo ma khushuucin nafahooda

77Ilaa, markaan ku furno irrid cadaab daran ah, markaas bay ku dhex quustaan

78Oo Isaga (Allaah) weeye Kan idiin unkay dhegaha iyo indhaha iyo laabaha; waa yar tahay inta aad shukri naqdaan

79Oo Isaga weeye Kan idinku fidiyey dhulka, oo Xaggiisa ayaa la idiin soo kulmin doonaa

80Oo Isaga weeye Kan baxsha nolol, ee sababa dhimasho, ee leh (maareynta) isdhaafka habeenka iyo maalinta; ee miyeydaan haddaba wax fahmeyn

81Mayee’ waxay yidhaahdaan wax la mid ah wixii ay dadkii hore yidhaahdeen

82Waxay yidhaahdaan: “Ma markii aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa markaa nala soo bixin doonaa

83“Xaqiiq, waa naloogu yaboohay waxakan, innaga iyo aabbayaashayadii horeba! Waxa kanina ma aha waxaan ahayn sheeko xariirtii dadkii hore

84Dheh “Yaa leh dhulka iyo waxa ku sugan, haddii aad garaneysaan?!’’

85Waxay odhan doonaan: "Allaah!” Dheh: “Ee Miyaydaan haddaba waansameyn

86Dheh: “Waa kuma Rabbiga samooyinka toddobada ah iyo Rabbiga Carshiga Weyn

87Waxay odhan doonaan: “Allaah.” Dheh: Ee miyeydaan iska jireyn cadaabtiisa

88Dheh: “Kuma bay Gacantiisa ku jiraan mulkiga wax walba ee Isagu wax u gargaara, Isagana aan waxba laga gargaarsan karin, haddii aad garanaysaan

89Waxay odhan doonaan: "Allaah". Dheh: “Haddaba xaggee baa la idiin sixray?”

90Balse waxaan u keennay Xaq, oo hubaal iyagu xaqiiq waa beenalayaal

91Marnaba Allaah ma yeelan wiil, oo marnaba ma ahaan la jirkiis ilaah (kale) - markaas wuxuu hubaal la tagi lahaa ilaah walba waxa uu abuuray, oo qaarkood waxay hubaal ka adkaan lahaayeen qaar kale. Ka hufan Allaah oo waa ka Sarreeyaa waxyaalaha ay tilmaamaan

92Waa ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqdaba! Ee Wuu ka sarreeyaa waxa ay la wadaajiyaan (cibaadada)

93Dheh: Rabbiyow! Haddii aad i tuseyso waxa loogu gooddiyo (cadaabta)

94Rabbiyow! Markaa ha iga mid dhigin dadka gar ma qaatayaasha ah.”

95Oo hubaal Annagu inaan ku tusno waxa aan ugu gooddinno xaqiiq waan Awoodnaa

96Ee ku tir xumaanta sida iyadu u wanaagsan, Annaga baa ogsoon waxa ay tilmaamaan

97Oo dheh: “Rabbiyow! Waxaan kaa magan galyo weydiistaa waswaasinta shaydaammada

98Oo waxaan kaa magan galyo weydiistaa Rabbiyow joogitaankooda

99Ilaa markay geeridu u timaaddo midkood, wuxuu yidhaahdaa; Rabbiyow! Dib ii celi

100Si aan ugu falo wanaag wixii aan ka soo tegay14. “May ma jirto! Waa uun kelmad uu isaga hadlo, oo waxa horti ah Barzakh (xayir)15 aan furmeyn ilaa Maalinta la soo bixin doono

101Ee marka la afuufo buunka, ma jiri doonto qaraabbannimo dhexdooda ah Maalintaas, waxnana isma weydiin doonaan

102Ee ma kan uu miisaanka camalladiisa wanaagsan culus yihiin, kuwan weeye kuwa ah liibaanayaasha

103Oo ma kan uu miisaanka camalladiisa wanaagsan ay khafiif yihiin _ kuwan weeye kuwa waayi doona nafahooda iyagoo Naarta ku dhex waari doona

104Naartu waxay diiran doontaa wajiyadooda, iyagoo dhexdeeda ku sugnaan balaayo aad u daran

105Sow Aayadahayga la idiin ma akhriyi jirin oo ma aydaan diidi jirin.?”

106Markaa waxay odhan doonaan: “Rabbiyow! Shaqaabadayadii baa naga adkaatay, oo waxaanu aheyn qolo habowsan

107Rabbiyow! Naga saar tani (Naarta); haddii aan mar kale u noqonno (xumaan), hubaal waxaanu nahay gar ma qaatayaal.”

108(Allaah) Wuxuu odhan doonaa: Ku dullooba dhexdeeda, oo ha ila hadlina

109Hubaal waxaa jiray qaar ka mid ah Addoomahayga oo odhan jiray: “Rabbiyow! waan Rumaysannahay ee noo dambi dhaaf, oo noo naxariiso, oo Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”

110Waxaadse ka dhigateen dheel-dheel ilaa, ay idin illawsiiyeen Xusuddeydii, oo waadba ku qosli jirteen

111Hubaal Waxaan ku abaal mariyey Maanta samirkoodii darteed, inay iyagu yihiin liibaanayaasha

112(Alle) wuxuu odhan doonaa: “Immisa sano baad joogteen arlada?”

113Waxay odhan doonaan: “Waxaan joognay maalin ama maalin gelinkeed. balse weydii kuwo tiro yaqaanka ah.”

114Wuxuu odhan: “Ma aydaan joogin adduunka in yar ma’ahee haddii aad ogaan lahaydeen

115Ma waxaad haddaba mooddaan inaan idiin abuurnay dheel, oo aan Xaggagayaga la idiin soo celineyn

116Ee waxaa Kor ah Allaah Boqorka Runta ah, ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, Rabbiga Carshiga Sharafta Badan

117Oo mid kastoo barya Allaah la jirkiis ilaah kale, uma heysto wax xujo ah arrinkani, xisaabintiisu waxay uun la jirtaa Rabbigi. Hubaal gaaladu ma liibaani doonaan

118Oo dheh: Rabbiyow! Dambi dhaaf oo Naxariiso, oo Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath