Islaamka
dib

21. Al-Anbiyaa

1(Waqtiga) xisaabintooda (Qiyaamaha) baa u soo dhowaada dadka halka iyagu ay dhoohnaan la sii jeedaan

2Ma jiro Xus ( Waxyi) uga yimaado isagoo cusub xagga Rabbbigood, bal waxay dhegaystaan iyagoo iska cayaaraya

3Oo qalbiyadoodu ka maan la' yihiin, oo kuwaa fala gefka (shirkiga iyo macaasida) waxay qariyaan wada hadalkooda sirta ah (iyagoo leh): Kani (Nabigan) ma wax aan ahayn baa qof idinka oo kale ah ? Ma waxaad aqabaleysaan sixir idinkoo arka

4Wuxuu (Nabigu s.c.w) yidhi: “Rabbigay baa ogsoon qowl1 (kasta) (oo lagaga hadlo) samooyinka dhexdooda iyo arladaba. Oo Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.”

5Bal waxay yidhaahdaan: “(Waxyigu wax kale maahee) waa hawaawi hadal hurdo! mayee isagaa hal abuuray! _mayee waa gabyaa! Ee ha noo keeno mucjiso la mid ah (mucjisidihii) lala soo diray (anbiyadii) hore

6Ma jirin magaalo aan halaagnay oo rumeysey iyaga hortood (inkastoo ay shaahideen calaamooyin iyo mucjisooyin) ee ma iyaga baa rumeyn doona

7Oo ma aanu soo dirin hortaa adiga (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn rag aan u waxyoonnay (dhambaalka), ee bal weydiiya ehlu dikirka (Kitaabka) haddii aydaan wax ogeyn

8Oo uma aan yeelin iyaga (anbiyada) jirar aan cunin cunto2 (sida malaa’igta), oo ma aheyn kuwo aan dhiman oo ku waara (arlada)

9Markaas, Waanu u rumaynay ballankaan u qaadnay oo waanu badbaadinnay iyaga iyo ciddii aan doonnay oo waxaanu hallignay xad gudbayaashii

10Waxaan xaqiiq idiin soo dejinnay (dadow) Kitaab (Qur’aan) idiinku sugan3 xuskiinna (sharaftiinna) Ee miyeydaan haddaba garasho lahayn

11Oo intee baan magaalo ay dadkeedu gef galeen baabi’innay4, oo aan soo saarnay iyaga kaddib qolo kale

12Markay dareemeen cadaabkayagii, mise waxay billaabeen inay ka cararaan

13Ha cararina (haatan), ee dib ugu soo laabta wixii la idiinku raaxeeyey iyo guryihiinna , si wax la idiin weydiiyo

14Waxay yidhaahdeen: (Alla) balo ha nagu dhacdee! Waxanynu ahayn gar diid

15Oo calaalcalkoodaas ma ay deyn ilaa aan dabar goynay, oo baqtiyeen (dambas noqdeen)

16Oo uma aan abuurin samada iyo arlada iyo waxa u dhexeeya dheel

17Haddii aan rabno inaan yeelanno madaddaallo6, waxaan hubaal ka yeelan lahayn Xaggayaga, haddii aan sidaas falayno

18Bal waxaan Xaqa ku gannaa baadilka, markaas buu madaxa kala jabiyaa, mise durba wuu baabba’aa; oo hoog baadna leedihiin beentaasi aad naga sheegtaan darteed

19Oo Wax kasta oo jira samooyinka iyo arlada Isagaa leh; oo kuwa agtiisa jooga ee u dhow (malaa’igta) iskama weyneeyaan cibaadadiisa, oo kama gaabshaan

20Waxay xurmo weyneeyaan oo nazahaan habeen iyo maalinba, oo kama daalaan

21Mise waxay yeesheen (si ay u caabudaan) ilaahyo dhulka jooga oo wax soo nooleeya

22Haddii ay ahaan lahaayeen dhexdooda (cirarka iyo dhulka) ilaahyo aan ahayn Allaah, xaqiiq way fasaadi lahaayeen. Wuu ka ceeb tiran yahay Allaah, Rabbiga Carshiga Weyn leh oo ka Sarreeyaa waxay u tiirshaan

23Lama weydiiyo waxa uu falo, halka iyaga la weydiin doono

24Mise waxay yeesheen Isaga sokadi ilaahyo (kale) ay la barbar caabudaan? Dheh: “Keena Xujadiinna. Kani waa Xuska kuwa ila jooga iyo Xuska kuwii iga horreeyay8. Bal badankoodu ma gartaan Xaqa, marka way ka sii jeestaan

25Oo ma aanu soo dirin hortaa Rasuulna oo aan u waxyoon (Annagoo leh), "ma jiro Ilaah (Xaq ah oo) aan Aniga ahayn, ee i caabuda (Aniga oo keliya).”

26Oo waxay yidhaahdaan: Raxmaanku wuxuu yeeshay ilmo. Subxaanah! Wuu ka ceeb tiran yahay, balse9 waa addoom la sharfay

27Kagama hormaraan hadal, oo amarkiisa uun bay iyagu ku camal falaan

28Wuxuu og yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah, oo uma shafeecaan mid uu isagu oggolaado maahee. Oo cabsidiisa bay la xurmo weeyaan

29Oo mid kastoo ka mid ah ee yidhaahda: “Waxaan anigu ahay Ilaah la jirkiis Isaga,” kaas oo kale waxaan ku abaal marin Naar. Sidaas oo kale baan ku abaal marinnaa gar ma qaatayaasha

30Oo miyaanay kuwa gaalooba arag in samooyinka iyo arladu ay ahaayeen mid isku dheggan oo aan kala bixinnay, oo Waxaan ka abuurnay biyo wax kasta oo nool. Ee miyaanay haddaba rumayn doonin

31Oo Waxaanu yeellay buuro adag dhulka gudahiisa si aanay ula dhaqdhaqaaqin, oo waxaanu yeellay dhexdeeda waddooyin ballaaran oo ay ku toosaan

32Oo Waxaanu ka dhignay samada saqaf ilaashan. Oo waliba iyagu waa ka jeesadaan calaamadaheeda

33Oo Waa Isaga Kan Abuuray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa, dhammaan (meertooyinka) ay si dhakhso badan ugu socdaan garangartooda

34Oo kama aanu yeelin qofna kaa horreeyey mid waara. Ee haddaba haddii aad adigu dhimato ma iyaga baa waari doona

35Naf walbaa waa tii dhadhamisa geeri, oo waxaanu idinku imtixaani doonnaa shar iyo khayrba kala saar darteed, oo Xaggayaga baa la idiin soo celin doonaa

36Oo marka ay kuwa rumeysan diida (Xaqa) ku arkaan, kaama dhigtaan waxaan ahayn dheeldheel (oo waxay yidhaahdaan):” Oo ma kan baa kan wax ka sheega ilaahyadiinna?” Halka iyagu ay diidaan xuska Allaha Raxmaanka ah

37Waxaa lagu abuuray aadmiga degdeg, waxaan haatan idin tusi doonaa calaamooyinkayga ee ha iga dalbina inaan idiin soo dedejiyo

38Oo waxay odhan: “Goorma bay gooddin- tani dhici doontaa haddii aad tihiin kuwo run sheegi?”

39Haddii ay kuwa rumeysan diida (Xaqa) uun ogaan lahaayeen (waqtiga) marka aanay kari doonin inay ka ceshaan Naarta wejiyadooda iyo dhabarradoodaba oo aan loo gargaari doonin (ma degdegsadeen Cadaabka)

40Bal, waxay ugu iman doontaa kedo, oo way jahawareerin doontaa, marka ma kari doonaan weecinteeda, loomana sugi doono

41Oo xaqiiq Rusul (badan) oo kaa horreeyey baa lagu jeesjeesay, markaasaa waxaa ku dhacay kuwii ka mid ahaa ee ku jeesjeesay wixii (cadaabka) ay dheel dheesha u heysteen

42Dheh: “Yaa idinka dhowra habeen iyo maalinba xagga Naxariistaha (Allaah)? Bal, waxay iyagu ka sii jeesadaan xusidda Rabbigood

43Mise waxay leeyihiin ilaahyo ka dhicin kara Ciqaabtayada? Ma lahaan doonaan awood ay ugu gargaaraan nafahooda, mana ahaan doonaan kuwo nalaga difaaco innaga

44Bal, waxaan u raaxaynay kuwani iyo aabbayaashoodba xitaa cimriga loo dheereeyey (markaasay wax is bideen)11 miyaanay haddaba arag inaan nimaanno arlada oo ka naaqusinno cirifyadiisa? Ee ma iyagaa haddaba adkaan doona

45Dheh waxaan uun idiinku digayaa waxyi (ka yimid Allaah). Oo kuwa dhegaha li’i ma ay maqlaan dhawaaqa mar kastoo iyaga loo digo

46Oo haddii hur ka mid ah cadaabta Rabbigaa uu taaban lahaa, waxay hubaal odhan doonaan: Balo ha nagu dhacdee! Waxaan hubaal ahayn gar ma qaatayaal

47Oo Waxaanu dhigi doonnaa miisaan caadil ah Maalinta Qiyaamaha, marka nafna loolama dhaqmi doono si gardarro ah in yarba ha ahaatee, oo haddii ay ku tahay wax le’eg iniinta sisinta (ama wax ka yar ama wax ka weyn) (weliba) waanu keeni doonnaa. Oo Annagaa ku filan inaan idin xisaabinno

48Oo xaqiiq waxaan siinaay Muuse iyo Haaruun Furqaanka (kala sooce samaanta iyo xumaanta), iyo iftiin iyo waano ay12 leeyihiin kuwa iska jira (xumaha)

49Kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba), oo iyagu13 aad uga cabsada Saacadda (Qiyaame)

50Oo kani (Qur'aanku) waa waano barakaysan aan soo waxyoonnay, ee miyaad haddaba diidi doontaan

51Oo xaqiiq waxaan siinnay goor hore Ibraahiim (saamigiisa) hanuunka,15 oo Waxaaanu u ogeyn si dhan oo wanaagsan

52Markii uu ku yidhi aabbihii iyo dadkiisii: “Waa maxay sanamyadan aad idinku dul fadhidaan (ee aad caabuddaan)?”

53Waxay yidhaahdeen: “Waxaan hellay aabbayaashayo oo caabudaya.”

54Wuxuu yidhi: “Xaqiiq waxaad idinka iyo aabbayaashiinba ku sugan tihiin habow caddaan ah?.”

55Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noo keentay xaq, mise adigu waxaad ka mid tahay ciyaartoyda?.”

56Wuxuu yidhi: Mayee’ Rabbigiin waa Rabbiga samooyinka iyo arlada ee ah Kan ifka u soo bixiyey, oo aniga waxaan ka mid ahay kuwa ka markhaati kaca arrinkani

57Oo Wallaahi, Waxaan hubaal u degi doonaa qorshe (tab) (si aan u baabbi’iyo) sannammadiinna marka aad tagtaan oo dhabarka jeedisaan16?”

58Markaas buu ka dhigay digada (dhammaantood) koodii u weynaa maahee, bal inay xaggiisa u soo noqdaan (oo ay weydiiyaan)

59Waxay yidhaahdeen: “Yaa ku falay sidan ilaahyadayada?, Kaasi hubaal waa mid ka mid ah kuwa gefa?”

60Waxay yidhaahdeen: Waxaan maqallay wiil hadal-haya oo la yidhaahdo Ibraahiim.”

61Waxay yidhaahdeen: “Haddaba keena oo soo hor joojiya dadka si ay ugu arkaan indhahooda bal inay ku markahaati furaan17?.”

62Waxay yidhaahdeen: “Ma adigaa kan si- daan ku falay ilaahyadayada, Ibraahiimow

63(Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Bal ’ waxaa falay (fale uun) kooda u weyn (sanamyada) waa kane, ee bal weydiiya haddii ay hadli karaan!”

64Markaas bay nafahoodii dib isugu noqdeen oo ay yidhaahdeen: “hubaal, idinka naf ahaantiinna baa ku jira gef.”

65Markaasaa laga yeelay inay madax hoos u rogtaan18 (oo yidhaahdeen): Waad ogsoon tahay inayan kuwakani hadlin

66(Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Ma waxaad haddaba caabuddaan Allaah sokadi waxaan waxba idin tarin waxbana idin yeelin

67“Uf baad leedihiin idinka iyo waxa aad caabuddaanba Allaah sokadi. Miyeydaan haddaba garasho lahayn?”

68Waxay yidhaahdeen: “Guba isaga oo u gargaara ilaahyadiinna, haddii aad (wax) falaysaan.”

69Waxaanu nidhi: Dabkow! U noqo qabow iyo nabad Ibrahiim!”

70Oo waxay la dooneen shirqool, ha yeeshee waxaan ka yeelnay iyaga kuwa ugu khasaaraha badan

71Oo Waxaan badbaadinnay isaga iyo Luudba (innagoo u wareejinnay xagga) arladii19 aan u barakaynay dadka oo dhan

72Oo Waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yacquub oo wiil wiilki ah, oo mid walbaa waxaan ka dhignay dhammaan kuwo wanaagsan

73Oo Waxaanu ka dhignay hoggaami- yeyaal ku hanuuniya (dadka) Amarkagaya, oo Waxaanu u waxyoonnay falidda khayraadka, iyo u oogidda salaadda si wanaagsan, iyo bixinta sakada, Oo waxay ahaayeen kuwo Annaga na caabuda

74Oo (ma) Luud, Waxaanu siinnay Xukun iyo cilmi, oo Waxaanu ka badbaadinnay magaaladii ahayd mid fasha xumaha20. Hubaal waxay ahaayeen qolo xun oo caasiyaal ah

75Oo Waxaanu dhex gelinnay Naxariistayada, hubaal wuxuu (Luud) ka mid ahaa inta wanaagsan

76Oo Nuux, waa tii uu noo dhawaaqday kol hore21. Markaasaan ka ajiibnay bariyadii, oo ka samatabixinnay isaga iyo intii raacday musiibadii weyneyd (hafintii dadkiisii)

77Oo Waan uga gargaannay dadkii beeniyey Aayadahayaga, hubaal, waxay ahaayeen dad xun, mrkaasaan hafinnay dhammaantood

78Oo Daawuud iyo Sulaymaan, markii ay ka garsooreen arrinkii beerta markuu daaqay adhi dad leeyihiin, oo Waxaanu ka aheyn garsoorkoodii goob joog

79Markaasaan fahansiinnay Sulaymaan, mid walbana oo ka mid ah waxaan siinnay xukun iyo cilmi, oo Waxaan ka yeelnay buuraha iyo shimbiraha inay Daawuud la qaadaan Alle amaanka. Oo Waa Annaga kuwa falay22 (waxaasi oo idil)

80Oo Waxaanu barnay isaga sameynta jaakado bir ah aad leedihiin idinka si ay idiinka dhowrto dhibaatada dagaalkiinna. Ee ma tihiin haddaba kuwa shurkri naqaya

81Oo (waxaan u sakhirnay) Sulaymaan dabaysha sida xoogga leh u socota, ee ugu ordeysa si xowli ah amarkiisa xagga dhulkii aan barakaynay. Oo Waxaanu nahay kuwo wax walba Ogsoon

82Oo waxaa ka mid ahaa Shaydaammada (dadka iyo jinkaba leh) kuwo u quusa (badda), oo u fala camallo kale oo taa barbarkeed ah: Oo Waa Annaga kuwa dhowrayey

83Oo Ayyuub, waa tii uu u dhawaaqday Rabbigi (isagoo leh): Dhibaataa igu dhacday, oo Adigu waxaad tahay Kan ugu Naxariista Badan inta naxariista.”

84Markaasaan ajiibnay, oo Waxaan ka feydnay dhibtii haysey, oo waxaan siinnay ehelkiisii (uu waayey), iyo in le’eg oo wehlisa,_ Naxariis Xaggayaga ah, iyo xusuus ay u ahaato kuwa na caabuda

85Oo Ismaaciil, iyo Idriis, iyo Dul- Kifil, giddigood waxay ka mid ahaayeen kuwa samir yeesha

86Oo Waxaanu dhex gelinnay Naxariistayada. Hubaal waxay ka mid ahaayeen inta wanaagsan

87Oo (xus) saaxiibkii nibirigu (Yuunus) waa tii uu tegay isagoo (u) cadheysan (dadkii loo diray) 24, oo wuxuu mooday inaanan ku ciriiryi doonin (caloosha nibriga ama aan qabanayn)25! Markaasuu ka dhawaaqay mugdiyada dhexdooda26 (isagoo leh): Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Adiga aheyn. Adigaa Ceeb tiran, hubaal waxaan anigu ka mid ahay geflowyada

88Markaasaan ajiibnnay baryadiisii, oo ka badbaadinnay murugadii. Oo sidaas oo kale baan u badbaadinnaa mu’miniinta

89Oo Sakariya, markii uu u dhawaaqday Rabbigi (isagoo leh):” Rabbiyow! ha igu dhaafin keli, Oo Adigaa u Kheyr roon dhaxlayaasha.”

90Markaasaan ajiibnay baryadiisii, oo siinnay Yaxyaa, oo u hagaajinnay xaaskiisii. hubaal, waxay iskula tartami jireen sama falka oo noo baryi jireen si rajo iyo cabsiba leh, oo waxay ahaayeen kuwo noo nugul (oo kal san)

91Iyo tii xafidday jirkeeda (Maryam), markaasaan ku afuufnay (jeebka canbuurkeeda ama maradeeda) Annagoo u xil saarnay (afuufidda) Ruuxayaga (Jibriil), Oo Waxaan uga dhignay iyada iyo wiilkeedii (Ciise) calaamo caalamka

92Hubaal, diintiinnani (Islaamka) waa diin mid ah27, Oo Anigu waxaan ahay Rabbigiin, ee i caabuda ( Aniga oo keliya)

93Waxayse u kala goosgoosteen diintoodii (kooxo) dhexdooda28. Xaggayaga bay giddi u soo wada noqon doonaan

94Ee mid kastoo samo fala isagoo mu’miin ah, lama burin doono ajarka dadaalkiisa. Oo hubaal Waan u qoreynaa

95Oo Waa wax saaran magaalo kasta aan halaagno inayan dib u soo laaban doonin

96Xitaa marka Yuug iyo Yamaayuug laga soo furo (moos xirkii), oo waxay ka soo dhici doonaan taag walba si degdeg ah

97Oo Yabooha Xaqa ah wuu soo dhowaan doonaa. Mise markaa, waxaad arki doontaa indhaha kuwii Xaqa diiday oo dhaygagsan. (Waxay odhan doonaan)” Alla balo ha nagu dhacdee! Hubaal waxaan aheyn kuwo kaga sugan dhoohnaan waxakani;bal waxaanu aheyn kuwo gefsan

98Hubaal Idinka iyo waxa aad caabuddaanba Allaah sokadi, waxaad ahaan doontaan shidaalka Naarta, xaggeeda baad idinku geli doontaan

99Haddii ay kuwakani ahaan lahaayeen ilaahyo ma ay galeen halkaa (Naarta), oo kulligood waa ay ku waari doonaan

100Waxay ku leeyihiin gudaheeda cartan iyo hiinraag, oo waxna gudaheeda kuma maqlaan

101Hubaal, (ma) kuwa ay hor u martay xaggayaga wanaagga, kuwaasu xaggeeda waa laga fogeyn doonaa

102Ma maqli doonaan shanqarteeda, iyagoo ku dhex waari doona wixii ay nafahooda rabaan

103Argagaxa weyn (ee Maalinta Qiyaamaha) ma murugo gelin doono, oo malaa’iguhu waxay ku soo dhoweyn doonaan (salaan iyagoo ku leh): Kani waa Maalinkiinnii la idin yaboohay

104Maalinta aan u duubi doonno samada sida loo duubo waraaqaha waxa lagu qoro, sida aan u billownay abuuriddii hore, baan ku soo celin doonnaa, (waa) ballan aan qaadnay oo na saaran, hubaal waanu fali doonnaa

105Oo xaqiiq Waxaan ku qornay Zabuurka30 (kutubta Ilaahay) kaddib (markii aan horay ugu ) xusnay Dikirka31, in arlada (Jannada) ay dhaxli doonaan addoomahyaga wanaagsan

106Hubaal, Kan gudahiisa waxaa ugu sugan Gaarsiin cad qolo na caabudda

107Oo kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn Naxariis aad u ahaato caalamka

108Dheh: Waxaa uun la ii waxyooday inuu Ilaahiinnu yahay ilaah Keliya, ee ma u hoggaansami doontaanaan?”

109Haddiise ay jeesadaan, ku dheh waxaan idin siiyey digniin cad ee xaq ah. Oo ma ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay ama fog yahay.”

110Hubaal Wuxuu Isagu og yahay hadalka kii kor loo qaado, oo wuxuu Og yahay waxa aad qarisaanba

111Oo ma ogi, waa intaaso ay idiin tahay fidmo (imtixaan dib u dhigidda ciqaabtu) iyo raaxo ku eg ilaa muddo

112Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ku xukun xaq. Oo Rabbigayo waa Raxmaanka ee laga kaalmaysto waxa aad sheegtaan

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath