19. Maryam
1Kaaf. Haa.Yaa. Cayn. Saad
2Xusid wax ka mid ah Naxariista Rabbigaa uu u galay addoonkiisii Sakariya
3Markii uu u dhawaaqday Rabbigi dhawaaq qarsoodi ah (Alle baryey)
4Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, xaqiiq lafahaygii way daciifeen filweyni darteed, oo madaxeygu wuxuu la wada huray (caddaaday) cirro, oo marnaba ma ahi baryadayda aan ku baryo Rabbiow mid ku qada
5Oo dhabtii Waxaan ka cabsi qabaa xigtada iga dambeysa, oo marwadeydu waa ma dhaleys3. Ee iga sii Xaggaaga waraso
6I dhaxla4, oo wax ka dhaxla reer Yacquub oo ka dhig Rabbiyow mid aad kuu raalli geliya
7(Waxaa lagu yidhi): “Sakariyow! Dhabtii Waxaannu kuugu bishaaaraynaynaa wiil magaciisu ahaan Yaxyaa. ma aanu u yeelin cidna hortaa magacaan
8Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, sidee baan u yeelan wiil iyadoo haweenteydu tahay ma dhalays, oo anigu waxaa gaaray gabow aad u weyn
9(Malaggii) baa yidhi: Sidaas (bay ahaan). Rabbigaa wuxuu leeyahay5: Waa ii fududahay. Waayo, waxaan ku abuuray kolkiiba horeba adigoo aan waxba ahayn
10(Zakariya) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii yeel calaamo.” Wuxuu yidhi: “Calaama- ddaadu waa inaadan la hadli doonin dadka saddex habeen adigoo fayow.”
11Markaas buu uga soo baxay qolodiisii qolkii salaadda, oo u tilmaamay inay (Alle) xurmo weynaayaan oo nazahaan subax iyo galabba
12(Allaah Wuxuu yidhi): “Yaxyow! Ku qaado Kitaabka (Towraadda) go’aan adag.” Oo Waxaanu siinnay xukun isagoo kuray yar ah
13iyo gacaltooyo Xaggayaga ah iyo daahir ahaansho, wuxuuna ahaa mid ka cabsada Ilaahay oo ka dhowrsada xumaha
14Oo baarri u ah waalidkiis, oo ma aheyn macangag, caasi ah madax adag
15Oo nabad korkiisa ha ahaato maalintii u dhashay, iyo maalinta uu dhiman iyo maalinta la soo bixin doono isagoo nool
16Oo ku xus Kitaabka (qisadii) Maryam, markii ay uga fogaatay ehelkeeda meel dhanka Bariga ah
17Oo waxay ka samaysatay iyadoo cid la’ uga baxday daah (ay iskaga asturto); Markaas baan u soo dirnay Malaggayaga (Jabriil), oo isaga soo dhigay iyada qof Aadmi ah oo isku dhan
18Waxay tidhi: Hubaal anigu Waxaan kaa magan galyo weydiistey Naxariistaha (ee i dhaaf,) haddii aad ka cabsato Ilaahay
19Wuxuu yidhi: Anigu Waxaan ahay uun Rasuulka Rabbigaa si aan (kuu ogeysiiyo) deeqda wiil daahir ah
20Waxay tidhi: “Oo sidee baan u yeelan karaa wiil, anigoo uusan nin i taaban, anna ma ahi mid aan dhowrsanayn?”
21Wuxuu yidhi: “Sidaas weeyee, Rabbigaa Wuxuu leeyahay:” waa ii fududdahay, oo waxaan uga dhigi doonaa calaamad dadka iyo naxariiis Xaggayaga ah, waana arrin (horay) loo qaddaray
22Markaas bay uurkiisa qaadday, oo waxay ula durugtay meel fog
23Oo xanuunkii foosha baa keenay geed timir ah jiriddiisa. Waxay tidhi: “Alla haddii aan dhiman lahaa waxaan ka hor, oo aan ahaan lahaa mid la waayey araggeeda, la halmaamo”
24Markaas buu uga dhawaaqay6 meel ka hooseysa: “Ha murugoon! Rabbigaa Wuxuu yeelay hoostaada biyo durdur ah
25Oo u soo rux-rux xaggaaga jirridda geedka timirta, wuxuu kuu soo daadin timir cusub oo bisil
26Ee cun oo cab oo il qabowso, haddiina aad aragtid cid uun dadka ka mid ah, dheh: dhabtii Waxaan anigu u nidray Naxariistaha soon (af qabsi), marka lama hadli doono maanta cidna aadmi ah.”
27Markaas bay u keentay dadkeedii, iyadoo xambaarsan. Waxay yidhaahdeen: “Maryameey, Waxaad dhabtii fashay wax (aan la maqal) oo weyn oo yaab leh
28Haaruun Walaashiiseey, aabbahaa ma ahayn nin xun, oo ma ahayn hooyadaa haweeney aan dhowrsaneyn.”
29Markaas bay u tilmaantay xaggiisa. Waxay yidhaahdeen, “Sidee baan ula hadli kareynaa mid dhabta lagu hayoo ilmo yaroo dhashay ah
30(Ciise) wuxuu yidhi: "Hubaal Anigu waxaan ahay addoon Ilaahay, wuxuu i siin Kitaab (Injiilka) oo uu iga dhigi Nabi;”
31Oo Wuxuu iga dhigay mid barakaysan meel aan joogaba, oo I faray inaan oogo salaadda iyo Zakada inta aan noolahay.”
32Iyo inaan baarri u ahaado hooyaday, oo igama dhigin macangag khayr daran
33Nabadi ha ahaato korkayga maalintii aan dhashay iyo maalinta aan dhiman iyo maalinta la i soo bixin doono anigoo nool”
34Kaasi waa Ciise ina Maryam, Qowlka Xaqa ah oo ay ka qabaan doodda
35Kuma habboona Allaah inuu yeesho wiil. Subxaanah (wuu ka ceeb tiran yahay). marka uu arrin gooyo, wuxuu uun ku yidhaahdaa “Ahaw!” waanu uu yahay
36(Ciisaa wuxuu yidhi): “Oo Xaqiiq! Allaah waa Rabbigay iyo Rabbigiinba. Ee caabuda Isaga Keliya, kan baa ah Jid Toosan
37Markaas bay xisbiyadii dhexdooda iska khilaafeen (xagga Ciise), ee hoog bay leeyihiin kuwa gaaloobay ka soo gaari doona Maalin aad u murugo weyn
38Maxay si cad iyagu wax u maqli doonaan oo arki doonaan Maalinta la keeni doono hortayada! Laakiinse geflowyada maanta waxay ku sugan yihiin habow muuqda
39Oo uga dig Maalinta qoomamada, marka arrinka la goyn doono, haddase dhoohnaan baa heysa, oo ma ba ay rumeysna
40Hubaal, Waa Annaga kuwa dhaxli doonnaa arlada iyo waxa korkeeda joogaba. Oo Xaggayga baa loo soo celin doonaa
41Oo ku xus Kitaabka (Qisadii) Ibraahiim. Xaqiiq! Wuxuu ahaa runlow, Nabi ah
42(Xus) markii uu ku yidhi aabbihiis: “Aabbow! Maxaad u caabuddaa waxaa aan waxba maqlin, oo waxna arkin oo aan waxba ku tari doonin
43Aabbow! Xaqiiq! Waxaa ii yimid wax ka mid ah cilmi aan kuu imaan. Ee i raac waxaan kugu hanuunin Jid Toosan
44Aabbow! Ha caabudin (ha adeecin) shaydaan. Xaqiiq, Shaydaanku waa mid abad Raxmaanka ku caasi ah
45Aabbow! Anigu waxaan ka cabsi qabaa inuu kaa taabto cadaab xagga Raxmaanka, markaas aad u noqoto shaydaanka saaxiib (naarta gudaheeda)
46Wuxuu (aabbihii) yidhi:“Ma waxaad adi- gu dan ka lahayn ilaahyadayada, Ibraahii- mow? Haddii aad ka harin (waxakani), hubaashii waan ku dhagaxyeyn. Ee bal iga dheerow muddo dheer
47Ibraahiim wuxuu yidhi: “Nabad korkaada ha ahaato! Waxaan kaaga baryi doonaa dambi Dhaaf Rabbigay. Xaqiiq! waa Mid abad ii Roonaan Badan
48Oo waan idinka fogaan idinka iyo waxa aad baridaanba Allaah sokadi. Oo waxaan baryi doonaa Rabbigay (Allaah Keliya); Waxaana rajeyn inaanan noqon mid baryda Rabbigay ku hungooba”
49Haddaba markii uu ka fogaaday iyaga iyo waxa ay caabudayeenba Allaah sokadi, waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana (oo ka mid ah) Waxaan ka dhignay Nabi
50Oo Waxaanu siinnay wax ka mid ah Naxariistayada, oo waxaanu u yeelnay xus (sharaf) meeqaan sare ah
51Oo ku xus Ktiaabka Muusaa. Xaqiiq Wuxuu ahaa xul la doortay oo wuxuu ahaa Rasuul Nabi ah
52Oo Waxaan uga dhawaaqnay dhinaca Buurta midigta ah8, oo soo dhoweynay innagoo la faqeyna
53Oo Waxaanu ugu hibaynay Naxariistayada walaalkii Haaruun Nabi ahaan
54Oo ku xus Kitaabka Ismaaciil. Wuxuu ahaa mid ka dhabeeya oo oofiya ballanka uu galo, oo wuxuu ahaa Rasuul Nabi ah
55Oo wuxuu amri jiray ehelkiisa Salaad iyo Sako, oo wuxuu ahaa mid Rabbigiis Raalli ka yahay
56Oo ku xus Kitaabka Idriis. Xaqiiq Wuxuu ahaa run badane Nabi ah
57Oo Waxaanu kor ugu qaadnay meel aad u sarreysa
58Kuwaasu waxay ahaayeen kuwii uu Allaah u nicmeeyey ka mid ah Nabiyadii, ka mid ah durriyadii Aadam, iyo kuwii aan kula qaadnay (Doonnida) Nuux, iyo kuwo ka mid ah durriyadii Ibraahiim iyo Israa’iil (Yacquub)_iyo kuwo ka mid ah kuwii aan hanuuninnay oo doorannay. Marka kuwaasi Aayadka Raxmaanka loo akhriyo, waxay ula dhaceen dhulka sujuud iyo oohin
59Waxaase yimid iyaga ka dambow haraa (facyo dambe) ee dayacay salaadda oo raacay waxay naftu jecleysato; marka waxay la kulmi doonaan hoog
60Marka laga reebo kan toobad keena, ee isagu rumeysan (Xaqa), ee sama fala . Kuwaasu waxay geli doonaan Jannada, iyagoo aan waxba laga dhimeyn
61Beero nagaya oo uu Naxariistaha ugu yaboohay addoomahiisa Ghaybka (iyagoon arag). Xaqiiq ,Yaboohiisu waa kii yimaada
62Kuma ay maqli doonaan gudaheeda wax Hadal xun ah, waa uun Salaamo (is nabaadin). Oo Waxay lahaan doonaan risiqooda gudaheeda subax iyo galabba (macnaha kala go' la'aan)
63Taasu waa Jannada aan dhaxalsiin doonno addoomahayaga kooda ka dhowrsada xumaha
64(Jabriil wuxuu yidhi) oo Annagu (malaa’igta ah) kuma soo degno waxaan ahayn Amarka Rabbigaa10. Isaga baa leh waxa hortayada ah iyo waxa gadaashayada ah iyo waxa labadaa u dhexeeyaba, oo marnaba ma aha Rabbigaa mid wax halmaama
65Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, ee caabud oo u samir yeelo cibaadadii. Miyaad garan wax la mid ah
66Oo Aadmigu (kan gaalka ahi) wuxuu yidhaahdaa: “Ma markii aan dhinto, miyaa la I soo bixin doonaa anigoo nool?”
67Mawuusan Aadmigu xusuusnayn inaan abuurnay kal hore isagoo aan waxba ahayn
68Ee Rabbigaa baan ku dhaartaye, hubaal waanu soo kulmin doonnaa iyaga iyo shaydaammadaba, markaasaa waxaanu keeni doonnaa hareeraha jahannama iyagoo jilba joogsan
69Markaas waxaan hubaal ka soo siibi doonnaa shiico walba kuwooda ugu dar-darnaa xagga Raxmaanka
70Oo hubaal waa Annaga kuwa dhab u ogsoon kuwa u sii mudan Naarta geliddeeda
71Oo ma jiro mid idinka mid ah oo aan dul mari doonin (Naarta) korkeeda; kani waa Guddoon Rabbigaa waajib ah xukman
72Markaas waxaanu badbaadin doonnaa kuwii iska jiray (xumaha). Oo uga tegi doonnaa gar ma qaatayaasha dhexdeeda iyagoo ku jilbo joogsan
73Oo marka Aayadahayaga loo akhriyo xujooyin cad ahaan, waxay kuwa gaalooba ku yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeysan, “Midkee baa labadaya qolo degmo wanaagsan oo joog fiican
74Intee baana fac halaagnay hortood, oo ka hanti, alaab iyo arag wanaagsanaa
75Dheh, "kii ku jira habow, haddaba Raxmaanku ha u fidiyo waxa uu heysto fidin (maalka iyo waqtiga) , jeer marka ay arkaan wixii loo ballan qaaday, oo ah ama cadaab (adduunka) ah ama Saacadda (Qiyaamaha), _way ogaan doonaan kii ugu xun degmo ahaan oo liita ciidan ahaan
76Oo Allaah wuxuu u kordhiyaa kuwa hanuunay hanuun. Oo camallada wanaagsan ee baaqiga ah baa khayr roon Rabbigaa agtiis oo leh aayo wanaagsan
77Ee Ma aragtay kan ku gaaloobay Aayadahayaga ee yidhi: Waxaa hubaal la i siin doonaa (Aakhiro) maal iyo carruur12.”
78Ma wuxuu daalacday cilmi Ghaybka mise Raxmaanka buu ka helay ballan
79Mayee’ waanu qori doonnaa waxa uu yidhaahdo, oo waan u kordhin doonnaa cadaabka oo u fidin doonnaa fidin
80Oo Waxaan ka dhaxli doonnaa waxa uu ka hadlo oo dhan oo wuxuu noo iman doonaa isagoo keli ah
81Oo waxay yeeshaan Allaah sokadi ilaahyo (baadil ah), si ay u siiyaan ciso
82Mayee’ iyagu (ilaahyadaa) waaba ay dafiri doonaan cibaadadoodii, oo way ka soo hor jeesan doonaan col ahaan (Maalinta Qiyaamaha)
83Miyaadan arag inaan ku soo dirnay shayaadiinta gaalada iyagoo geliya (xumaan) gelin (joogto ah)
84Ee ha u samir waayin, waxaan uun u tirinaynaa tiro13 (maalmo go’an)
85Maalinta aan u soo gelbin doonno kuwa iska jira (xumaha) xagga Raxmaanka iyagoo wafdi (sharaf leh) ah
86Oo aan u soo kaxeyn doonno dambiilayaasha Naarta iyagoo la asqoobay harraad
87Oo cidina uma lahaan doonto (awood) shafeeco, mid maahee isagu ka yeesha Raxmaanka agtiisa ballan
88Oo waxay yidhaahdaan: Raxamaanku wuxuu yeeshay wiil
89Waxaad fasheen (oo ku hadasheen ) wax aad u fool xun
90Samooyinka ay ku sigtaan inay la dildillaacaan, oo uu dhulkuna kala jeexmo, oo ay buuruhuna isku dumaan
91Inay ku sheegaan Raxmaanka inuu leeyahay wiil
92Oo kuma habboona Raxmaanka inuu yeesho wiil
93Ma jiro wax ku sugan samooyinka iyo arlada bal wuxuu u imaan Raxmaanka isagoo addoon ah
94Dhab ahaan waa uu koobay oo tiriyey dhamamaan tirin dhan
95Ooo Qof walbaa dhammaantood wuxuu u iman doonaa Maalinta Qiyaamaha isagoo keli ah
96Xaqiiq, Kuwa (Xaqa) rumeysan ee samaha fala, Raxmaanku wuxuu u yeeli doonaa kalgacayl (qalbiyada mu’miniinta)
97Ee (Muxammadow) waxaan uun ugu yeelnay (Qur’aanka) wax u fudud carrabkaaga si aad ugu bishaareyso kuwa iska jira (xumaha), oo aad ugu digto qolo muran badan
98Oo intee baan halaagnay hortood ummad, ma ka aragtaa qof keliya oo ka mid ah iyaga mase ka maqashaa xaggooda in yar oo shanqar ah
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath