Islaamka
dib

18. Al-Kahf

1Ammaan (oo idil) iyo mahdinba waxaa mudan Allaah ee ku soo dejiyey Kitaabka addoonkiisa (Nabi Muxammad) oo aan u yeelin wax qallooc ah

2Ee hanuunka leh, si uu uga digo cadaab daran oo ka soo fuli doonta Xaggiisa, oo ugu bishaareeyo mu'miniinta samaha fala inay mudan doonaan Abaalgud aad u Wanaagsan (Janno)

3Ay ku negaadi doonaan weligood

4Oo u digo kuwaa yidhaahda: Allaah Wuxuu yeeshay wiil (ama ilmo)

5Uma laha wax cilmi ah iyaga iyo aabbayaashood midna, fool xumo weynaa ereygaa ka soo baxa afafkooda; kuma hadlaan waxaan been ahayn

6Marka waa intaastoo aad ku disho naftaada hammi, adigoo ka xun ciribtooda, haddii aysan hadalkaan rumaysan

7Hubaal Waxaan ka dhignay waxa kor yaal arlada qurux lagu qurxiyey, si aanu u imtixaanno kee baa ugu camal wanaagsan

8Oo hubaal Waxaanu ka yeelli doonnaa dhammaan waxa korkeeda ah ban gabiib ah oo engagan

9Mise, ma waxaad mooddaa in (dhacdadii) qolodii hogga iyo looxa (ay ku qornaayeen magacayadoodu)3 ay yihiin ku- wa calaamooyinkayaga ugu yaabka badan

10Markii ay dhallintu u hoydeen hogga, waxay yidhaahdeen: Rabbiyow naga sii Xaggaaga Naxariis, oo nooga dhig arrinkayaga wax hagaagsan oo hanuun leh

11Markaas baan ka dhowrnay inay (shanqar) maqlaan (oo ku sii deynay hurdo) hogga dhexdiisa tiro sanooyin ah

12Oo haddana waan ka soo kicinnay si aan u ogaanno kee baa labada kooxood dhab u garan karay inay tiro koobaan muddada ay ku negaadeen

13Annaga baa ku soo tebineyna qisadooda oo xaq ah: hubaal waxay ahaayeen dhallinyaro rumeysay Rabbi- good oo aanu u kordhinnay hanuun

14Oo Waxaanu ku xoojinnay quluubtooda5 samir (iyo iimaan), markay kor u istaageen6, oo yidhaahdeen: Rabbigayo waa Rabbiga samooyinka iyo arlada, weligayo ma baryeyno ilaah kale aan Isaga ahayn, haddii kale waxaan dhab ahaan markaas ku hadallay wax xadgudub ah

15Kuwaanu qolodayada ah waxay yeesheen Isaga sokadi ilaahyo ay caabudaan. Maxay u keeni waaayeen xujo cad oo u daliil ah? Ee yaa ka gardarro badan kan ka been sheega Allaah

16Oo marka aad ka fogaataan iyo waxa ay caabudaanba Allaah maahee, ka doonta meel aad gabbaad ka dhigataan Hogga, Rabbigiin wuxuu wax idiinka fidin doonaa si waasic ah Naxariistiisa, oo idinka siin arrinkiinaan waxaad ku degtaan

17Oo Waad arki kartay qorraxda markii ay soo baxday, uga iilaneysa Hoggooda xagga midig, oo markii ay dhacdo ka goyneysa gadaal xagga bidix iyagoo ku sugan meel ballaaran oo hogga bartanki ah. Arrinkani (waa mid) ka mid ah calaamooyinka Ilaahay. Mid kastoo uu Allaah hanuuniyo baa isagu hanuunsan, oo mid kastoo uu sababaa inuu lumo, uma heli doontid isaga wax gacal ah oo hanuunsha

18Oo waxaad u malayn laheyd kuwa soo jeeda iyagoo jiifay7, oo waxaan u geddinaynay kolna dhinaca midig, kolna dhinaca bidix, halka eygoodu (dhabbacnaa) isagoo ku fidinaya labadiisa addimood ee hore irridka laga soo galo; haddii aad eegi lahayd xaggooda, hubaal waad iska soo geddiyi lahayd adigoo baxsad ah, oo waxaa hubaal kaa buuxsami lahaa baqdin iyagaa xaggooda

19Sidaas baan u soo kicinnay si ay bal isu weydiiyaan dhexdooda. Midkood hadlay baa yidhi: Immisa baad joogteen (halkan)? Waxay yidhaahdeen: Waxaan joognay maalin ama maalin galinkeed. (kuwo kale) waxay yidhaahdeen: Rabbigiin baa dhab u ogsoon inta aad joogteen. Ee haatan ula dira midkiin lacagtani fiddada ah aad leedihiin xagga magaalada, oo ha fiiriyo meesha ugu cunto daahirsan, oo ha idiinka keeno risiq ka mid ah, oo ha u dhaqmo si feejignaan leh, oo yey cidina idin ogaan

20Maxaa yeelay haddii ay idinka awood badshaan waa idin dhagaxyeynayaan tan iyo dhimasho ama idinku qasbayaan inaad u soo laabataan diintooda, markaasna marnaba ma liibaani doontaan

21Oo sidaas baan uga yeellay8 (dadka) inay ka war helaan arrinkooda, si ay u ogaadaan in uu Ballanka Ilaahay run yahay iyo in Saacadda (Qiyaame) aan shaki ku jirin9. Waa tii ay dhexdooda kaga murmeen xaalkooda, waxay yidhaahdeen: Ka dul dhisa dhismo10; Rabbigood baa aad u ogsoon iyaga. Kuwii ku lib helay arrinkooda waxay yidhaahdeen: Waxaan hubaal ka dhisi doonnaa masjid halkoodii

22(Qaar) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) saddex oo waxaa afareeyey eygoodii, (qaar kalena) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) shan oo waxaa lixeeyey eygoodii; iyagoo iska mala awaalaya wax ka qarsoonaa; (weliba qaar kale) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) toddoba oo waxaa siddeed ku ahaa eygoodii. Dheh: Rabbigay baa aad u ogsoon tiradooda, cidina ma oga iyaga wax yar maahe11. Ee ha kala doodin (arrinkooda) inaad kula doodeysid xujo cad maahee. Oo wax ha ka weydiin arrinkooda midkoodna

23Oo ha ka odhan waxnana: hubaal waxaan fali doonnaa berritoole

24(adigoo aan odhan) inshaa Allaah “Hadduu Alle idmo12". Oo xus Rabbigaa marka aad hilmaanto oo dheh: Waa intaasoo uu Rabbigay igu hanuuniyo mid uga dhow kani toosnaanta

25Oo waxay joogeen hoggoodii gudahiis saddex boqol oo sano, oo ay sagaal u dheer yihiin

26Dheh: Allaah baa aad u ogsoon intii ay joogeen, isaga baa u (cilmi leh) waxaalaha aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, arki ogaa oo maqli ogaa (wax walba). Ma ay laha gargaare aan Isaga aheyn, oo lama wadaajiyo Xukunkiisa axadna

27Oo Akhri waxa laguu waxyooday oo ka mid ah Kitaabka Rabbigaa, ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa, oo ma heli doontid weligaa wax ka sokeeya Isaga aad magan gashid

28Oo ku samirsii naftaada la jirka kuwa barya Rabbigood subax iyo galabba iyagoo doonaya Wajigiisa, oo ha dhaafin xaggooda labadaada indhood adigoo doonaya qurxuda noloshan adduunka, oo ha raacin mid aan qalbigiisa ka dhoohnay Xusiddayada oo raaca waxa liita ay naftiisu jeceshahay oo arrinkiisu yahay xad gudub

29Oo dheh: Xaqu wuxuu ka yimid Rabbigiin, ee kii doonaa ha rumeysto, oo kii doonaa yuusan rumeysan; Waxaan hubaal u diyaarinnay gar ma qaatayaasha Naar ay gidaarradeedu koobi doonaan iyaga, oo haddii ay dalbadaan gargaar biyood waxaa loogu gargaari doonaa biyo daamur oo kale ah oo soli doonta wajiyadooda.Xumaa cabbitaanka, oo u xumaa meel xusul la dhigo

30(Ma) kuwa (Xaqa) rumeysan oo fala samaha, hubaal Annagu ma dayacno abaalgudka mid kastoo fala camal wanaagsan

31Waa kuwan kuwa abaalgudkoodu yahay beero negaya oo ay hoostoodu qul-qulaan webiyo, waxyaalo laysku qurxiyo baa lagu galladeysan doonaa dhexdeeda oo leh jijimo dahab ah, oo waxay labbisan doonaan qamiisyo cagaaran oo ka sameysan xariir jilicsan iyo xariir adagba iyagoo ku jiqlaynaya sariiro heer sare ah dushood. Wanaagsanaa abaalgdukaa, oo u fiicanaa meel lagu dego oo la xusul dhigo

32Oo ugu soo qaad tusaale labo nin oo aan midkood u yeellay labo beerood oo canab ah oo aan ku hareereynay labadaba geedo timireed, oo aan ka soo saarnay dhexdooda sarac kala duwan

33Mid walbaa labada beeroodba, ay soo saartay midhaheeda iyadoo aan waxba ka dhimin, oo Waxaan sababnay inuu ka soo burqado dhexdooda webi

34Oo wuxuu lahaa maal tiro badan markaas buu ku yidhi saaxiibki isagoo ay is la doodayaan: Aniga baa kaa maal badan oo kaa tol iyo tabar roon

35Oo wuxuu galay beertiisii isagoo ku gar darroonayey naftiisa13. Wuxuu yidhi: u malayn mahayo inay tani baabba’ayso waligeed

36Oo u malayn mahayo inay Saacaddu weligeed dhici doonto, oo xitaa haddii la ii celiyo Rabbigay waxaan xaqiiq aan heli doonaa meel tani ka rug doorsi iyo meel noqosho fiican

37Wuxuu yidhi saaxiibkiis isagoo la doodaya; Ma waxaad rumeysayneyn Kan Isagu kaa abuuray carro, haddana iniin yar oo nool, haddana kaa dhigay nin dhan

38Laakiinse ma aniga xaggeyga, waa Allaah, Rabbigay, oo marnaba la wadaajin maayo cidna Rabbigay (cibaadada)

39Oo maxaad u odhan weydey marka aad gashay beertaada: Maashaa Allaah (waxa uu Allaah doono ayaa ahaan)! Ma jiro xoog aan ka imaan xagga Ilaahay? Haddii aad i aragtay inaan kaa maal iyo carruur yarahay

40Haddaba waa intaasoo uu Rabbigay i siiyo wax ka khayr badan beertaada, oo ku soo diro biriq cir ka soo dhac ah, oo markaas noqoto dhul gabiib ah oo aan dhir lahayn

41Ama noqdaan biyaheedu kuwa hoos ugu dega dhulka, oo aad markaas sinnaba u kari doonin inaad hesho

42Oo maalkiisii baa la baabbi’iyey, markaas buu wuxuu billaabay inuu (kor iyo hoos u) geddiyo calaacalahiisa wixii uu maal ku baxshay darteed, iyadoo cid la’ ah oo isku soo hoos dhaceen saqafyadeedii, oo wuxuu yidhi: Alla anigaa! Ii rooneydaa in aan la wadaajin Rabbigay cibaadada cidna

43Oo uma sugnaan ciidan u soo fidiya taageero Allaah sokadi, mana karo inuu naftiisa difaaco

44Halkan14 awood oo dhan waxaa leh Allaah, Xaqa ah. Isaga baa u abaal marin wanaagsan oo u cidhib wanaagsan

45Oo ugu soo qaad tusaale nolosha adduunkan inay la mid tahay biyaha aan ka soo dejinno daruurta, markaa dhirta ka soo baxda dhulka noqoto mid isku darsanta, haddana noqota xaabo engeg ah u burburta gaballo ay dabayshu firdhiso, Oo Allaah wuxuu ku leeyahay awood wax walba dushood

46Maalka iyo carruurtu waa quruxda nolosha adduunkan, ha yeeshee camallada wanaagsan ee weligood baaqiga ah baa xagga Rabbigaa khayr roon, oo rajo wanaagsan

47Oo maalinta aan ka yeeli doonno buuraha inay tagaan oo waxaad arki doontaa dhulka oo ban muuqda ahoo siman, oo waxaan soo kulmin doonnaa iyaga Annagoo aan uga soo tagin gadaal midkoodna

48Oo waxaa la keeni doonaa Rabbigaa horti iyagoo u taagan saf saf: Haatan dhab ahaan waxaad noogu timaaddeen idinkoo ah sidii aan idiin abuurnay kal hore. Mayee waxaad mooddeen inaynu idiin goyn waqti aan ku oofiinno ballanka

49Oo Kitaabka baa la soo dhigi doonaa, markaas waxaad arki doontaa dambiilayaasha oo ka baqaya waxa ku yaal. Oo waxay odhan doonaan: Alla hooggayaga'e! Muxuu yahay Kitaabkani! aan dhaafeyn wax yar iyo wax weynba inuu ku koobo tiro ma’ahee, oo waxay heli doonaan wixii ay camal faleen oo hortooda yaal oo Rabbigaa kuma gardarroodo axadna

50Oo waa tii aan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, oo ay u sujuudeen Ibliis maahee (ma u yeelin). Wuxuu ka mid ahaa jinka; markaasuu wuxuu ka baxay Amarka Rabbigi. Ma waxaad haddaba ka dhiganeysaan isaga iyo durrayaddiisa gacallo halkii Aniga iyagoo cadow idiin ah? Xumaa waxa ay wax ku doorsadeen gar ma qaatayaashu

51Ugama dhigan marag abuurista samooyinka iyo arlada iyo abuurista nafahooda midna, mana Ahi mid ka dhigta kuwa wax dhumiya cudud

52Oo Maalinta uu Allaah odhan doono: U yeedha kuwaa aad u qabteen inay yihiin shurukadeyda (aad ila barbar caabuddeen). Markaas bay u yeedhi doonaan, uma ay se jawaabi doonaan, oo waxaanu yeeli doonnaa dhexdooda xannib

53Oo dambiilayaashu waxay arki doonaan Naarta, oo ogaan doonaan inay ku dhici doonaan, oo ma heli doonaan meel ay kaga weecdaan

54Oo dhab ahaan Waxaan dadka ugu caddaynay Qur’aankan gudahi nooc kasta oo tusaale ah, oo Aadmigu waa kan badi wax walba ugu dood badan

55Oo ma jiro wax ka reeba dadka inay rumeeyaan marka uu Hanuunku u yimid iyo inay weydiistaan dembi dhaaf Rabbigood, aan ahayn inay u timaado wixii ku dhacay kuwii hore15, ama uu ugu yimaado cadaabka si fool ka fool ah

56Oo uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyayaal iyo digayaal, oo kuwa Xaqa diida waxay ku doodaan baadil si ay ugu buriyaan Xaqa. Oo waxay ka dhigtaan Aayadahayga iyo waxa looga digo dheel dheel

57Oo yaa ka gardarro badan mid lagu waaniyo Aayadaha Rabbigii, markaas ka sii jeesada oo hilmaama waxa ay labadiisa gacmood horay u faleen? Hubaal waxaanu yeellay daboollo quluubtooda dushood si aanay u fahmin, iyo culeys dhegahooda, oo haddii aad ugu yeedho hanuunka, haddaba ma hanuuni doonaan weligood

58Oo Rabbigaa waa Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan. Haddii uu u qaban lahaa waxa ay kasbadaan (oo dembiyo ah), wuxuu hubaal u soo dedejin lahaa cadaabka. Waxayse leeyihiin waqti go'an oo aanay heli doonin meel ay ka magan galaan

59Oo (ma xagga) magaalooyinkan waa aan halaagnay markay u dhaqmeen si caddaad darro ah, oo waxaanu u qabannay waqti go’an halaaggoodii

60Oo waa tii uu Muuse ku yidhi adeegahiisa (Yuushac bin Nuun): Ma joogsan doono jeer aan gaaro halka ay ku kulmaan labada badood ama aan iska socdo oo wado socodka sannado badan

61Markayse gaareen halka ay ku kulmaan labada (badood) waxay hilmameen kalluunkoodii, oo qaaday jidkiisa xagga badda, isagoo horay u sii socda

62Oo markay in badan dhaafeen, wuxuu ku yidhi adeegihiisa: Noo keen raashinkayaga subaxa; dhab ahaan waxaan kala kulannay safarkeennani daal badan

63Wuxuu yidhi: Ma aragtay markii aan harsannay buurtii dhagaxa ahayd markaas waxaan hilmaamay kalluunkii, oo ma jiro wax I hilmaansiiyey inaan ka hadlo aan ahayn shaydaan. Oo wuxuu qaaday jidkiisa xagga badda, yaab badanaa

64Wuxuu yidhi: Arrinkani waa wixii aan doonaynay, Markaas bay dib u noqdeen iyagoo qaadaya raadadkoodii

65Markaas bay waxay heleen addoon ka mid ah addoommahayga oo aan ka siinnay Naxariis xaggayaga, kaasoo aan ka barnay Xaggayaga cilmi

66Muuse wuxuu ku yidhi: Ma ku raacaa si aad ii barto waxa lagu baray oo cilmi ah lagu hanuuno

67Wuxuu yidhi: Hubaal ma lahaan kartid la jirkay samir

68Oo sidee baad ugu samir yeelan kareysaa wax aadan cilmi ku koobin

69Wuxuu yidhi: Haddii Allaah Idmo, waxaad iga heli doontaa samir, oo kuguma caasiyi doono arrinna

70Wuxuu yidhi: Haddii aad i raaceyso markaa yeysan jirin wax aad wax iga wey- diiso jeer aan anigu kaaga warramo maahee

71Markaas bay tageen (oo qaadeen waddada), ilaa, ay koreen doonni, waa uu duleeliyey; (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad u duleelisay inaad qarqido dadkeeda? Xaqiiq Waxaad fashay arrin aad u fool xun

72Wuxuu yiri: Sow kuuma aan sheegin, inaadan kari doonin inaad ii yeelato samir

73Wuxuu yidhi: Ha ii qaban wixii iiga dhaca hilmaan17, oo ha I galin wax adag aan dhibsado oo arrinkan la xiriira

74Markaas bay tageen ilaa ay la kulmeen wiil, markaasuu dilay. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad dishay naf aan dambi galabsan oo aan naf dilin? Xaqiiq waxaad fashay xumaan weyn aan la qaadan karin

75(Khidir) wuxuu yidhi: Miyaanan kuu sheegin inaadan kari doonin inaad samir ila yeelato

76(Muuse) wuxuu yidhi: Haddii aan ku weydiiyo wax ka dambeeya tani, haba yee- lin inaan kula socdo, dhab ahaan waxaad heshay cudur daar xagga arrinkeyga

77Markaas bay tageen jeer markii ay ku yimaadeen dad magaalo deggan, waxay warsadeen cunno dadkeeda, wayse diideen inay marti sooraan18; markaasay waxay heleen gudaheeda gidaar dumi raba, markaas buu (Khidir) toosiyey. (Muuse) Wuxuu yidhi: Haddii aad doonto, dhab ahaan gunno ayaad ku qaadan lahayd

78(Khidir) wuxuu yidhi: Kan waa kala tagga dhexdeenna aniga iyo adiga, ee waxaan kuu sheegi doonaa fasiraadda wixii aad u samir yeelan kari weyday

79Ma doonnida, iyada waxaa lahaa dad masaakiin ah oo badda ka xoogsada. Markaas waxaan doonay inaan ceeb u yeelo, waayo waxaa hortooda ahaa boqor ku qaata doonni walba (oo hagaagsan) qasab

80Oo ma wiilka, waxay labadiisii waalid ahaayeen mu’ miniin, oo waxaanu ka baqnay inuu ku dhib gasho caasiyoobid iyo abaal darro

81Marka waxaan doonnay inuu ugu beddelo Rabbigood mid ka daahirsan oo naxariisasho dhow

82Oo ma gidaarka, isaga waxaa lahaa labo wiil oo agoomo ah oo magaalada jooga; oo waxaa hoostiisa yaalay khaznad ay iyagu leeyihiin; oo aabbahood wuxuu ahaa nin wanaagsan, marka Wuxuu Rabbigaa doonay inay qaan gaaraan oo la soo baxaan khasnaddooda, naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa; oo kuma aan samayn waxaan falay amarkay. Waana kaas tafsiirka (arrimihii) aad u samir yeelan weyday

83Oo waxay wax kaa weydiin Dul Qarnayn. Dheh: Waxaan idiin ka sheegi doonaa wax ka mid ah warkiisa

84Hubaal Waxaan ku awood siinnay dhulka, oo siinnay isaga asbaabtii uu ku gaari lahaa cilmiga wax walba

85Markaas buu qaaday jid

86Ilaa, markuu gaaray meesha ay u dhacdo qorraxdu, wuxuu helay iyadoo ku dhaceysa bad madow, oo ka helay agteeda qolo19. Waxaanu nidhi: Dul Qarnaynow! Ama waa inaad cadaabto ama u axsaan fasho

87Wuxuu yidhi: Ma ka isagu gardaran (oo naga fallaagooba)20, waa aanu cadaabi (dili) doonnaa, haddana waxaa isaga loo celin doonaa xagga Rabbgiis; oo wuxuu ku cadaabi doona cadaab daran

88Oo ma xagga kan isagu (Xaqa) rumeysan oo sama fala, wuxuu mudan doonaa abaal gud wanaagsan. Oo waxaan kula hadli doonnaa isagaa ereyo nugul oo amarkayaga ah

89Markaasuu qaaday jid (kale)

90Ilaa markuu gaaray meesha ay ka soo baxdo qorraxda wuxuu helay iyadoo ay u soo baxaysa qolo aynu siin wax ay isaga asturaan

91Sidaas weeyee! Oo Waxaan ku koobnay ogaansho waxa uu heystay

92Markaasuu qaaday jid (kale)

93Ilaa markuu gaaray (meel) labada buurood dhexdooda ah; wuxuu sokodooda ka helay qolo dhib ku fahma hadalba

94Waxay yidhaahdeen: Dul Qarnaynow! Hubaal23 waxay Yuug iyo yamaayuug ku falaan fasahaad arlada. Ee ma kuu yeellaa gunno waxaase shardi ah inaad yeesho dhexdeenna innaga iyo iyaga moos-xir

95Wuxuu yidhi: Waxaa uu Rabbigay I siiyey awood baa khayr roon, ee uun igu caawiya xoog (shaqaale) waxaan yeeli doonaa moos xir dhexdiinna idinka iyo iyaga

96Ii keena laban bir ah; jeer markuu buuxshay dhinacyda labada buurood dhexdooda, wuxuu yidhi: Buufiya, ilaa markuu ka dhigay (sida) dab, wuxuu yidhi: Ii keena maar la dhalaaliyey aan ku shubo’e

97Markaa way kari waayeen inay ka soo kor baxaan ama ay u yeelaan duleel

98Wuxuu yidhi: Waxakani waa Naxariis xagga Rabbigay ah, markase uu Yabooha Rabbigay yimaado, wuxuu la simi doonaa dhulka, Oo Yabooha Rabbigay waa xaq

99Oo maalintaas Waxaan u dayn doonnaa qaarkood ka mid ah inuuu u dhexeeyo khilaaf qaar kale, oo Buunka baa la afuufi doonaa, markaasaan soo kulmin doonnaa iyagoo dhan

100Oo Waxaan soo bixin doonnaa Naarta oo ka muuqata maalintaas gaalada hortood

101Kuwaa ay indhahoodu ka daboollaa- yeen Waanadayada25, ee aan kari jirin inay maqlaan

102Ma waxay haddaba kuwa gaalada ahi moodaan inay (anfaceyso) inay ka dhigtaan addoomahayga gargaarayaal Aniga sokaday? Hubaal Waxaan u diyaarinnay Naar degaan ahaan gaalada

103Dheh: Ma idiin sheegaa kuwa ugu khasaaraha badan camallo ahaan

104Waa kuwaa camalkooda ku lumo noloshan adduunka iyagoo mooda inay sama falaan

105Kuwaasu waa kuwa ku gaalooba Aayadaha Rabbigood iyo la kulankiisa26. Marka camalladooda waa buraan. Ee sidaas awgeed uma yeeli doonno wax miisaan iyo qiimo ah Maalinta Qiyaamaha

106Sidaas waa in abaalkoodu yahay Naar; gaalnimadooda darteed, iyo ka dhigasha- dooda Aayadahayga iyo Rusushaydii dheel

107Hubaal kuwa (Xaqa) rumeysan ee sa- maha fala waxay mudan doonaan beeraha Al-Firdoos27oo u degmo ahaan doonta

108Iyagoo ku dhex waaraya (weligood) mana rabi doonaan in looga rug dooriyo

109Dheh: Haddii ay baddu ahaan laheyd khad loogu tala galay (qoridda) Kelmedaha Rabbigay28, Hubaal, baddu waa dhammaan lahayd inta aysan dhammaan Kelmedaha Rabbigay, xataa haddii aan keenno (bad kale) oo la mid ah oo taakulo u ahaato

110Dheh: Waxaan anigu uun ahay qof dhimanayoo idinkoo kale ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Allaah Keliya, ee kii rajo ka qaba la Kulanka Rabbigii, ha falo camallo san oo yuusan la wadaajin cidna cibaadada Rabbigii

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath