Islaamka
dib

15. Al-Hijr

1Alif Laam Raa1. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka, oo Qur'aan ah ka yeela (arrimaha) caddaan

2Wax badan bay kuwaa (xaqa) rumeysan waaya jecleysan doonaan inay ahaayeen Muslimiin

3Iska daa wax ha iska cunaane oo ha iska raaxaystaan iyo (in) rajo maawiliso. Durbase way ogaan doonaan

4Oo ma jirto magaalo aan rognay oo aan lahayn waqti la yaqaan oo qoran

5Kama hor mari karto ummadi muddadeeda, mana dib dhigi karaan

6Oo waxay yidhaahdaan: Adigaaganow ah kan Waanada (Qur’aanka) lagu soo dejiyey3! Hubaal adigu xaqiiq waxaad tahay ku waalan

7Maxaad noogu keeni weyday malaa’igta haddii aad tahay mid ka mid ah runowlyada

8Uma soo dirno malaa’igta waxaan xaq4 aheyn, oo markaas lama siiyeen wax nafis ah

9Hubaal Annaga (Allaah ah) baa soo waxyoonnay Waanada (Qur’aanka) oo hubaal Annagaa xaqiiq ah ilaaliyayaasheeda

10Oo xaqiiq Waxaan soo dirnay Rusul hortaa ummadahii hore dhexdood

11Oo ma jirin Rasuul u yimaada oo aysan ku jees-jeesin

12Sidaas baan ugu yeelnaa (diiddada Xa- qa) inay u gasho quluubta dambiilayaasha

13Ma rumeeyaan waxa ku soo arooray, oo dhab ahaan waxaa hore maray tusaalihii kuwii hore ee tegay

14Oo xitaa haddii aan uga furno albaab samada oo ay kor ugu cir tagaan

15Waxay hubaal odhanayaan: Waxaa uun la awday Indhahayaga. Mayee, waxaanu nahay qolo la sixray

16Oo xaqiiq Waxaan yeelnay rugo adag samada, oo Waxaan u qurxinnay daawadayaasha

17Oo Waxaan ka ilaalinnay Shaydaan kastoo laga fogeeyey (Naxariista Ilaahay)

18Mid maahee xada mar wax u maqlo, markaas la raaciyo isaga holac muuqda

19Oo dhulka - waanu fidinnay, oo waxaanu ku sugnay dhexdeeda buuro, oo sababnay inay ka soo baxaan gudaheeda wax kasta oo ku habboon

20Oo Waxaan idiinka yeellay dhexdiisa asbaabta noolaanshaha idinka iyo midka kastoo aydaan idinku irsaaqin

21Oo ma jiro wax aannu Annagu hayn khasnadahiisa. Oo kuma aan soo dejinno waxaan aheyn qaddar la yaqaan

22Oo Waxaan soo dirnaa dabaylaha tallaala (daruurta) markaas baan ka soo dejinnaa biyo daruurta, oo aan idinka waraabinno,oo ma ahidin idinku kuwa kaydiya

23Oo hubaal waa Annaga (Allaah) Kuwa bixiya nolol, oo sababa inaad dhimataan8, oo Waa Annaga dhaxlayaasha

24Oo xaqiiq Waxaan ognahay kuwiinnii hore ee tegay, oo xaqiiq Waxaan ognahay kuwa dib ka iman doona

25Oo hubaal Rabbigaa waa soo wada kulmin doonaa iyagoo dhan. hubaal Waa Falsame Xakiim ah, wax kasta Ogsoon

26Oo xaqiiq Waxaan ka abuurnay aadmiga dhoobo shanqarta, oo madow jilicsan oo qaab leh ah

27Oo Jinka, Waxaan ka abuurnay awal hore dab aad u kulul oo ololaya

28Oo waa tii uu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Hubaal Waxaan ka abuurayaa qof (Aadam) dhoobo shanqarta oo madow jilicsan oo qaab leh ah

29Ee, marka aan sameeyo isagoo dhan oo aan ku afuufo ruuxayga10, ula dhaca sujuud

30Markaas bay malaa’igtii sujuudeen kulligoodba iyagoo dhan

31Ibliis11 maahee (ma yeelin): waa u diiday inuu ka mid ahaado kuwa sujuuday

32Wuxuu yidhi:Ibliisoow!Maxaa kuugu wa- can inaadan ahaan la jirka kuwaa sujuuday

33wuxuu yidhi: Anigu ma ahi mid u sujuudaya qof aad ka abuurtay dhoobo shanqarta oo madow ah jicilisan qaab leh

34Wuxuu yidhi: Haddaba ka bax xaggeeda, hubaal adigu waa lagu fogeeyeye

35Oo hubaal waxaa dushaada ah Nacalad ilaa Maalinta Abaal marinta

36Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Haddaba ii sug ilaa Maalinta la soo bixin doono

37(Alle) wuxuu yidhi:Haddaba hubaal Wa- xaad ka mid tahay kuwa la siiyo fursadda

38Ilaa Maalinta waqtiga la yaqaan leh

39Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sida aad ii habaabisay darteed, Waxaan hubaal iyagana u qurxin doonaa jidka habowga dhulka korkiisa, oo xaqiiq waxaan habaabin doonaa iyagoo dhan

40Marka laga reebo addoomahaaga ku ji- ra ee daacadda ah kuu keli yeela cibaadada

41Wuxuu yidhi: Kani waa Jid Toosan oo Xaggeyga ah

42Hubaal, ma xagga addoomahayga, ku- ma lihid awood dushooda, marka laga ree- bo kuwa ku raaca ee habowsanayaasha ah

43Oo hubaal, Naarta waa halka loo ballan qaaday iyagoo dhan

44Waxay leedahay toddoba Albaabood, albaab walbaa halkaa waxaa ahaan doonaa qayb gaar ah oo ka mid ah

45Hubaal kuwa iska jira (xumaha) waxay dhex ahaan doonaan Beero iyo ilo

46Ku gala nabad idinkoo aamin ah

47Oo Waxaan ka soo siibi doonnaa wixii xasad ah oo ku jira laabahooda, (waxay ahaan) walaalo ku sugan sariiro boqoreed dushood is qaabilsan fool ka fool

48Kuma taaban doono gudaheeda daal, lagamana soo saari doono

49Ogeysii addoomahayga inaan Anigu ahay Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan

50Iyo in Cadaabkaygu, kaasi weeye cadaabka xanuunka badan

51Oo u sheeg arrinka martidii Ibraahiim

52Markay u soo galeen, waxay yidhaadeen: Nabad ahaada. Wuxuu yidhi: hubaal innagu cabsi ayaa idinka qabnaa

53Waxay yidhaahdeen: Ha cabsan. Hubaal waxaan kuugu bishaareyneynaa wiil aqoon leh (dhalashada Isxaaq)

54Wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu bishaareyneysaan (wiil) anigoo ay i soo taabatay da' weyni? Haddaba maxaad iigu bishaarayneysaan

55Waxay yidhaahdeen: Waxaan kuugu bishaaraynaynaa wax run ah. Ee ha ka mid noqon kuwa quusta

56Wuxuu yidhi: Oo yaa ka quusta Naxariista Rabbigii aan ahayn kuwa lunsan

57Wuxuu yidhi: Waa maxay howsha aad u socotaan haddaba, kuwaan la soo dirayow

58Waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaa naloo soo diray qolo dambiilayaal ah

59Reer Luud ma’ahee. Hubaal waanu badbaadin doonnaa xaqiiq iyagoo dhan

60Marwadiisa ma’ahee, waxaan qaddarnay inay hubaal ka mid ahaato kuwa ku haraya gadaal (ee la cadaabi)

61Markay Rusushii la soo diray u yimaadeen reer Luud

62Wuxuu yidhi: Hubaal waxaad idinku tihiin qolo aan la garanayn

63Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaanu kuula nimid waxa ay ka doodayeen

64Oo waxaan kuula nimid Xaq oo hubaal waxaanu nahay xaqiiq run sheegayaal

65Ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, oo adigu daba soco oo ka dambee, oo yaanu midkiinna dib soo jalleecin oo aada halka la idin ku amray

66Oo Waxaanu u waxyoonnay arrinkan ah in cidhibta kuwaas la goyn subaxa horeba

67Oo dadkii magaaladu waxay yimaadeen iyagoo aad u faraxsan

68Wuxuu yidhi: Hubaal kuwakanu waa martidaydii ee ha igu fadayxeynina

69Oo Alle ka cabsada oo ha i ceebeynina

70Waxay yidhaahdeen: Oo miyaanaan kaa reebin inaad (nagala hadasho) dadka kale

71Wuxuu yidhi: Kuwaanu waa gabdhahaygii16, haddii aad yeeleysaan (inaad guursataan)

72Waa igu Cimrigaaga'e, waxay indho la’- aan ku heehabayeen sakhraansanidoodii

73Markaas baa qeylo weyn (qarax) qabtay qorrax soo bixiiba

74Oo Waxaan u gambinnay korkoodii hoos oo roob kaga dhignay dushooda dhagaxyo dab naar ah

75Hubaal, arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan calaamooyin kuwa wax ka fiirsada

76Oo hubaal Waxay ku taal (magaaladaasi)18 waddo weli la deggan yahay

77Hubaal arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan calaamooyin mu’miniinta

78Oo dadkii degganaa hawdka19 waxay sidoo kale xaqiiq ahaayeen gar ma qaatayaal

79Markaas baan ka aargudannay. Oo waxay labaduba20 xaqiiq ku yaallaan waddo cad (oo weli) la maro

80Oo dadkii degganaa dhadhaabka waxay dhab ahaan beeniyeen Rususha

81Oo waxaanu siinnay Aayadahayagii, wayse ka jeesadeen xaggooda

82Oo waxay ka qorteen buuraha guryo iyago aamin ah

83Markaas baa waxaa qabaty qeylo (qarax) weyn waaberkiiba

84Oo waxba uma tarin waxay kasbadeen

85Oo uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan aheyn Xaq, Oo hubaal Saacaddu xaqiiq waa imanaysaa, ee isaga jeeso adigoo saamaxaya gefefkooda saamixid qurxoon

86Hubaal Rabbigaa waa Abuuraha wax kasta ee jira, wax waliba ogsoon

87Oo dhab ahaan Waxaanu ku siinnay toddobo (Aayadood ee) lagu soo celceliyo (Faatixada) iyo Qur’aanka Weyn

88Ha u taagin indhahaaga waxa aanu siinnay qaybo ka mid ah iyaga inay ku raaxeystaan oo ha u murugoon, oo ahow mid u nugul oo soo dhoweeya mu’miniinta

89Oo dheh: Hubaaal anigu waxaan uun idiin ahay digaha cad

90Sida aan ugu soo dejinnayba kala qaybiyaashii (Yuhuudda iyo Nasaarada)

91Kuwaas ka dhigay Qur’aanka qaybo

92Haddaba waa igu Rabbigaa hubaal waanu weydiin doonnaa dhammaantood

93Xagga waxa ay faleen

94Ee daaha ka qaad wax lagugu amray22, oo iskaga jeeso Mushrikiinta

95Hubaal Annaga baa kaaga filnaan doonna jees-jeesayaasha

96Kuwa u yeela ilaah kale la jirka Allaah, durbase way ogaan doonaan

97Oo dhab ahaan Waxaan ognahay inay ka ciriiryoonto laabtaadu waxa ay yidhaahdaan

98Ee ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa oo ka mid ahow kuwa u sujuuda

99Oo caabud Rabbigaa ilaa uu kuu yimaado kaasi la hubo (mowdka)

isha: Abdullah Hasan Jacob

WEBREATH · 11:11

«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath