12. Yuusuf
1Alif Laam Raa1. Kuwakani waa Aayaadka Kitaabka ka yeela arrimaha (caddaan) iska muuqda
2Hubaal Annaga baa soo dejinnay Qur’aan Carabi ah si aad u fahantaan
3Annaga ayaa kaaga sheekeeneyna sheekooyinka tan u wanaagsan, ee aanu kuugu waxyoonno Qur'aankan, inkastoo kan ka hor, aad aheyd hubaal mid ka mid ah kuwa aan waxba ogeyn
4Waa tii uu Yuusuf ku yidhi aabbihii: Aabbow! Hubaal waxaan arkay kow iyo toban xiddigood iyo qorraxda iyo dayaxa, waxaan arkay iyagoo ii sujuudsan
5Wuxuu yidhi: Wiilkaygiiyow! Ha uga sheekeyn riyadaada walaalahaa, si aanay kuugu dhigin shir qool iyo dabin kaa dhan ah: hubaal Shaydaanku wuxuu u yahay aadmiga cadow iska cad
6Oo sidaas buu kuu dooran doonaa Rabbigaa oo uu ku bari doonaa fasirka riyooyinka oo uu kuu dhammeystiri doonaa Nicmaddiisa adiga iyo reer Yacquub, sidii uu ugu dhammeystirayba horey aabbayaashaa Ibraahiim iyo Isxaaq. Hubaal Rabbigaa waa wax kasta Oge, Xakiim ah
7Run ahaan Yuusuf iyo walaalihii, waxaa ugu sugan calaamooyin warsadayaasha
8Waa tii ay yidhaahdeen: Xaqiiq Yuusuf iyo walaalki3 baa ku weyn uuna naga jecel yahay aabbaheen, innagoo ah kulan ka xoog badan. hubaal aabbaheen xaqiiq wuxuu ku sugan yahay baadi caddaan ah
9Dila Yuusuf ama ku tuura alro (uun), si uu idiinku gaar noqdo Wejiga Aabbahiin, oo taasi ka dambow aad noqotaan dad wanaagsan
10Hadlaa ka mid ah (Judah) baa wuxuu yidhi: Ha dilina Yusuuf ee ku tuura ceel salkiis, haddii ay tahay inaad fashaan, si ay qaar ka mid ah socotoda safar dheer ku jirta u soo qaataan
11Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaa kuugu wacan oo aad noogu aamini weydey Yusuuf? Oo hubaal waxaanu innagu u nahay run ahaan daacad wanaag la doona
12Nala dir isaga berri si uu u soo miro mireysto oo dheelo, oo hubaal innagu xaqiiq waan ilaalin doonnaa
13Wuxuu yidhi: Hubaal Waa i murugo gelisaa inaad la tagtaan. Oo waxaan ka cabsi qabaa inay yey cunto idinkoo mooggan
14Waxay yidhaahdeen: Hubaal haddii ay yey cunto innagoo waliba ah kulan (xoog leh), markaa hubaal, waa inaanu ahaanno xaqiiq khasaaro qabayaal
15Markii ay la tageen oo ay ku heeshii-yeen iyagoo dhammi inay dhigaan gunta ceel salki. Oo Waxaan u waxyoonnay: Waxaad hubaal(maalin uun) u sheegi doon- taa arrinkani iyagoo aan dareensaneyn
16Oo waxay u yimaadeen aabbahood habeen goor fiid ah iyagoo ooyaya
17Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Hubaal Waanu baxnay innagoo tartamayna, oo kaga tagnay Yuusuf Alaabtayada agteed, markaas bay yey cuntay oo adigu nama ru- maysan doontid walow aan run sheegayno
18Oo waxay keeneen shaarkiisii oo leh dhiig been ah4. Wuxuu yidhi: Mayee, nafahiinna baa idiinka yeeshay arrinkan wax sahlan oo yar. Sabarkaase wanaagsan. Oo Allaah waa Kan laga kaalmeysto waxa aad tilmaameysaan
19Oo halkaa waxaa yimid socoto, oo waxay direen biyo dhaamiyahoodii, oo wuxuu hoos ugu sii daayey wadaantiisii. Wuxuu yidhi: Waa war san oo farxad leh! kani waa kuray yar; oo way qarsadeen badeeco ahaan Oo Allaah waa u Ogaa waxa ay faleen
20Oo waxay siisteen qiimo yar,_ dhowr qadaadiic oo fiddo ah, oo waxay muujiyeen inaysan rabitaan u heyn isaga
21Oo kii reer Masar ahaa5 ee gatay isaga wuxuu ku yidhi marwadiisii: Sii hoy sharaf leh, waa intaasoo uu na anfaco ama ka dhiganno wiil. Oo sidaas baan ugu awood siinnay Yuusuf arlada, iyo inaan barno fasirka dhacdooyinka. Oo Allaah waa ku guuleystaa arrinkiisa, laakiinse dadku badankiisu ma oga
22Oo marka uu tabar galay oo gaaray xoogsigiisa, waxaan siinnay Xikmad iyo aqoon, oo sidaas baan ku abaal marinnaa sama falayaasha
23Oo tii uu gurigeedii joogay baa doontay inay u soo jiiddo xumaan, oo waxay aad u xidhay albaabbadii oo tidhi: Ii kaalay, Wuxuu yidhi: Allaah baan magan galay. Hubaal Rabbigay wuxuu wanaajiyey hoygeyga. hubaal geflowyada ma guuleystaan
24Oo runtii way isu diyaarisay oo goosatay (inay u soo jiiddo falka xunee zinada), isaguna wuu u liici lahaa6, haddii uusan arki lahayn Xujada cad ee Rabbigi. Sidaas (waxay ahayd) si aan uga duwno xumaanta iyo falxumada. Hubaal wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga daacadda ah
25Oo waxay labaduba u degdegeen albaabka, oo waxay ka jeexday shaarkiisa xagga dambe, oo waxay kula kulmeen ninkeedii albaabka. Waxay tidhi: Muxuu yahay ciqaabka kan la doona xumaan xaaskaaga, aan aheyn in la xabbiso ama la marsiiyo cadaab xanuun badan
26Wuxuu yidhi: Iyada baa doontay inay ii soo jiiddo xumaan (zino); oo markhaati ka mid ah ehelkeeda baa ka marag kacay: Haddii shaarkiisa laga jeexay dhinaca hore, run bay sheegeysaa, oo isagu wuxuu ka mid yahay beenalayaasha
27Haddiise shaarkiisa laga jeexay dhinaca dambe, been bay sheegeysaa, oo isagu wuxuu ka mid yahay runlowyada
28Markaasuu markuu arkay shaarkiisa oo ka jeexan gadaal, wuxuu yidhi: Hubaal, waa tabtiinna idinka haweenka ah, hubaal tabtiinnu waa ay weyn tahay
29Yuusufow! Iskaga jeedso waxakan7 oo (xaaskaygaay) u weydiiso cafis danbigaaga. Hubaal waxaad ka mid tahay kuwa gafaye
30Oo haween ku sugan magaalada waxay yidhaahdeen: Marwadii wasiirka waxay dooneysaa inay u soo jiiddo xumaan wiilka yar ee addoonkeeda ah, hubaal wuxuu ku saameeyey si qoto dheer jaceylkiisa, hubaal waxaan xaqiiq u aragnaa inay ku sugan tahay gef muuqda
31Haddaba markay maqashay hadalkooda xanta ah bay u cid dirtay oo u diyaarisay marti qaad wanaagsan; oo siisay mid walba oo ka mid ah middi, oo (ku) tidhi (Yuusuf): U soo bax. Markaasay markay arkeen aad u weyneysteen, oo iska gooyeen gacmahoodii (iyagoo la cajabsan). oo yidhaahdeen; Allaah baa ka hufan (nuqsaan)8 Kani maba aha qof caadi ah! Kani ma aha waxaan aheyn malag sharaf leh
32Waxay tidhi: Kani waa kii aad igu eedayseen, oo xaqiiq aniga baa doonay inaan soo jiito, wuuse is dhowray, oo haddii uusan falin waxa aan amrayo, waxaa hubaal la dhigi doonaa xabsiga, oo wuxuu hubaal ka mid noqon doonaa kuwa la liido
33Wuxuu yidhi: Rabbiyow! xabbiska baan ka jeclahay waxa ay iigu yeeraan. Oo haddii aadan Adigu iga weecin tabtooda, waan u janjeersan doonaa oo ka mid noqon doonaa jaahiliinta
34Markaas buu Rabbigi ka aqbalay baryadiisa oo ka weeciyey khiyaanadooda, hubaal waa Isaga Wax kasta Maqlaha, Wax kasta Ogsoon
35Markaas baa waxaa u muuqday kaddib markay arkeen9 caddeymaha inay xidhaan ilaa muddo
36Oo waxaa la galay xabsiga labo nin oo dhallinyaro ah, midkood baa wuxuu yidhi: Waxaan is arkay anigoo miiraya khamro. Oo kii kale wuxuu yidhi: Aniguna waxaan is arkay anigoo ku sida madaxeyaga korkiisa kibis ay shimbiruhu wax ka cuneen. Noo sheeg fasirkeeda. Hubaal waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha
37Wuxuu yidhi: Ma jirto halkaa cunto idiinku imaan doonta oo la idinku irsaaqo, oo aanan idiin sheegi doonin labadiinna fasirkeeda ka hor inta aysan idiin imaan. kani waa wax ka mid ah waxa Rabbigay i baray. Hubaal waxaan anigu iskaga tagay diinta qolo aan rumaysnayn Allaah oo iyagu ah kuwa beeniya Aakhirada
38Oo waxaan raacaa diinta Aabbayaashay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub; naguma habboona inaan waxna u shariig yeelno Allaah waxay ahaadaanba. Arrinkani waa Fadliga Ilaahay noo galay innaga iyo dadkaba, laakiinse dadka badankiisu ma mahad naqaan
39Labadayda saaxiib ee xabsigow! Ma rabbiyo kala duwan baa fiican mise Allaah Waaxidka , Awoodda sare leh
40Ma aad caabuddaan Sokadi waxaan aheyn magacyo aad bixiseen idinka iyo aabbayaashiin oo uusan Allaah u soo dejin wax Xujo ah11. Xukunka ma leh waxaan aheyn Allaah. Wuxuu amray inaydaan caabudin waxaan aheyn Isaga Keligii. Arrinkani baa ah diinta toosan, laakiinse dadka badankiisu ma oga
41Labadayda Saaxiib ee xabsigow12! Ma midkiin, wuxuu u shubi doonaa mudanahiisa khamri uu cabbo, ma midka kalese, waa la deldeli doonaa, markaas shimbiruhu waxay wax ka cuni doonaan madaxiisa. Arrinka waa loo xukumay la xidhiidha waxa aad iga wareysateen
42Oo wuxuu ku yidhi midkoodii uu ogaaday inuu badbaadayo: Igu xus rabbigaa agtiisa; ha yeeshee Shaydaan baa halmaansiiyey inuu u xuso rabbigiis, markaas buu ku sii jiray xabsiga dhowr sannadood
43Oo Boqorkii wuxuu yidhi: Hubaal waxaan arkaa toddoba sac oo buur-buuran, oo ay toddobo caato ah cuneen, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan, iyo (toddobo) kale oo qallalan. ee mudanayaalow! Ii caddeeya fasirka riyadayda, haddii aad fasiri kartaan riyooyinka
44Waxay yidhaahdeen: Waa riyooyin qarow isku qasan ah, oo innagu ma naqaanno fasirka riyooyinka
45Oo mid ka mid ah labadii (maxbuus) kii isagu badbaaday oo xusuustay muddo dheer kaddib baa yidhi: Aniga baa idiin sheegi doona fasarkiisa ee i dira
46Yuusuf, run badanow! Noo caddee fasirka toddoba sac oo buur-buuran oo ay toddobo caato ahi cuneen, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan iyo (toddobo) kale oo qallalan si aan ugu laabto dadka si ay u ogaadaan
47Wuxuu yidhi: Waxaad wax beeran doontaan toddobo sano oo xiriir ah ee waxaad goosataan u daaya sabuulkiisa wax yar maahee oo ka mid ah kaad cuni doontaan
48Markaas waxaa imaan doona intaas kaddib toddobo (sannadood) oo dar-daran, oo aad cuni doontaan waxa aad horay u dhigateen wax yar maahee oo ka mid ah wixii aad dhowrateen
49Markaas waxaa imaan doona intaas kaddib sano ay dadku heli doonaan roob oo ay dhexdi miiran doonaan (cinabyo)
50Oo boqorkii wuxuu yidhi: Ii keena isaga. Markaasuu markuu farriin sidihii u yimid, wuxuu yidhi: U noqo rabbigaa oo weydii isaga waa maxay xaalka haweenkii iska gooyey gacmahooda? Hubaal, Rabbigay waa ogsoon yahay khiyaanadooda
51Wuxuu yidhi: Muxuu ahaa arrinkiinnu markaad doonteen inaad u soo jiiddaan xumaan Yuusuf? Waxay yidhaahdeen: Allaah baa ka hufan (nuqsaan)! Kuma aanu ogin wax xumaan ah xaggiisa13. Oo marwadii wasiirka waxay tidhi: Hataan xaqu waa cad yahay, aniga baa doonay inaan u soo jiido xumaan, oo hubaal isagu wuxuu xaqiiq ka mid yahay run sheegayaasha
52Sidani waa inuu ogaado inaanan ku khiyaanin maqnaashihii iyo inuusan Allaah toosinin tabta khaa’iniinta
53Oo ma eed tirayo nafteyda14, hubaal naftu xaqiiq waa xume amarto, mid uu Rabbigay u naxariisto maahee. hubaal Rabbigay waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
54Oo boqorkii wuxuu yidhi: Ii keena isaga, waxaan u dooran doonaa nafteyda. Markaasuu markuu la hadlay, wuxuu yidhi: hubaal waxaad ku tahay agtayada maanta sharafle, la aamino
55Wuxuu yidhi: Iiga dhig (mas’uul) khasnadaha arlada. Hubaal waxaan anigu ahay xafide aamin ah, aqoon leh
56Sidaas baan ugu siinnay Yuusuf awood dhan arlada, wuxuu ku hantay maamul dhan dhexdeeda meesha uu doonoba. Waxaan ku galladeysannaa Naxariistayada cidda aan doonno, oo ma dayacno abaalka sama falayaasha
57Oo xaqiiq abaalka Aakhirada baa aad ugu sii khayr badan kuwa (Xaqa) rumeysan ee ka dhowrsasda (xumaha)
58Oo Yuusuf walaalihiis baa yimid15, oo u soo galeen isaga, markaasuu aqoonsaday iyagoon garanayn
59Oo markuu qalabeeyey oo siiyey sahaydoodii, wuxuu yidhi: Ii keena walaal aad leedihiin oo xagga aabbihiin ah. Miyeydaan arkayn inaan bixiyo beeg dhan, iyo inaan Anigu u wanaagsnahay inta wax marti gelisa
60Haddiise aydaan ii keenin, ma lahaan doontaan beeg (galley ah) xaggeyga, mana ii soo dhowaan doontaan
61Waxay yidhaahdeen: Waxaan ku dadaaleynaa inaan ka yeelno aabbihi inuu oggolaado, oo waa hubnaa inaan faleyno
62Oo wuxuu ku yidhi shaqaalahiisii: U dhex geliya badeecaddoodii rarkooda17, si ay u gartaan markay u noqdaan reerkooda, si ay u soo laabtaan
63Markaasay markay u laabteen aabbahood, waxay yidhaahdeen: aabbow! Waa naloo diiday wax beeg ah (hadda kaddib). Ee nagu dar walaalkayo18, waxaan soo heli doonnaa beeg dhan, hubaal innagu xaqiiq waanu ilaalin
64Wuxuu yidhi: Ma idinku aamini karaayo waxaan ahayn sidii aan idiinku aaminay walaalki awal hore. Allaah baase ah Kan u Wanaagsan ilaaliye, oo Isaga baa u Naxariis Badan inta naxariisata
65Oo markay fureen alaabtoodii waxay heleen badeecaddoodii oo loo soo ceshay19. Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaan (kaloo) rabi karnaa? Tani waa badeecaddayadii oo naloo soo ceshay, marka waxaan ugu keenni doonnaa galley (hor leh) reerkayaga oo waan ilaalin doonnaa walaalkayo oo soo kororsan doonnaa rati muggiis oo beeg siyaado ah. Kanu waa beeg sahlan
66Wuxuu yidhi: Idinkuma dari doono sinnaba jeer aad i siisaan ballan adag oo aad ku dhaarataan Magaca Ilaahay, inaad hubaal dib xaqiiq iigu keeni doontaan, iyadoo la idin hareereeyo si dhan maahee, oo markay siiyeen ballankooda, wuxuu yidhi: Allaah baa waxa aanu leennahay u tala saarannay oo la isku halleeyaa
67Oo wuxuu yidhi: Wiilashaydow! Ha ka wada gelina (idinkoo dhan) albaab keliya ee ka gala albaabbo kala duwan, waxnana idiinkama tari karo xagga Allaah. Xukunka waxaa iska leh Allaah Keliya. Isaga baan isku halleeyaa ee dhammaan kuwa wax isku halleeya, Allaah ha isku halleeyaan
68Oo marka ay uga galeen sidii uu amray aabbahood, waxba ugama tarin innaba ha ahaatee (Qaddarka) Ilaahay, waxayse aheyd oo keliya rabitaan ku jirtay nafta Yacquub oo uu gutay. Oo hubaal wuxuu lahaa cilmi, ee waxa aanu barnay ah, laakiinse dadka badankiisu ma oga
69Oo markay u galeen Yuusuf, wuxuu la soo galay qol walaalki oo ku yidhi: Waxaan anigu ahay walaalkaa, ee ha ka murugoon waxa ay falayeen
70Oo markuu qalabeeyey oo siiyey raashinkoodii, (qof) baa dhex galiyey koobkii wax lagu beegayey boorsadii walaalki. markaas waxaa dhawaaqay dhawaaqe (leh): Safaryahow! Waxaad hubaal tihiin xaqiiq tuugo
71Intay ku soo jeesadeen, bay waxay yidhaahdeen waa maxay waxaa aad weydeen
72Waxay yidhaahdeen: Waxaanu weynay koobkii21 wax lagu beegayey ee boqorka, kii isagu keenaana wuxuu leeyahay (abaal gud ah) awr muggiis (oo raashin ah); oo Aniga baa ka damiin ah
73Waxay yidhaahdeen: Wallaahi! Waad og tihiin run ahaan inaannu innagu u imaan inaan ku falno fasahaad arlada, oo ma ahin tuugo
74Waxay yidhaahdeen: Waa maxay haddaba jazaha arrinkani22, haddii aad tihiin beenlowyo
75Waxay yidhaahdeen: Jazaha arrinkani23 waa in kii boorsadiisa laga dhex helo, loo heysto isaga naf ahaantiisa (addoon ahaan). Sidaas baan ku jaazaynaa dambiilayaasha
76Markaasuu wuxuu ka billaabay weelashoodii ka hor weelkii walaalki, markaasuu ka soo bixiyey weelkii walaalki. Sidaas baan wax ugu qorshaynay Yuusuf. Ma ahayn mid bannaan inuu ku qaado walaalki xeerkii boqorka, inuu Allaah doono maahee: Waxaan u qaadnaa kor derejooyin cidda aan doonno, oo waxaa ka sarreeya mid kasta oo cilmi leh, Wax kasta Ogsoonaha (Allaah)
77Waxay yidhaahdeen: Haddii uu xado, mid la walaal ah baa sameeyey runtii xatooyo waa’ hore: Wuxuuse Yuusuf ku qarsaday naftiisa waxyaalaha uu og yahay24, oo uma uu muujin. Wuxuu yidhi: Idinkaa galay shar kan ka daran, oo Allaah baa dhab u ogsoon waxa aad sheegtaan
78Waxay yidhaahdeen: Mudanayahow25! Wuxuu leeyahay aabbe, oday aad u weyn, ee midkayo u qaado meeshiisa. Hubaal waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha
79Wuxuu yiri: Allaah baan ka magan galay, inaan qaadanno qof aan aheyn midkaan alaabtayada ka hellay agtiisa. (haddii aan sidaas yeello), waxaan markaas innagu nahay kuwo aan caadil ahayn
80Markaasay markay ka quusteen isula baxeen faq gaar ah. Koodii u weynaa (Rubiin) baa wuxuu yidhi: Ma waydaan ogeyn in Aabbihiin ballan adag idiinka qaaday Magaca Ilaahay, iyo sida aad horeyba uga gabood fasheen arrinkii Yuusuf? Sidaa awgeed anigu sinnaba kama tegi doona arladan jeer aabbahay ii idmo, ama Allaah xukumo arrinkayga26, oo Isaga baa u wanaagsan inta wax Xukunta
81U laabta Aabbihiin oo dhaha, Aabbow! Hubaal wiilkaagii wax buu xaday, oo ma marag fureyno waxaan aheyn waxa aan ogaannay oo kuma dhowri kareyn ogaal waxa qarsoon ee aan muuqan
82Oo ka wareyso (dadka) magaaladii aan joognay iyo safarradii aan la soo noqonnay, oo hubaal xaqiiqdii run baan sheegeynaa
83Wuxuu (Yacquub) yidhi: Mayee, nafahiinna baa idiin fududeysay arrin. Ee samir fiican (baa ila gudboon). Waa intaasoo Allaah (dib) iigu keeni doono iyagoo dhan. Oo Waa Isaga Wax kasta Ogsoonaha, Falka sanoo Xakiimka ah
84Oo wuu ka jeesaday xaggoodii oo yidhi: u walbahaarkaygow Yuusuf! Oo indhahiisu waxay la caddaadeen murugo darteed28 oo ahaa mid aad u tiiraanyeysan
85Waxay yidhaahdeen: Wallaahi! ma dayn doontid weligaa hadal haynta Yuusuf jeer aad bukaan jiif noqoto ama (jeer) aad ka mid ahaato kuwa halaagsama
86Wuxuu yidhi: Waxaan oo keliya u sheeganayaa murugadayda iyo walbahaarkeyga Allaah, oo waxaan ka ogahay xagga Allaah29 wax aydaan ogayn
87Wiilashaydow! Taga oo soo wareysta arrinka Yuusuf iyo walaalki, oo ha ka quusannina Naxariista Ilaahay. Hubaal cidina kama quusato Naxariista Ilaahay aan aheyn qoloda aan rumeysnayn
88Markaasay markay u soo galeen, waxay yidhaahdeen: Mudanayahow! Dhib baa na taabtay innaga iyo ehelkayagaba, oo waxaanu la nimid badeecad liidata, ee na sii beeg dhan oo noo axsaan fal. Hubaal, Allaah baa u abaal guda axsaan falayaasha
89Wuxuu yidhi: Ma ogtihiin sidii aad u gasheen Yuusuf iyo walaalkiis idinkoo markaas ahaa jaahiliin
90Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad adigu tahay dhab ahaan Yuusuf? Wuxuu yidhi: Waa aniga Yuusuf, oo kani waa walaalkay. Allaah baa runtii noo nicmeeyey. hubaal, kii isagu iska dhowra (xume), oo samir yeesha (waa loo abaal gudaa), waayo hubaal Allaah ma dayaco abaalka sama falayaasha
91Waxay yidhaahdeen: Wallaahi! Haddaba waxaa runtii naga kaa doortay Allaah, oo waxaanu innagu hubaal aheyn kuwo gefsan
92Wuxuu yidhi: Ma ahaan doonto korkiinna canaan maanta, Allaah ha idiin dembi dhaafo, oo Isaga baa u Naxariis Badan inta naxariisata
93Qaata shaarkaygaan, oo ku tuura wajiga aabbahay, waxaa u soo noqon doona aragga, oo ii i imaada idinkoo ay idin wehliyaan ehelediinna oo dhan
94Oo markii safarkii soo ambabaxay, aabbahood wuxuu yidhi: Hubaal waxaan anigu helayaa caraftii Yuusuf, haddii aydaan igu dhaliileyn inaan isku darsamay
95Waxay yidhaahdeen: Wallaaahi! Waxaad Hubaal ku sugan tahay gefkaagii hore
96Markaasuu markuu yimid war san sidihii, wuxuu uga tuuray (shaarkii) 31 wajigiisa, markaasuu u soo noqday araggii; Wuxuu yidhi: Sow idinkuma aan odhan: Waxaan anigu hubaal ka ogahay xagga Allaah wax aydaan idinku ogayn
97Waxay yidhaahdeen: Aabbahayow! Noo dambi dhaaf dalab, hubaal waxaanu innagu aheyn kuwo gefsan
98Wuxuu yidhi: Waxaan idiin weydiin doonaa Rabbigay dambi dhaaf, hubaal, waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan
99Markaasay markay u soo galeen Yuusuf, wuxuu soo kaxeeyey waalidki si ay ula degaan oo yidhi: Ku soo gala Masar, haddii Allaah idmo, nabdoonaan
100Oo wuxuu kor ugu qaaday labadiisa waalid Carshiga oo waxay hortiisa kula dhaceen sujuud (salaan ahaan32), oo wuxuu yidhi: Aabbow! Kani waa fasirkii riyadaydii hore! Rabbigay wuxuu xaqiiq ka yeelay xaq (run ah). Oo runtii waa i wanaajiyey markuu iga soo saaray xabbiska, oo idinka keenay miyiga, kaddib markuu Shaydaan ku abuuray kala fogaansho dhexdeenna aniga iyo walaalahay. Hubaal, Rabbigay waa u Roonaan iyo daryeel Badan yahay cidduu doono. hubaal waa Isaga wax kasta Ogsoonaha, Falka sanoo Xakiimka ah
101Rabbiyow! Run ahaan Waxaad i siisay wax ka mid ah boqortooyada, oo i bartay fasirka xadiisyada; Kan (Keliya) ee Abuurayow samooyinka iyo arlada! Adigaa ah Gargaaraheyga adduunkan gudahi iyo Aakhiradaba ee i oofso anigoo Muslim ah, oo i haleeshii kuwa wanaagsan
102Kani waa wax ka mid ah wararka la xiriira waxa qarsoon aan muuqan oo aan kuu waxyoonno. Oo ma aadan aheyn mid la jooga iyaga markay go’aansadeen arrinkoodii,iyagoo abaabulayey shirqoollo
103Oo dadka badankiisu ma rumeyn doonaan si kastoo aad ugu dadaasho
104Oo kuma weydiisatid iyaga wax abaalgud ah arrinkani darti; wax kale ma aha aan aheyn waanada Caalamka
105Oo badanaa waxa calaamo ku sugan samooyinka iyo arlada ay soo maraan ee haddana ay ka jeedsadaan
106Oo badankoodu ma rumeysna Allaah iyagoo wax la wadaajinaya maahee
107Haddaba ma waxay ka yihiin aamin inay u timaaddo Cadaab daran oo xagga Ilaahay ah, mise inay ugu timaaddo Saacaddu kedis iyagoo aan dareensaneyn
108Dheh: Kani waa jidkayga; Waxaan ugu baaqaa dadka xagga Allaah, Aniga iyo cid kastoo i raacdaba innagoo yaqiinsan oo ku sugan xujo cad. Oo Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo Nazahan Allaah, oo anigu ka mid ma ahi mushrikiinta
109Oo ma aanu soo dirin hortaa waxaan ahayn rag ka tirsan dadka magaalooyinka kuwaasoo aan u waxyoonnay33. Ma waysan haddaba soconin dhulka oo fiirinin sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Oo xaqiiq Daarta Aakhiro baa u khayr roon kuwa ka dhowrsada (xumaha). Ee ma waydaan haddaba garowsaneyn
110Jeer markay Rusushu quustaan oo yaqiinsadaan in dhab ahaan la beeniyey, markaas ayaa waxaa u yimaada gargaarkayaga, oo aan badbaadinnaa cidda aan doonno, oo lagama celiyo Ciqaabtayada qoloda Dambiilayaasha ah
111Waxaa xaqiiq ugu sugan qisooyinkooda cashar ay ku cibrad qaataan wax garadka. Ma aha xadiis la been abuuran karo, laakiinse waa xaqiijin wixii ka horreeyey, iyo caddeynta wax kasta iyo hanuun iyo naxariis qolodii rumaysan
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath