10. Yuunus
1Alif Laam Raa1, Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka Xakiimka ah
2Ma waxaa la yaab dadka ku noqday inaan u waxyoonno nin ka mid ah (Annagoo leh): U dig dadka oo u bishaaree kuwa rumeysan inay ku leeyihiin cag dhigasho sugnaansho leh Rabbigood agtiisa. Waxay gaaladu yidhaahdaan: hubaal kanu waa saaxir iska cad
3Hubaal Rabbigiin waa Allaah ee ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, markaas dul ahaaday Carshiga korkiisa isagoo maamulaya arrinka uunka dhammaan. Ma jiro shafeece Idankiisa kaddib ma’ahee; Kan Weeye Allaah, Rabbigiin, ee caabuda Isagoo keliya Miyaydaan Haddaba xusuusanayn
4Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa dhammaan. Wacad Alle oo xaq ah weeye, hubaal Wuxuu billaabaa uunka kolka horeba, haddana dib u soo celin mar kale, si uu ugu abaal mariyo si caddaalad ah kuwa rumeysan ee sama fala. (ma) kuwase rumeysan waaya waxay mudan doonaan cabbitaan biyo kulul ah iyo cadaab xanuun badan, gaalnimaday galeen awgeed
5Isaga Weeye Kan ka dhigay qorraxda ileys ifaya, dayaxana Nuur, oo u qaddaray rugo uu maro si aad u garataan tirada sanooyinka iyo xisaabta. Allaah uma uusan abuurin waxaan ahayn Xaq; Wuxuu u cad- deeyaa calaamooyinka dad garasho leh
6Hubaal is beddelka habeenka iyo maalinta iyo waxa Allaah ku abuuray samooyinka iyo arlada, waxaa ugu sugan xaqiiq calaamooyin dad iska jira xumaha
7Hubaal kuwa aan rajayn la kulankayaga, oo ku raalli noqday nolosha adduunkan oo ku qalbi degay, iyo kuwa ka dhoohan Aayadahayaga
8Kuwaas, hoygoodu wuxuu ahaa doonaa Naarta, waxay kasbadeen awgeed
9Hubaal kuwa (Xaqa) rumeysan ee fala samaha, Rabbigood wuxuu ku hanuunin doonaa iimaankooda darti; waxaa qulquli doona hoostooda webiyo ku yaal Beeraha Barwaaqada ah
10Ducadooda dhexdeeda waa Subxaanakal laahumma (Sarreeye ma nuqsaamow adigaa nazahan oo xurmoo dhan leh), oo salaantooda dhexdeeda waa, 'Salaam', (nabad ahaada). Oo ducadooda ugu dambaysaa waa "Al-Xamdullilaahi Rabbil Caalamiin (ammaan idilkeed waxaa mudan Allaah, Rabbiga uunanka)
11Oo hadduu Allaah u soo dedejin lahaa dadka sharka (ay ka baryaan) sida uu ugu soo dedejiyo Khayrka, muddadooda hubaal waa loo oofin lahaa (oo la hallagi lahaa)4. Waxaanse ku daynaa kuwaa aan rajayn la kulankankayaga xad gudubkooda iyagoo ku jaha wareersan indha la’aan
12Oo marka waxyeello gaadho aadmiga, wuxuu na baryaa isagoo dhinac u jiifa, ama fadhiya ama sare jooga, kolkiise aan ka feydno waxyeellada, wuxuu ku sii socdaa (caasiyoobiddiisa) sidiiyoo aanu marnaba noogu gargaarsan waxyeello gaadhay (inaan ka qaadno). Sidaas baa loogu qurxiyey xadgudbayaasha waxay falayeen
13Oo Waxaan horeyba u halaagnay facyo idinka horreeyey, markay gefef geysteen, oo Rusushoodii waxay ula yimaadeen Xujooyin Cad, mase ahayn kuwo rumeynaya. Sidaas baan u abaal marinnaa dadka dambiilayaasha ah
14Markaas baan idinka dhignay kuwa u hara dhulka iyaga kaddib, si aan u eegno sida aad u dhaqanataan
15Oo marka Aayadahayaga loo akhriyo xujooyin cad ahaan, kuwa aan rajeyn la kulankayaga, waxay yidhaahdaan: Noo keen Qur’aan aan aheyn kan, ama beddel. Dheh (Nabi Muxammadow): Igama suurowdo inaan iskay u beddelo; Waxaan uun anigu raacaa waxa la ii waxyoodo. Hubaal waxaan ka cabsan haddii aan caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin aad u Weyn
16Dheh: Hadduu Allaah doono, idiinma akhriyeen (Waxyigan) oo idinma ogeysii- yeen. Waxaan joogay dhexdiinna cimri kan ka hor5. Ee ma waydaan garowsaneyn
17Yaa haddaba ka gardarro badan mid ka been sheega Allaah ama beeniya Aayadihiisa, Hubaal dambiilayaashu ma liibaani doonaan
18Oo waxay caabudaan Allaah sokadi waxaan waxyeeli karin waxnana aan u tari karin, oo waxay yidhaahdaan: Kuwakanu waa shafeecayaashayo Allaah agti6. Dheh: Ma waxaad (is leedihiin waxaad u) sheegaysaan Allaah wax aanu ogeyn ee ka jira samooyinka iyo arlada gudahooda? Wuu ka nazahan yahay oo wuu ka Sarreeyaa waxa ay wax la wadaajiyaan
19Oo dadku ma ahayn waxaan ahayn ummad keliya (wada heysata diin keliya: Islaamka7), markaas bay iskhilaafeen (waa' dambe), oo haddii aysan jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa8 (in loo oofiyo muddadooda ama inaaan la ciqaabin cidna iyadoo aan xujo cad u iman), hubaal waa lagu kala xukumi lahaa dhexdooda waxa ay isku khilaafsan yihiin
20Oo waxay yidhaahdaan: Maxaa loogu soo dejin waayey calaamo xagga Rabbigi ah? Dheh: Waxa aan Muuqan ee qarsoon waxaa ogsoon Allaah Keliya, ee suga, hubaal aniguna sidoo kale waan idin la sugayaa
21Oo marka aan dhadhansiinno dadka Naxariis kaddib waxyeello gaadhay, mise! Waxay kolkaas u tab dhigaan oo qoolaan Aayadahayaga. Dheh: Allaah baa ku Dhaqsi Badan qorshe (tab) deggidda. Hubaal Rusushayada (malaa’igta) waxay qoraan waxaad shirqool dhigeysaan
22Isaga Weeye Kan idinka yeela inaad martaan barriga iyo baddaba, jeer marka aad ku jirtaan doonyaha oo ay ku mushaaxaan kuwa saaran (gaalada) dabayl wanaagsan oo ay markaas ku farxaan, ay u timaaddo dabayl kacsan, oo uga yimaadaan mawjaduhu dhinac kasta, oo ay yaqiinsadaan in la hareereeyay, waxay baryaan Allaah iyagoo u keli yeelaya cibaadada, oo leh: Haddii aad naga badbaadiso tani, waxaan hubaal ka mid ahaan doonnaa kuwa mahad naqa
23Markase uu badbaadiyo, mise! Waxay isla markaa ku qooqaan dhulka xaq darro. Dadoow! Qooqa (iyo xadgudubkiinna) waxay u daran tahay nafahiinna, waa sahay kooban oo nolosha adduunkan ah, kaddibna Xaggayaga baa la idiin soo celin doonaa, oo waxaan idiin sheegi doonnaa waxa aad camal fasheen
24Mataalka noloshan adduunku9 waa uun sida biyo aan ka soo dejinno daruurta, markaas dhirta dhulka oo ay dadka iyo duunyaduba wax ka cunaan ka soo baxaan si riyaaq leh iyagoo isku dheehan halkaa, ilaa marka uu dhulku qaato bilicdiisa kaamilka10 ah oo isqurxiyo oo ay dadkiisu moodaan inuu gacanta ugu jiro, uu markaas u yimaado Amarkayaga habeen ama maalin, markaas aan ka dhigno gabaahirig (wax la shafay) sidii isagoo aan jirinba shalay! Sidaas baan ugu faah-faahinnaa Aayadaha dad fekera
25Oo Allaah wuxuu ku baaqaa Daarta Nabadda (Jannada) oo ku hanuuniyaa midka uu doono Jid Toosan
26Waxay leeyihiin kuwa fala wanaagga (abaalgud) kan u wanaagsan (Janno) iyo wax ka zaa’id ah 11(eegista Rabbi). Boor iyo dulli midna ma dabooli doono wejiyadooda. Waa kuwaa ehlu Jannada, oo way ku dhex waari doonaan
27Kuwase kasbaday xumaha, abaalka xume fal keliyihi waa mid la mid ah, oo dulli baa dabooli doona (wejiyadooda). Ma heli doonaan wax Allaah ka celiya. Waxaad moodi doontaa wajiyadooda in lagu daboolay goosanno habeen gudcur madow ah, waa Kuwaa ehlu Naarka, wayna ku dhex waari doonaan
28Oo Maalinta aan soo wada kulmin doonno iyaga oo dhan, markaas waxaan ku odhan doonnaa kuwii la wadaajiyey cid kale (Allaah cibaadada): Halkiinna jooga, idinka iyo kuwa aad la wadaajiseenba; markaas waan ka sooci doonnaa (iyaga mu’miniinta), oo kuwii ay wax ka wadaajiyeen (cibaadadooda: sannamadii) waxay odhan doonaan: Ma nihin innaga kuwa aad caabudi jirteen
29Ee Allaah baa ku filan markhaati uu ahaado dhexdeenna innaga iyo idinkaba, in aanu innagu ahayn kuwo moog cibaadadiinna (aad na caabudeyseen)
30Halkaas, (Maalintaas) bay xaqiiqsan doontaa naf walbaa waxay hor marsatay, oo waxaa dib loogu soo celin doonaa Mudanahooda Xaqa ah, oo waxay waayi doonaan waxay been abuurteen
31Dheh: Waa kuma kan idinka siiya risiq samada iyo arlada? ama waa kuma kan haya maqalka iyo aragyada? Oo waa kuma kan noole ka soo saara mayd, oo ka soo saara mayd noolaha? Oo waa kuma kan qorsheeya oo iskudubarida arrimaha (uunka)? Markaas waxay odhan doonaan: Allaah. Dheh: Miyeydaan haddaba ka joogeyn (xumaha)
32Waa Kaa haddaba Allaah, Rabbigiin runta ah; ee maxaa xaqa ka dambeeya aan habow aheyn? Ee sidee baa marka la idiinka jeediyey
33Sidaas bay Kelmadda Rabbigaa ugu rumowday kuwa xumaha ku adkeysta in aanay rumayn doonin
34Dheh: Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan (cibaadadiinna) oo ifka keeni kara uunka billowga horeba haddana dib u soo celin mar kale? Dheh: Allaah baa ifka keena uunka haddana soo celin mar kale. Ee sidee baa marka Xaqa la idiinka iilay
35Dheh: Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan (cibaadadiinna) oo wax ku hanuuniya Xaqa? Dheh: Allaah baa wax ku hanuuniya Xaqa. Ee haddaba ma Kan wax ku hanuuniya Xaqa baa mudan in la raaco, mise mid aan isaguba hanuunsanayn in la hanuuniyo ma’ahee? Ee muxuu haddaba arrinkiinu yahay? Sidee baad wax u xukuntaan
36Oo badankoodu ma raacaan waxaan ahayn malo; hubaal malahu waxba kama tari doono Xaqa. Hubaal, Allaah wuu Ogsoon yahay waxa ay falaan
37Oo ma aha Qu’raankani12 wax ay been abuuran karayaan kuwaa Allaah sokadi ah, laakiinse waa xaqiijin wixii ka horreeyey iyo faahfaahin cad oo Kitaabka ah, shaki kuma jiro, waa xagga Rabbiga caalamka
38Mise waxay odhanayaan: Wuu been abuurtay? Dheh: haddaba keena Suurad la mid ah, oo u yeedha waxaad awooddaan Allaah sokadi, haddaad tihiin run sheegayaal
39Mayee, waxay beeniyaan wax aysan koobinba cilmigiisa, iyo wax uusan weli u imaan fasirkiisu. Sidaas oo kale bay waliba u beeniyeen kuwii ka horreeyay. Ee eeg haddaba sida ay aheyd cidhibta gar ma qaatayaasha
40Oo waxaa ka mid ah mid rumeysan, oo waxaa ka mid ah mid aan rumeysneyn, oo Rabbigaa waa Ogsoon yahay Mufsidiinta
41Oo hadday ku beeniyaan, Dheh: camalkayga aniga baa leh, oo camalkiinna idinka baa iska leh. Waxaad idinku ka eed tiran tihiin waxa aan falo, oo anigu waxaan ka eed tirnahay waxa aad fashaan
42Oo waxaa ka mid ah kuwo ku dhageysta13, ma adiga baase wax maqalsiin kara dhagoolaha iyagoon fahmi dooninba
43Oo waxaa ka mid ah kuwo ku soo eega14, ma adigaase ku toosin kara waddada indhoolaha iyagoon arki dooninba
44Hubaal Allaah kuma sameeyo wax gardarro ah dadka; laakiinse dadku iyaga baa nafahooda u gefa
45Oo Maalinta uu soo kulmin doono iyagoo dhan, (waxay ahaan doontaa) sida inaysan ku nagaanba (adduunka) waxaan aheyn saacad maalin ka mid ah. oo qaarba qaarkood bay garan doonaan. Waxaa run ahaan khasaari doona kuwa ku sheegay la kunlanka Allaah inuu yahay been, oo ma ay aha kuwo hanuunsan
46Oo haddaan ku tusinno (intaad nooshahay) qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno, ama aan ku oofsannoba, waa uun Xaggayaga meel noqodkooda, oo Allaah baa u jeeda waxa ay falaan
47Ummad walbaa waxay leedahay Rasuul; ee marka uu yimaado Rasuulkoodu, waxaa lagu kala xukumi doonaa dhexdooda si caddaalad ah iyagoo aan lagu gardarroon doonin
48Oo waxay odhanayaan: Waa goorma ballan qaadkani, _ haddii aad tihiin run sheegayaal
49Dheh: Anigu uma hayo naftayda wax dhib ama dheef ah waxa uu Allaah doono ma’ahee. Oo ummad kasta waxay leedahay muddo loo qabtay; markay timaaddo muddadoodu, ma dib dhigi karaan saacad, kamana soo hormari karaan (waqtigooda)
50Dheh: Bal ii sheega hadduu idiinku yimaado cadaabkiisu habeen ama maalin cad,_ maxay haddaba ka degdegsanayaan dambiilayaashu
51Mise marka uu dhaco ayaad rumayn doontaan? Haddee! ma imminka (baad rumeyneysaan)? Idinkoo horay u doonayey in la idiin soo dedejiyo
52Markaas baa lagu odhan doonaa kuwii ahaa gar ma qaatayaasha: Dhadhamiya cadaabta waarista. La idinku abaal marin mayo wax aan aheyn waxaad kasbateen
53Oo waxay ku weydiinayaan: Ma run baa kaasi? Dheh: Haa, Waa igu Rabbigaye! Hubaal waa xaq dhab ah. Oo ma ka baxsan doontaan (Cadaabta)
54Oo hadday naf walba oo gef gashay ay lahaan lahayd waxaa dhulka yaalla oo idil, way isku furan lahayd, oo waxay dareemi doonaan qoomammo marka ay arkaan cadaabta, oo arrinka waa la kala xukumi doonaa dhexdooda si caddaalad ah iyagoo aan lagu gardarroon doonin
55Haddaba hubaal waxaa iska leh Allaah waxa jira samooyinka iyo arlada. Haddaba hubaal Ballanka Ilaahay waa xaq. Laakiinse badankoodu ma’ogsoona
56Isaga baa wax nooleeya, oo sababa dhimasho, oo Xaggiisa baa dib la idiinku soo celin doonaa
57Dadoow! Waxaa idiinka yimid run ahaan waano wanaagsan xagga Rabbigiin iyo reysasho lagaga bogsado waxa ku jira laabaha (oo cudurro ah) iyo hanuuun iyo naxariis ay leeyihiin mu’miniinta
58Dheh: Fadliga Ilaahay iyo Naxariistiisa _ taas ha ku farxaan, isaga baa uga khayr badan waxa ay isu keenaan
59Dheh: Bal ii sheega waxa Allaah idiin soo dejiyey oo rizaq ah oo aad ka yeeshaan qaar ka mid ah xaaraan (qaarna) xalaal. Dheh: Ma Allaah baa idin amray, mise Allaah ayaad ka been sheegaysaan
60Oo maxay filan doonaan kuwa ka been sheega Allaah Maalinta Qiyaamaha? hubaal Allaah waa Kan fadli ku leh dadka, dadkuse badankiisu ma mahad naqaan
61Oo ma jirto wax aad ku sugan tahay oo arrin ah, iyo qayb kasta aad ka akhridaan Qur’aanka, _ iyo camal kasta oo aad fashaan, bal waan idin la joognaa marka aad dhex galeysaan. Oo kagama Qarsoona Rabbigaa (haba ahaadaane) wax saxar le’eg dhulka korkiisa ama cirka gudahiisa, ama wax ka yar ama wax ka weyn bal waxay ku qoran yihiin Kitaab Cad
62Ogaada awliyada Ilaahay ma ahaan doonto cabsi korkooda oo ma murugoon doonaan
63(Waa) kuwa (xaqa) rumeysan ee iska ilaasha (xumaha)
64Waxay ku mudan doonaan bishaaro16 nolosha adduunkan iyo aakhiradaba. Ma jiro wax beddeli karaa Kelmadaha Ilaahay. Oo taasi weeye Liibaanta Weyn
65Oo yuusan ku murugo gelin hadalkoodu, hubaal Ciso oo dhan waxaa iska leh Allaah. Waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon
66Ogaada, hubaal, Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Oo ma raacaan (run ahaan) wax shuruko ah, kuwa barya cid kale Allaah sokadi, ma raacaan (waxna) aan ahayn malo, oo been uun bay sheegaan
67Waa Isaga Kan idiinka dhigay habeenka inaad ku xasishaan, maalintana iftiin aad wax ku aragtaan. hubaal waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin dad wax maqla
68Waxay yidhaahdaan: Allaah wuxuu leeyahay wiil17, ka nazahan, Xurmo oo dhan Isagaa leh. waa Hodanka Deeqtoon. Wuxuu leeyahay waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Wax Xujo ahna uma haysataan (arrin)kani. Ma waxaad ka sheegaysaan Allaah wax aydaan ogeyn
69Dheh: Hubaal kuwa Allaah ka been sheega ma liibaani doonaan
70Waa uun sahay (yar) adduunkan gudahi, markaas Xaggayaga buu ahaan doonaa meel noqodkoodu, markaas baan dhadhansiin doonnaa cadaab daran, gaalnimadooda darteed
71Oo u Akhri qisadii Nuux. Markuu ku yidhi dadkiisii: Dadkaygiyow! hadday joogiddeyda (la jirkiin), iyo (idinku) waaninteyda Aayadaha Ilaahay ay idinku cuslaatay - haddaba Allaah baan tala saartay- ee tala goosta arrankiinna oo (soo kulmiya) kuwa aad cibaadadiinna wax ka wadaajisaan, markaas yuusan ahaan arrinkiinnu mid uu ku jiro mugdi18, markaas igu fuliya xukunkiinna oo ha i siininnaba wax nafis ah
72Haddiise aad jeesataan, idinma weydiisan idinka wax abaalgud ah, abaalgudkeyga wuxuu saaran yahay Allaah Keliya, oo waxaa la i amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta
73Wayse beeniyeen, markaas baan badbaadinnay isaga iyo intii ku wehlisay Doonida, oo Waxaan ka dhignay kuwa u hara dhulka oo ka taliya, oo aanu qarqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Ee bal fiiri sida uu ahaa aayaha kuwii loo digay
74Markaas baan u soo bixinnay isaga kaddib Rusul dadkoodii, markaas bay ula yimaadeen Xujooyin Cad, mase rumeyn lahayn waxay horayba u beeniyeen19. Sidaas baan u yeelnaa shaabbad daahda quluubta xadgudbayaasha
75Markaas baan soo dirnay iyaga kaddib Muuse iyo Haaruun xagga Fircoon iyo mudanayaashii iyagoo u sida Aayadahayaga, wayse is kibriyeen oo waxay ahaayeen dad dambiilayaal ah
76Marka uu uga yimid Xaqu Xaggayaga, waxay yidhaahdeen: Kanu waa sixir iska cad
77Muuse wuxuu yidhi: Ma waxaad ka leedihiin (sidatan) Xaqa markuu idiin yimid? Ma sixir baa kani? Oo sixiroolaayaashu ma liibaanaan
78Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso waxa aan ka hellay aabbayaashayo,_ iyo (inaad) ku sarreynta arlada markaas aad idinku yeelataan labadiinna? Oo innagu ma nihin kuwo idin rumeysanaya
79Oo Fiircoon wuxuu yidhi: Ii keena saaxir kasta oo xeel dheer
80Oo markay sixiroolayaashii yimaadeen, Muuse wuxuu ku yidhi: Tuurta waxa aad dooneysaan inaad tuurataan
81Markaasay markay tuureen Muuse wuxuu ku yidhi: Waxa aad la timaaddeen waa sixir, hubaal Allaah baa burin doonaa. Hubaal Allaah ma hagaajiyo camalka Mufsidiinta
82Oo Allaah wuxuu ku sugi doonaa Xaqa Kelmedihiisa, haba nacaane taa dambiilayaashu
83Cidnase ma rumeyn Muuse aan ahayn durriyad ka mid ah qolodiisii cabsi ay ka qabeen darteed Fircoon iyo xildhibaannadi inay caddibaan; oo hubaal Fircoon wuxuu ahaa mid isku sare yeela arlada, oo hubaal wuxuu ka mid ahaa xadgudbayaasha
84Oo wuxuu Muuse yidhi: Dadkaygiyow! Haddii aad rumeysan tihiin Allaah Isaga isku halleeya, haddii aad tihiin Muslimiin
85Markaasay waxay yidhaahdeen: Allaah baan isku halleynaa. Rabbiyow! Ha nagu salladin dadkaa gar ma qaatayaasha ah
86Oo nooga badbaadi Naxariistaada dadka gaalada ah
87Oo waxaan u waxyoonnay Muuse iyo walaalki, (Annagoo leh) Uga yeela qolodiinna20 guryo ay degaan Masar gudaheeda, oo ka dhiga guryihiinna meelo aad ku cibaadeysataan, oo ooga salaadda oo u bishaaree mu’miniinta
88Oo Muuse wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waxaad adigu ku siisey Fircoon iyo xildhibaannadi qurux iyo maal nolosha adduunkan, Rabbiyow! Si ay (dadka) uga lumiyaan Jidkaaga. Rabbiyow! Baabbi'i maalkooda, oo adkee quluubtooda, si ayan u rumeyn jeer ay arkaan Cadaabta Xanuunka Badan
89Wuxuu yidhi: Baryada labadiinna run ahaan waa la idinka aqbalay21. Ee idinku haya jidka toosan oo ha raacina jidka kuwa aan wax ogeyn
90Oo waxaan ka yeelnay Ilmahii Israa’iil inay ka gudbaan badda, markaas baa waxaa ka daba tagay Fircoon iyo ciidamadiisa qooq iyo cadaawad darteed; markaasuu markuu qaraqu haleelay wuxuu yidhi: Waxaan rumeysanahay inuusan jirin ilaah aan aheyn Kan ay rumeysan yihiin Ilamahii Israa’iil, oo anigu waxaan ka mid ahay Muslimiinta
91Ma imminka! adigoo hore u caasiyey, oo ka mid ahayd Mufsidiinta
92Waxaaanse maantadan kula badbaaadineynaa jirkaaga 22si aad ugu noqoto calaamo kuwa kaa dambeeya. Oo hubaal intooda badan dadku Aayadahayaga way ka dhoohan yihiin
93Oo waxaan xaqiiq dejinnay Ilmahii Israa’iil degaan khayr oo waxaan ku irsaaqnay waxyaalo wanaagsan, ismana ay khilaafin jeer uu climigu u yimid; hubaal Rabbigaa wuxuu ku kala xukumi doonaa dhexdooda maalinta Qiyaamaha waxa ay isku khilaafeen
94Haddiise aad ka shakisan tahay waxa aan kuu soo waxyoonnay23, weydii kuwa akhriya Kitaabka adiga hortaa. Waxaa xaqiiq kaaga yimid Xaq xagga Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabeenka
95Oo ha ka mid noqon kuwa beeniya Aayadaha Ilaahay, waayo markaas waxaad ka mid ahaaneysaa kuwa ku sugan khasaaraha dhabta ah
96Hubaal kuwa ay ku rumowday Kelmadda Rabbigaa, ma rumayn doonaan
97Xataa haddii ay calaamo kasta u timaaddo jeer ay arkaan Cadaabta Xanuunka Badan
98Oo maxay haddaba u jiri weydey magaalo rumaysa oo uu wax u taro iimaankeedu oo aan ahayn dadkii Yuunus? Markay rumeeyeen waxaan ka feydnay cadaab dulleysa oo ku gaadha nolosha adduunkan, oo waxaan u raaxaynay tan iyo muddo
99Oo hadduu doono Rabbigaa, hubaal way rumayn lahaayeen waxa dhulka jooga oo dhan kulligood. Ee ma waxaad haddaba adigu khasbaysaa dadka jeer ay noqdaan mu’miniin
100Oo uma aha nafna inay rumeyso Idanka Ilaahay la'aantii, oo Wuxuu yeelaa qurunka24 kuwaa dushooda aan caqligooda wax ku taransan
101Dheh: Fiiriya waxa jira cirarka iyo dhulka; maxayse wax u tarayaan calaamdaha iyo digniinuhu dad aan rumeysaneyn
102Ma waxay sugaan (wax kale) aan aheyn (baabbi’ii) sida maalmihii dadkii tegey hortood? Dheh: Suga haddaba, hubaal aniguna (sidoo kale) la jirkiin waxaan ka mid ahay inta wax sugaye
103Markaas baan badbaadinnaa Rusushayada iyo kuwa rumeysan. Sidaas bayna xaq noogu tahay inaan badbaadinno mu’miniinta
104Dheh: Dadow! Haddaad shaki ka qabtaan xagga diintayada, (ogaada inaan) Anigu caabudin kuwaa aad caabuddaan Allaah sokadi25. Laakiinse waxaan caabudaa Allaah ee idin oofsada, oo waxaa la amray inaan ka mid ahaado mu’miniinta
105Iyo inaad u jeediso wajigaaga xagga diinta adigoo toosan, oo ha ka mid noqonin mushrikiinta
106Oo ha baryin Allaah la jirki waxaan wax ku tari karin, waxna aan ku yeeli karin, waayo haddaad sidaa yeesho, haddaba hubaal waxaad ka mid noqoneysaa gar ma qaatayaasha
107Oo haddii Allaah ku taabsiiyo waxyeello, ma jirto cid kaa feydi kartaa oo aan Isaga ahayn; oo hadduu kula doono khayr ma jirto cid celin karta Fadlgiisa uu siiyo midkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa, oo waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan
108Dheh: Dadow! Waxaa xaqiiq idiinka yimid Xaq xagga Rabbigiin. Ee qofkii hanuunaa, waxay dan u tahay oo u hanuunaa uun naftiisa, oo qofkii lumaa, waxay u daran tahay oo u lumaa uun naftiisa, oo aniga layma saarin inaan idinka noqdo wakiil
109Oo raac waxa laguu waxyoodo, oo samir u yeela inta uu Allaah uu ka xukumo. Oo Isaga ayaa u wanaagsan inta grsoorta
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath