107. Al-Maacuun
1Ma u fiirstay kan isagu beeniya abaal marinta
2Kaasu waa kan ula dhaqma agoonta si qallafsan
3Oo aan ku dhiirra gelin (dadka kale) quudinta miskiinka
4Ee waxaa hoog leh kuwaa tukada
5Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda)
6Kuwaasoo u fala (samaha) si loo arko
7Ee bixin diida waxyaalaha aan looga maarmin nolol maalmeedka (zako iyo sadaqo iyaga warkoodba daaye)
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath