100. Al-Caadiyaat
1Waxaan ku dhaartay ordayaasha neefsada (fardaha) iyagoo qeyliyaya
2Haddana kuwaa dabka kiciya
3Haddana kuwaa qaada duullaanka subaxa hore
4Markaas boorka kiciya
5Markaa dhaqso bartanka ugu gala kulanka (cadowga)
6Hubaal! Aadmigu waa ka abaal dhacaa Rabbigi
7Oo hubaal isaga baa taasi ka markhaati ah
8Oo hubaal Waa ku daran yahay Jeclaanta maalka
9Ma wuusan haddaba ogeyn marka waxa ku jira qabuuraha la soo bixiyo
10Oo waxa ku jira laabaha la caddeeyo
11Hubaal Rabbigood maalintaas waa u Xog-Ogaal si dhan iyaga
isha: Abdullah Hasan Jacob
WEBREATH · 11:11
«If you are thankful, I will give you more» — Quran 14:7
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath