Masiixiyadda
dib

SABUURRADII 8

1Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa! Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.

2Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga, Waana cadaawayaashaada daraaddood, Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.

3Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey, Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,

4Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?

5Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha, Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.

6Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga, Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,

7Idaha iyo lo'da oo dhan, Iyo xayawaanka duurka joogaba,

8Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda, Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.

9Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!

isha: Kitaabka Quduuska Ah

WEBREATH · 11:11

«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath