Masiixiyadda
dib

SABUURRADII 87

1Aasaaskiisu wuxuu ku jiraa buuraha quduuska ah.

2Rabbigu degmooyinka reer Yacquub oo dhan Wuxuu ka jecel yahay irdaha Siyoon.

3Magaalada Ilaahay, Waxyaalo ammaan badan ayaa lagaa sheegaa. (Selaah)

4Anigu waxaan ka sheekayn doonaa Rahab iyo Baabuloon sidii kuwo i yaqaan, Bal eeg, Falastiin, iyo Turos, iyo Itoobiya. Midkanu halkaasuu ku dhashay.

5Haah, oo Siyoonna waxaa laga odhan doonaa, Midkan iyo midkaasuba iyaduu ku dhashay, Oo Ilaaha ugu sarreeya ayaa iyada dhisi doona.

6Rabbigu wuu tirin doonaa markuu dadka qorayo, Midkanu halkaasuu ku dhashay. (Selaah)

7Kuwa gabya iyo kuwa cayaaraaba waxay odhan doonaan, Waxaa kugu jira ilahayga oo dhan.

isha: Kitaabka Quduuska Ah

WEBREATH · 11:11

«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath