SABUURRADII 75
1Ilaahow, adaan kuu mahadnaqnaa, Waannu kuu mahadnaqnaa, waayo, magacaagu waa noo dhow yahay, Dadku waxay ka sheekeeyaan shuqulladaada yaabka badan.
2Wakhtiga aan qawimay, Ayaan si qumman wax u xukumi doonaa.
3Dhulka iyo waxa kor deggan oo dhammuba way wada dhalaaleen, Tiirarkiisa anigaa qotomiyey. (Selaah)
4Kuwa kibirka leh waxaan ku idhi, Ha kibrina, Kuwa sharka lehna waxaan ku idhi, Geeskiinna kor ha u taagina,
5Geeskiinna kor ha u taagina, Oo madaxadayg ha ku hadlina.
6Waayo, sarrayntu kama timaado xagga bari ama xagga galbeed, Ama xataa xagga koonfureed toona.
7Laakiinse Ilaah baa xaakin ah, Isagu mid buu dejiyaa, ku kalena wuu sarraysiiyaa.
8Waayo, Rabbiga gacantiisa waxaa ku jira koob, oo waxaa ka xumbaynaysa khamri, Oo waxaa ka buuxa wax laysku qooshay, oo kaasuu wax ka shubaa, Hubaal huubadiisa waxaa heenheensan doona oo cabbi doona dunida kuweeda sharka leh oo dhan.
9Laakiinse anigu weligayba waan rayrayn doonaa, Oo waxaan ammaan ugu gabyi doonaa Ilaaha Yacquub.
10Oo weliba kuwa sharka leh geesahooda oo dhan waan wada jejebin doonaa, Laakiinse kuwa xaqa ah geesahooda waa la sarraysiin doonaa.
isha: Kitaabka Quduuska Ah
WEBREATH · 11:11
«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath