Masiixiyadda
dib

SABUURRADII 6

1Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.

2Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay, Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.

3Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay, Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?

4Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi, Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.

5Waayo, geeridu ma leh xusuus adiga lagugu xusuusto, Bal yaase She'ool kaaga mahadnaqi doona?

6Waxaan la daalay jibaadkayga, Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa. Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.

7Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.

8Iga taga, kuwiinna xaqdarrada ka shaqeeya oo dhammow, Waayo, Rabbigu waa maqlay codkii oohintayda.

9Rabbigu waa maqlay baryootankaygii, Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.

10Cadaawayaashayda oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, oo aad iyo aad bay u dhibtoon doonaan, Dib bay u noqon doonaan, oo si kediso ah ayay u ceeboobi doonaan.

isha: Kitaabka Quduuska Ah

WEBREATH · 11:11

«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath