Masiixiyadda
dib

SABUURRADII 64

1Ilaahow, codkayga maqal markii aan kuu soo cawdo, Oo naftayda ka ilaali cadowga cabsidiisa.

2Oo iga qari talada qarsoon oo kuwa sharka ka shaqeeya, Iyo tirabadnaanta xumaanfalayaasha,

3Oo carrabkooda u afeeyey sidii seef oo kale, Oo fallaadhahoodii liishaamay kuwaas oo ah erayo qadhaadh,

4Si ay meelo qarsoon kan qumman fallaadh ugaga ganaan, Haddiiba si kedis ah ayay ugu ganaan, mana cabsadaan.

5Qasdi shar ah bay isku dhiirrigeliyaan, Waxay ku arrinsadaan inay si qarsoon dabinno u dhigaan, Oo ay isyidhaahdaan, Bal yaa arki doona?

6Waxay baadhaan xumaatooyin, iyagoo leh, Annagu baadhid caqli ah ayaannu ebinnay, Fikirka ku jira uurka nin walba iyo qalbiguba waa mool dheer yihiin.

7Laakiinse Ilaah waa toogan doonaa, Oo haddiiba iyaga waxaa dhaawici doonta fallaadh.

8Sidaas daraaddeed waa la kufin doonaa, iyagoo carrabkoodu col u yahay naftooda, Wax alla wixii iyaga arka oo dhammu way carari doonaan.

9Oo dadka oo dhammu way cabsan doonaan, Oo waxay sheegi doonaan shuqulka Ilaah, Oo si caqli ah ayay uga fikiri doonaan wuxuu sameeyey.

10Kuwa xaqa ahu waxay ku farxi doonaan Rabbiga, oo isagay isku hallayn doonaan, Oo inta qalbigoodu toosan yahay oo dhammuna way faani doonaan.

isha: Kitaabka Quduuska Ah

WEBREATH · 11:11

«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath