SABUURRADII 54
1Ilaahow, magacaaga igu badbaadi, Oo xooggaaga iigu garsoor.
2Ilaahow, baryadayda maqal, Oo erayada afkayga dhegta u dhig,
3Waayo, shisheeyayaal baa igu kacay, Oo rag dulmi badan ayaa doonayay inay nafta iga qaadaan, Iyagu Ilaah kama fikirin. (Selaah)
4Bal eega, Ilaah waa gargaarahayga, Oo Sayidkuna wuxuu la jiraa kuwa naftayda tiiriya.
5Isagu sharka wuxuu ku celin doonaa cadaawayaashayda, Iyaga runtaada ku baabbi'i.
6Waxaan kuu qali doonaa qurbaan ikhtiyaar ah, Rabbiyow, magacaaga waan ku mahadnaqi doonaa, waayo wuu wanaagsan yahay.
7Waayo, isagu wuxuu iga samatabbixiyey dhibaato oo dhan, Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay.
isha: Kitaabka Quduuska Ah
WEBREATH · 11:11
«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath