Masiixiyadda
dib

SABUURRADII 48

1Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.

2Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah, Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.

3Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.

4Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen, Dhammaantood way wada dhaafeen.

5Oo kolkay arkeen ayay yaabeen, Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.

6Iyagii halkaasay ku gariireen, Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.

7Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa Dabaysha bari.

8Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna, Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)

9Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay Markaan macbudkaaga ku jirnay.

10Ilaahow, sida magacaagu yahay Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan, Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.

11Buur Siyoon ha faraxdo, Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.

12Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega, Oo munaaradaheeda tiriya.

13Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda, Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer, Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.

14Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah, Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.

isha: Kitaabka Quduuska Ah

WEBREATH · 11:11

«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath