SABUURRADII 41
1Waxaa barakaysan kii ka fikira miskiinka, Maalinta shar jiro Rabbigu waa samatabbixin doonaa isaga.
2Rabbigu wuu dhawri doonaa, wuuna sii noolayn doonaa, oo isaguna dhulkuu ku barakaysnaan doonaa. Rabbow, isaga ha u gacangelin sida cadaawayaashiisu rabaan.
3Rabbigu wuxuu isaga ku gargaari doonaa sariirta taagdarradiisa. Oo markuu bukana sariirtiisa oo dhan waad u hagaajisaa.
4Anigu waxaan idhi, Rabbiyow, ii naxariiso, Oo naftayda bogsii, waayo, waan kugu dembaabay.
5Cadaawayaashaydu shar bay iga sheegaan, oo waxay yidhaahdaan, War goormuu dhiman doonaa, oo magiciisu baabbi'i doonaa?
6Oo midkood hadduu i soo booqdona been buu ku hadlaa, Oo qalbigiisuna xumaatuu urursadaa; oo markuu dibadda u baxo ayuu ka warramaa.
7Kuwa i neceb oo dhammu anigay ii wada faqaan, Oo waxay iigu wada tashadaan si ay wax ii yeelaan.
8Waxay yidhaahdaan, Cudur xun baa isagii ku dhacay, Oo haatan wuu jiifaa, mar dambena sooma uu kici doono.
9Xataa saaxiibkaygii aan isku halleeyey, oo kibistaydii cunay, Ayaa cedhibtiisa ii qaaday.
10Laakiinse, Rabbiyow, ii naxariiso, oo mar i sara jooji, Aan iyaga ka aar goostee.
11Tan ayaan ku garanayaa inaad igu faraxsan tahay, Maxaa yeelay, cadowgaygu igama guulaysto.
12Laakiinse aniga waxaad ii tiirisaa daacadnimadayda aawadeed, Oo weligaaba waxaad i fadhiisisaa wejigaaga hortiisa.
13Weligiis iyo weligiisba Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil. Aamiin iyo Aamiin.
isha: Kitaabka Quduuska Ah
WEBREATH · 11:11
«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath