SABUURRADII 21
1Rabbiyow, boqorku wuxuu ku farxi doonaa xooggaaga, Oo badbaadintaadana aad buu ugu rayrayn doonaa.
2Waxaad isaga siisay wixii qalbigiisu doonayay, Oo wixii bushimihiisu ku weyddiisteenna uma aad diidin. (Selaah)
3Waayo, waxaad isaga hor dhigtaa barakooyinka wanaagga, Oo madaxiisana waxaad saartaa taaj dahab saafi ah.
4Wuxuu kaa baryay nolol, oo adna waad siisay isaga, Oo waxaad siisay cimri dheer oo waaraya weligiis iyo weligiisba.
5Ammaantiisu waxay ku weyn tahay xagga badbaadintaada, Oo waxaad isaga saartaa murwad iyo haybad.
6Waayo, waxaad isaga ka dhigtaa mid weligiisba aad u barakaysan, Oo waxaad ka dhigtaa inuu hortaada farxad kula reyreeyo.
7Waayo, boqorku wuxuu isku halleeyaa Rabbiga, Oo Ilaaha ugu sarreeya raxmaddiisa aawadeed isaga innaba lama dhaqaajin doono.
8Gacantaadu waxay heli doontaa cadaawayaashaada oo dhan, Oo midigtaaduna waxay heli doontaa kuwa ku neceb.
9Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah. Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa, Oo dab baa gubi doona.
10Midhahooda dhulkaad ka baabbi'inaysaa, Farcankoodana binu-aadmiga dhexdiisa.
11Waayo, iyagu waxay ku talo jireen inay xumaan kugu sameeyaan, Oo waxay hindiseen xeel ayan iyagu dhammayn karin.
12Waayo, waxaad iyaga ka dhigi doontaa inay dib u jeestaan, Oo xadhigga qaansadaadana waxaad ku diyaarin doontaa wejigooda hortiisa.
13Rabbiyow, adigu xooggaaga ku sarree, Markaasaannu gabyi doonnaa, oo waxaannu ammaani doonnaa itaalkaaga.
isha: Kitaabka Quduuska Ah
WEBREATH · 11:11
«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath