Masiixiyadda
dib

SABUURRADII 16

1Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.

2Waxaan Rabbiga ku idhi, Sayidkayga baad tahay, Oo innaba wanaag ma haysto la'aantaa.

3Quduusiinta dhulka joogtaa Waxaa weeye kuwa sharafta leh oo aan aad iyo aad ula faraxsanahay.

4Kuwa ilaaha kale u dheereeya murugtoodu waa badnaan doontaa, Laakiinse anigu bixin maayo qurbaankooda cabniinka oo dhiigga ah, Oo magacyadoodana bushimahayga ku soo qaadi maayo.

5Rabbigu waxaa weeye qaybtii dhaxalkayga iyo koobkayga, Adigu qaybtayda waad xannaanaysaa.

6Dhulqaybsigii meelo wacan baan ku helay, Haah, oo waxaan leeyahay dhaxal wanaagsan.

7Anigu waxaan ammaanayaa Rabbiga i waaniyey, Habeenkiina uurkaygu wax buu i baraa.

8Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku xusuustaa, Oo anigu innaba dhaqdhaqaaqi maayo, Maxaa yeelay, isagu wuxuu joogaa midigtayda.

9Taas aawadeed qalbigaygu waa faraxsan yahay oo naftayduna way rayraysaa, Oo weliba jidhkayguna ammaan buu ku jiri doonaa.

10Maxaa yeelay, naftayda She'ool kuma dayn doontid, Kaaga quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.

11Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha, Hortaada farxad baa ka buuxda, Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.

isha: Kitaabka Quduuska Ah

WEBREATH · 11:11

«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath