Masiixiyadda
dib

SABUURRADII 148

1Rabbiga ammaana. Rabbiga samooyinka ka ammaana, Meelaha sarsarena ka ammaana.

2Malaa'igihiisa oo dhammow, ammaana isaga, Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga.

3Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga, Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.

4Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow, Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow.

5Iyagu magaca Rabbiga ha ammaaneen, Waayo, isagu wuu amray, oo iyana way abuurmeen.

6Oo weliba isagaa adkeeyey iyaga weligood iyo weligoodba, Oo wuxuu sameeyey xad aan la gudbi doonayn.

7Rabbiga dhulka ka ammaana, Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow,

8Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow, Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow,

9Buuro iyo kuro oo dhammow, Dhir midho badan iyo dhir kedar la yidhaahdo oo dhammow,

10Dugaag iyo xoolo oo dhammow, Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,

11Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow, Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,

12Barbaar iyo hablow, Odayaal iyo carruuray,

13Ha ammaaneen magaca Rabbiga, Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa, Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.

14Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa, Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan, Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow. Rabbiga ammaana.

isha: Kitaabka Quduuska Ah

WEBREATH · 11:11

«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath