SABUURRADII 125
1Kuwa Rabbiga isku halleeyaa Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta.
2Sida buuruhu Yeruusaalem ugu wareegsan yihiin Ayuu Rabbigu dadkiisa ugu wareegsan yahay, Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
3Waayo, usha xumaantu ku dhici mayso qaybta kuwa xaqa ah, Si aan kuwa xaqa ahu gacmahooda xumaan ugu soo fidin.
4Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee, Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay.
5Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.
isha: Kitaabka Quduuska Ah
WEBREATH · 11:11
«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath