Masiixiyadda
dib

SABUURRADII 122

1Waan farxay markay igu yidhaahdeen, Ina keena, aan guriga Rabbiga tagnee.

2Yeruusaalemay, cagahayagu Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda,

3Yeruusaalem waxaa loo dhisay Sida magaalo isku wada dheggan,

4Halkaasay qabiilooyinka, oo ah qabiilooyinka Rabbigu kor ugu baxaan Inay Israa'iil u marag furaan, Iyo inay magaca Rabbiga ku mahadnaqaan.

5Waayo, waxaa yaalla carshiyo garsoorid loo dhigay, Waana carshiyadii reerka Daa'uud.

6Yeruusaalem nabad ugu duceeya. Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan.

7Nabadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda, Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer.

8Walaalahay iyo rafiiqyadayda daraaddood Ayaan hadda waxaan odhanayaa, Nabadu gudahaaga ha ku jirto.

9Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa.

isha: Kitaabka Quduuska Ah

WEBREATH · 11:11

«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath