SABUURRADII 120
1Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Oo isna wuu ii jawaabay.
2Rabbiyow, naftayda ka samatabbixi bushimo been sheega, Iyo carrab khiyaano badan.
3Carrabka khiyaanada badanow, bal maxaa lagu siin doonaa? Oo maxaa kaloo laguu samayn doonaa?
4Adoo ah sida ku xoog badan oo fallaadhihiisa afaysan, Kuwaas oo wata dhuxulo geed rotem la yidhaahdo.
5Anaa hoogay, waayo, Mesheg baan qariib ku noqday, Oo waxaan dhex degay teendhooyinkii Qedaar!
6Naftaydu waxay wakhti dheer la degganayd Mid nabadda neceb.
7Waxaan ahay mid nabad jecel, Laakiinse kolkii aan hadlo, iyagu waa kuwa dagaal jecel.
isha: Kitaabka Quduuska Ah
WEBREATH · 11:11
«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath