Masiixiyadda
dib

SABUURRADII 11

1Anigu Rabbigaan isku halleeyaa, Haddaba idinku sidee baad naftayda ugu tidhaahdaan, Sida shimbir oo kale buurtiinnii ku carara?

2Waayo, bal eega, kuwa sharka lahu waxay xoodaan qaansada, Fallaadhoodana waxay ku diyaariyaan xadhigga, Inay kan qalbiga ka qumman goor gudcur ah ku ganaan.

3Haddii aasaaska la dumiyo, Kan xaqa ahu bal muxuu samayn karaa?

4Rabbigu wuxuu ku jiraa macbudkiisa quduuska ah, Rabbiga carshigiisu wuxuu yaal samada, Indhihiisu way eegaan, oo indhihiisa daboolkooduna way imtixaamaan binu-aadmiga.

5Rabbigu waa tijaabiyaa kii xaq ah, Laakiinse kii shar leh iyo kii dulmi jecelba naftiisu way neceb tahay.

6Kuwa shar leh wuxuu ku soo kor daadin doonaa dabinno, Oo qaybta koobkooduna waxaa weeye dab iyo baaruud iyo dabayl hanfi ah.

7Waayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay, Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.

isha: Kitaabka Quduuska Ah

WEBREATH · 11:11

«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath