SABUURRADII 116
1Rabbiga waan jeclahay, maxaa yeelay, wuxuu maqlay Codkaygii iyo baryootankaygii.
2Dhegtuu ii dhigay, Sidaas daraaddeed isagaan baryi doonaa intaan noolahay oo dhan.
3Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey, Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday. Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug.
4Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga, Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi.
5Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq, Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay.
6Rabbigu kuwa garaadka daran wuu dhawraa, Hoos baa la ii soo dejiyey, kolkaasuu i badbaadshay.
7Naftaydoy, nasashadaadii ku noqo, Waayo, Rabbigu wax badan oo wanaagsan buu kuu sameeyey.
8Waayo, naftayda waxaad ka samatabbixisay dhimasho, Indhahaygana ilmo, Cagahaygana kufid.
9Waxaan ku socon doonaa Rabbiga hortiisa Anigoo dhex jooga dalka kuwa nool.
10Waan rumaysnaa, oo markaan hadlay Aad baa la ii dhibay,
11Anigoo degdegsan baan waxaan idhi, Dadka oo dhammu waa beenaalayaal.
12Bal maxaan Rabbiga uga celiyaa Waxyaalihii uu ii taray oo dhan?
13Waxaan qaadan doonaa koobka badbaadada, Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.
14Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda.
15Rabbiga hortiisa dhimashada quduusiintiisa Ayaa qiimo weyn ku leh.
16Rabbiyow, sida runta ah waxaan ahay addoonkaaga, Waxaan ahay addoonkaaga, oo ah wiilka addoontaada, Silsiladahaygii waad iga furtay.
17Waxaan kuu soo bixin doonaa allabarigii mahadnaqidda, Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.
18Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda,
19Iyo guriga Rabbiga barxadihiisa, Iyo dhexdaada, Yeruusaalemay. Rabbiga ammaana.
isha: Kitaabka Quduuska Ah
WEBREATH · 11:11
«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath