SABUURRADII 111
1Rabbiga ammaana. Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugaga mahadnaqi doonaa Guddiga kuwa qumman dhexdiisa iyo ururka dhexdiisaba.
2Shuqullada Rabbigu way waaweyn yihiin, Oo waxaa doondoona kuwa ku faraxsan oo dhan.
3Shuqulkiisu waa sharaf iyo haybad, Oo xaqnimadiisuna weligeedba way waartaa.
4Wuxuu ka dhigay in la sii xusuusto shuqulladiisa yaabka badan, Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad.
5Wuxuu cunto siiyey kuwa isaga ka cabsada, Oo weligiisna wuxuu xusuusnaan doonaa axdigiisii.
6Wuxuu dadkiisii tusay xooggii shuqulladiisa, Markii uu iyaga siiyey quruumaha dhaxalkoodii.
7Shuqullada gacmihiisu waa run iyo garsoorid, Oo amarradiisa oo dhammuna waa hubaal.
8Way sii adag yihiin weligood iyo weligoodba, Oo waxaa lagu sameeyey run iyo qummanaan.
9Wuxuu dadkiisa u soo diray furasho, Oo wuxuu amray in axdigiisu ahaado mid weligiisba waara, Magiciisu waa quduus, waana mid laga cabsado.
10Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda, Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan, Ammaantiisu way waartaa weligeedba.
isha: Kitaabka Quduuska Ah
WEBREATH · 11:11
«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25
Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.
WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath