Masiixiyadda
dib

YEREMYAAH 45

1Kanu waa eraygii uu Nebi Yeremyaah kula hadlay Baaruug ina Neeriiyaah markuu erayadan kitaab kaga qoray afkii Yeremyaah, taasoo ahayd sannaddii afraad ee Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqorka ka ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Baaruugow,

2Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu kugu leeyahay,

3Adigu waxaad tidhi, Anigaa iska hoogay haatan, waayo, Rabbigu xanuunkaygii murug buu iigu sii daray. Taahiddaydii, waan la daalay, oo innaba nasasho ma aan helin.

4Waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wixii aan dhisay waan dumin doonaa, oo wixii aan beerayna waan rujin doonaa, taasuna waa dalka oo dhan.

5Ma nafsaddaadaad waxyaalo waaweyn u doondoonaysaa? Ha doondoonin, waayo, bal ogow, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu masiibaan binu-aadmiga oo dhan ku soo dejin doonaa, laakiinse meel alla meeshii aad tagtidba naftaadaan booli ahaan kuu siin doonaa.

isha: Kitaabka Quduuska Ah

WEBREATH · 11:11

«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath