Masiixiyadda
dib

HOOSHEECA 3

1Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Haddana tag, oo waxaad jeclaataa naag la caashaqo oo dhillo ah, sida Rabbigu u jecel yahay dadka Israa'iil in kastoo ay ilaahyo kale u jeestaan, oo ay jeclaadaan wax sabiib ah.

2Sidaas daraaddeed iyadaan ku soo iibsaday shan iyo toban xabbadood oo lacag ah, iyo xomeer iyo badh oo shaciir ah.

3Oo waxaan iyada ku idhi, Waa inaad wakhti dheer ii joogtaa, oo aadan dhilloobin, oo aadan innaba nin kale naagtiis noqon, oo aniguna sidaas oo kalaan kuu ahaan doonaa.

4Waayo, dadka Israa'iil wakhti dheer bay joogi doonaan boqorla'aan, iyo amiirla'aan, allabarila'aan, iyo tiirla'aan, eefodla'aan, iyo teraafiimla'aan.

5Oo markaas dabadeedna dadka Israa'iil way soo noqon doonaan, oo waxay doondooni doonaan Rabbiga Ilaahooda ah, iyo Daa'uud oo boqorkooda ah, oo ugu dambaysta ayay cabsi ula iman doonaan Rabbigooda iyo wanaaggiisa.

isha: Kitaabka Quduuska Ah

WEBREATH · 11:11

«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath