Masiixiyadda
dib

1 BUTROS 5

1Anigoo anba oday la ah oo marag ka ah waxyaalihii Masiixu ku xanuunsaday oo weliba ka qayb qaadanaya ammaanta la muujin doono, waxaan ku waaninayaa odayaasha idinku dhex jira:

2Ilaaliya idaha Ilaah oo idin dhex jooga, idinkoo aan qasab ahaan u dhawrayn, laakiinse raalli ka ah sida Ilaah doonayo.

3Oo weliba ha u dhawrina faa'iido ceeb ah daraaddeed, laakiinse ku dhawra maan diyaar ah, hana u xukumina sida idinkoo sayidyo u ah kuwaad u talisaan, laakiinse idaha masaallo u noqda.

4Oo marka Adhijirka sare la muujiyo, idinku waxaad heli doontaan taajka ammaanta oo aan baabba'ayn.

5Sidaasoo kalena dhallinyaraday, odayaasha ka dambeeya, oo kulligiinba is-hoosaysiiya, in midkiinba midka kale u adeego, maxaa yeelay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiinse kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa.

6Haddaba sidaas daraaddeed gacanta xoogga leh oo Ilaah iska hoosaysiiya, si uu wakhtigiisa idiin sarraysiiyo.

7Welwelkiinna oo dhan isaga saara, maxaa yeelay, isagu dan buu idinka leeyahay.

8Feeyignaada oo soo jeeda, waayo, cadowgiinna Ibliiska ahu sida libaax ciyaya ayuu u wareegaa oo u doondoonaa cid uu liqo.

9Isaga hor joogsada, idinkoo iimaankiinna ku adag, oo garanaya in isla dhibaatooyinkaasu ay ku dhacaan walaalahiinna dunida ku jira.

10Haddaba Ilaaha leh nimcada oo dhan oo idiinku yeedhay ammaantiisa daa'imkaa oo Masiixa ku jirta, markii aad in yar xanuunsataan ka dib isagu wuu idin kaamili doonaa, oo idin adkayn doonaa, oo idin xoogayn doonaa.

11Weligiis iyo weligiisba xoogga isagaa leh. Aamiin.

12Waxaan warqad yar idiinku soo qoray gacanta walaalkeen Silwanos oo aan ku tirinayo inuu aamin yahay. Oo waxaan idinku waaninayaa oo marag ahaan idiinku sheegayaa in tanu tahay nimcada Ilaah oo run ah. Taas ku adkaada

13Waxaa idin soo salaamaya tan Baabuloon joogta oo laydinla doortay, iyo wiilkayga Markos.

14Isku salaama dhunkasho jacayl ah. Oo intiinna Masiixa kuwiisa ah oo dhan nabaddu ha u ahaato.

isha: Kitaabka Quduuska Ah

WEBREATH · 11:11

«He himself gives everyone life and breath and everything else» — Acts 17:25

Breath is one for all: everyone lives by it, whoever they are and whatever they believe. Every day at 11:11 local time people stop for sixty seconds, breathe, and thank GOD for the breath — each in their own words, each within themselves. In that minute we are One Breath.

WEBREATH — the Minute at 11:11, your own local time — we are One Breath